SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Aqoon-yahankii gaajadu dishootay.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa anigoo ka cashaynaya hotel ku yaala magaalada Hargeysa waxa dhinaca bidix igala hadlay nin weyn, waxa uu hoos u yidhi ma haysa wax aan ku casheeyo, intaan haa ku yidhi ayaan wixii aan hayey u dhiibay, dabadeedna waxa uu ii bilaabay sheeko iyo qisooyin badan iyo waxyaalo badan oo uu u soo joogay.

Waxa uu iiga waramay waayaha nololeed ee uu hadda jiro iyo noloshii waayo waayo ee uu hore u soo maray.
Sidaa darteed, waxay sheekadaasi igu abuurtay dareen xoogan, waxaana si fiican oo dareen foojigan oo xiiso leh aan u soo wada jeediyey dareenkaygii si aan u dhugto qisooyinka layaabka leh ee uu iga sheekaynayo.

Shakhsiyan waxaan ahay qof jecel inaan wax dhagaysto, isla markaana ka faa’iidaysta raga waayo aragnimada leh iyo qisooyinka ay u soo joogeen.
Odaygan oo aan ula baxay Mooge, ayaa Muuqaalkiisaa iyo sheekooyinka ka soo burqanaya waxay I tusisay in warbixin laga diyaariyo si dhalinyarada loogu hogaatusaaleeyo, isla markaana ay ugu cibro qaataan.

Hore ayaa loo yidhi wakhtigi waa sida geed hadhkiisa oo kolba dhinac ayuu u jeesanaya, ama dunidu waa giraan oo bar madow iyo mid cad leh, qofna barta madow way u horaysa midna way u dambeeysaa, mahadhooyinka iyo duruufaha uu qofka bani’aadamku soo maro ayaa heerar kala duwan wata, haddii wakhtiga adag iyo duruufo xuni ku soo maray waa mid ku dambeysa, waayo qofka bani’aadamka ah kuma wada dhamaysan karo nolol isku wada mid ah, kii shalay taajirka ahaa ayaa maanta fiqiir ah, noloshonu waa giraan wareegaysa.

Ninkani waa nin da’da dhexe ah, qayrkii waxa ay maanta ku jiraan nolol aad u wanaagsan, waxa uu maalin walba arkaa dadkii ka hooseeyey ama aan aqoonta badan haysan oo cirka maraya, isla markaana si weyn loo tixgelinayo oo dadku buunbuuninayaan. Mararka qaarkood ayuu dib isku fiiriyaa oo uu is yidhaa waraaqaha uu sita malaha waa waraaqo badhan oo aan waxba ku qornayn, mar mar ayaa shaki ku galiyaan shahaadooyinka uu sita marka uu waxba ku qaban waayo.

Si kastaba ha ahaatee, ninkan Mooge ayaa ah nin muslim ah oo leh iimaan, isla markaana og in aanu wali wakhtigiisii gaadhin, waxaanu aaminsan yahay in wax qadar la yidhaa jiro sidaa awgeed uu qadarkiisa sugayaa.

Hadaba, Mooge iyo nolosha uu soo maray oo marxalado kala duwan leh, magaalooyin iyo dalal kala gadisan leh ayaa sheekadiisii waxay u dhacday sidan:
Mooge, waxa ay hadda da’diisu maraysa kontomaad, waxa uu wakhtigii waxbarashadiisii ku soo beegantay wakhti ay Somalia ay aad u wanaagsanayd, markii uu soo dhamaystayna waxa uu ku soo beegantay wakhtigii burburka iyo nacaybka bulshada dhexdeedu abuurantay.

Mooge, waxa uu jaamacada lafoole ka qalin jabiyey dhawr iyo todobaatankii, waxa uu waxbarasho sare ka helay jaamacad rush ah, hadana waxa uu fursad waxbarasho ka helay jaamacad ku taalla Talyaaniga, isagoo marka uu waxbarashadii ugu dambeeyeysay soo dhamaystay ayuu ku soo noqday dalka, balse nasiib daro waxa uu ku soo beegmay wakhtigii kala guurka iyo dhibaatada ee ay somaliyadii uu wax u soo bartay ay burburtay.

Mooge niyadiisu aad ayey u wanaagsanayd markii uu soo noqonayey, waxaanu aaminsanaa in uu shaqo fiican heli doono, maadaama oo uu nasiib u helay in jaamacado kala duwan ka soo qalinjabiyo.

Wakhtigii uu waxarashada ku jiray waxa uu fursad u helay inuu wakhtiga uu jaamacada ku jiro maaha inta kale uu shaqo ku meel gaadh ah ka waday safaarada Somalidu ay ku leedahay Talyaaniga.

Markii uu Waxbarashadiisii soo dhamaystay dib ugu soo noqday dalka, nasiib daro waxa uu la kulmay burburkii Somalia, waxa uu farxadkii u baxsaday dalka Kenya, waxa uu muddo ka hawlgalay safaarada Kenya, waxaana halkaas ku wehelinayey xaaskiisa iyo caruur uu dhalay, isagoo halkaas jooga ayaa dhismihii safaarada lagu dul iibiyey, waxaanu ku waabariistay dhismaha safaarada oo la iibiyey.

Markii uu muddo halkii joogay ayaa xaaskiisii ay ka mid noqotay qolooyin qaxoontiga loo qaadayey, inkastoo aanu ka raali ahayn qaxoontigaa ay raacday oo uu isagu dalka aad u jeclaa, balse xaaskiisu dhag uma dhigin ee hore ayey hawsheedii ka wadatay oo u dhooftay dalka dibadiisa halkaasna ay qaxoonti ku noqotay, isla markaana dib dambe aanu hadal iyo meel ay ku sugan yihiin aanu ka maqal.

Mooge halkii ayuu nasiibsaday, waxa uu sugayba markii uu naftiisa u yaabay ayuu xami kari waayey ayuu damcay inuu dib dalkiisa ugu soo noqday.
Mooge waxa uu ka soo jeeday somaliland, balse waxa uu ku koray waxbarashadiisiina ku soo qaatay koonfurta Somalia, taas ayaa keentay in aanu waxba ka aqoon dhulka uu ka soo jeedo, xiita lahjada luuqadiisa ayaa ka soocaysa deegaanka uu ka soo jeeddo.

Mooge markii uu dalkii Kenya ku noolaan kari waayey ayuu dib ugu soo noqday dalkiisii hooyo, balse waxa ku adkaaday dad dhexgalkii isagoo fahmi waayey dhaqanka iyo dabeecada taasina waxay ku noqotay mushkilad kale oo dabarta noloshiisa.

Sidoo kale waxa uu yimid iyadoo shaqooyinka loo gaynayo dadka garasho iyo garabayshan ee aan loo eegayn maxaad taqaanaa, dadka waxa wada odayaal iyo caaqilo, iyagaa CV u ah ninka la qorayo shaqada, markay doonaana kaa eryi kara, haddii aanad odayaashaa naasnuujina go’aagu waa dibada.

Mooge waxa uu dugsaday oo ay ehel noqdeen shahaadooyin badan oo aan waxba u tarayn oo cilmi ku duugan yahay, waxa uu iswaydiiyey su’aalo badan oo uu ka jawaabi kariwaayey, Ciil iyo nololasha oo uu nacay ayuu ka qaaday imaatankii dalka, maalin walba waxa uu xaraystaa shaqooyinka soo baxa.

Nasiib darose waa laga reebaa, oo marka uu u dhowyahay waa marka loo yeedho ee uu interview-ga laga qaado, marka la ogaado inuu nin aqoon leh yahay waa la reebaa, halka mararka qaarkood si cad lagu yidhaa aqoontaadu way ka saraysa booskan aad raadinayso sidaa darteed naga raali ahow, dabadeedna isagoo ciil is cuncunaya dib ugu soo laabta hoygiisii.


Mooge iyadoo aanay jirin cid la aqoon iyo cilmiba leh ayaa hadana uu ku nool yahay nolol aad u adag, isla markaana nolosha uu ku jiro ay tahay mid aad u foolxun una adag, shahaadooyinka uu sitana uu habeenkii barkima ka dhigta.


Wakhtiga iyo waayaha haraatiyey, balse wali nolosha kama quusan ee rajo ayuu sugaya/
Mooge arrintan kali kuma aha, ee boqolaal qof oo sidaas oo kale ah ayaa dalka jooga, cidi ma taqaan, cidina kama waransiiso, ee meelaha madow iyo doqon magaratada ayey iska dhex joogaan.

Boqolaalkaas qof ee sida mooge oo kale ah waxay noqon lahaayeen kuwa maanta dalka ka taliya, balse waxba u calaacali mayo oo nasiibkiisa ayuu leeyahay, ilaahay na wax buu inagu tusayaa, ragaas muuqda ee wada hebelka ah isagay u shaqayn lahaayeen haddii dalka cadaaladi taalo.

Waxyaalaha uu dalku la socon laayahayna waa dulmi laga galay dadka noocan oo kale ah, ee la diidan yahay inuu ku soo baxo, waayo haddii uu soo baxo waxa wax ku waayaya waa kuwo aan aqoonta lahayn ee hadana meelaha ugu wanaagsan haya ee wax maamulaya, kuwa ku taagan ee cadaadinaya waa kuwaas oo aan ogolaanayn in ay soo baxaan dadka mooge oo kale ah ee aqoonta leh, moogese waxa uu kaga ciil la’yahay waxa uu aaminsan yahay in mar uun dalku isbedeli doono oo wanaagu shaqayn doono.

Aduunyadu waa hadhka labadii galin, ma ogtahay in aqoonyahan aan shaqo hayni jooga, iyadoo kii ka aqoon hooseeyeyna ka sareeyo, waa wakhtiga maanta, taas ayaa Mooge la kulantay laakiin wali rajadu kama dhamaan ee rajaa u laaban.


Barkhad-Ladiif M. Cumar.
E-mail:barkhadladiif@hotmail.com

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire