SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Balan qaadyadii Xasan Sheekh maxaa ka qabsoomay.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed mid waliba maalmaha uu madaxnimo doonka yahay waxa uu soo bandhigaa qorshayaal aad u qurux badan oo Soomaaliyadan baaba’a ah loogu celinayo waxa ay Soomaalida dawladnimada soo aragtay ugu yeeraan ‘Beri-samaadkii’.

Tobankii bishii Sembeembar, 2012-kii MW Xasan Sheekh oo xilligaa ahaa murashax madaxweynenimo oo u hanweyn inuu qabto talada dalka Soomaaliya ayaa ballan-qaadyadiisii waxaa ka mid ahaa waxa uu isaga u bixiyey " Lixdii Tiir Ee Dib u Soo Kabashada/Nooleynta Soomaaliya" oo aan sidan hoose loo soo koobi karo:

TIIRKA KOOWAAD: Xasilinta dalka, sarrayntiisa sharciga iyo dawlad wanaagga oo ku ballan-qaaday MW abuuridda iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha ammaanka qaranka oo hawlgelin doona ciidan leh tiro iyo tayo ku filan gudashada waajibaadkooda qaran kuwaasoo heli doona xuquuqdoodii iyo daryeelkiii ay u baahnaayeen.

Dhisidda nidaam garsoor oo madax bannaan oo dhowra xuquuqda muwaadinka, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo horseedaya qabsoomidda doorasho "xor iyo xalaal ah", dhamaystirka dastuurka iyo gaarsiinta afti qaran, ku baahinta awoodda dawladnimada ee gobollada dalka, abuuridda guddi la dagaallamaya musuqmaasuqa, eexda, laaluushka, lunsashada iyo ku takrifalka hantida qaranka, dhiirrogelinta warbaahinta madaxa bannaan iyo kor u qaadidda kaalinta haweenka ee ka qeyb galka hay’adaha dawladnimada.

TIIRKA LABAAD: Soo nooleynta dhaqaalaha dalka oo uu MW ku bayaaniyay kor u qaadista heerka nolosha muwaadinka iyo qoyska Soomaaliyeed, abuuridda xarumo lagu tababaro xoogsatada iyo xirfadlayda si ay ugu fududaato ina ay shaqaystaan noloshoodana kaafiyaan.

Kobcinta wax soo saarka dalka dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, ka shaqeynta sida waxsoorkaasi loogu heli lahaa "suuqyo" caalami ah, iyo dhisidda iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaale ee dalka gaar ahaan kuwa gobollada iyada oo la hirgelinayo mashaariic lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaale ee gobollada si horumarka nolosha bulshadu u noqoto mid isku dheellitiran.

TIIRKA SADDEXAAD: Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyadoo la dhisayo guddi heer qaran ah oo waajibaadkiisu yihiin ka shaqeynta dib u heshiisiinta dhinacyada siyaasadda iyo bulshada iyadoo kaalin muhiim ah la siin doono hoggaamiyeyaasha bulshada sida duubabka dhaqanka, culamaa’uddiinka, haweenka iyo dhallinyarada lana abuurayo qolayaal gaar u ah wada-tashiga bulshada si loo gaaro bulsho ka caafimaad qabta ‘caddaad darrada, heyb sooca, quursiga kooxeysiga iyo sad bursiga.

TIIRKA AFRAAD: Wuxuu MW Xasan tiirkani ku soo koobay soo nooleynta adeegyada bulshada sida tacliinta, caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka iyo fayadhoorka guud ee bulshada.

TIIRKA SHANAAD: Wuxuu X.SH.M. halkan ku ballan-qaaday ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, heegan u noqoshada in la gaaro Soomaaliya mid ah, horumarinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Soomaalilaand iyadoo la adeegsanayo habab dimloomaasiyadeed si looga miradhaliyo "midnimo waarta" oo qaranka Soomaaliyeed uu yeesho.

TIIRKA LIXAAD: Abuuridda xiriir caalami ah oo ku dhisan iskaashi, wadajir iyo is qaddarin iyadoo laga shaqeynayo soo celintii sharaftii iyo karaamadii ay lahayd umadda Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta sidii ay Soomaaliyada cusub ay xiriir wanaagsan u la yeelan lahayd dalalka deriska ah iyo kuwa caalamkaba iyadoo ay iska kaashanayaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiaga.

MW Xasan khudbaddiisii doorashada ee aan nuxurkeedii kor ku soo xusnay waxa uu ku sawiray aragtida siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku shaqeeyo haddii ay xubnaha baarlamaanku u doortaan madaxweynaha xiga ee Soomaaliya. Sida laga dheehan karo baaxad weynida tiirarkaas iyo culeyskooda waxaa la qiyaasi karaa xaqiijinta dhammaantood ama barkoodba in ay tahay wax aad u adag. Qeybahan dambe ee qormada waxa aan ku falanqeyn doonaa waxyaabihii u qabsamay ama u qabsami waayay dawladdii Soomaaliyeed ee horjoogaha u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

MW Xasan Sheekh Maxaa U Qabsoomay/Qabsoomi Waayay?

Dawladda Xasan Sheekh hoggaamiyo oo waqtigeedu ku ekaa 16-kii Sebteembar 2016-ka ayaa waxa ay ku guuldarraysatay ballan-qaadyadii ballaarnaa ee ay fagaaraha siyaasadda la yimaadeen. Warbixin ay soo saareen Guddiga Daba-galka QM ee Soomaaliya dhammaadkii bishii hore ayaa waxaa lagu sheegay in dawladda Xasan ay ku hungowday xaqiijinta barnaamijyadeedii siyaadeed iyo kuwii hiigsiga 2016-ka oo ay ugu horreeyeen (1) xaqiijinta doorasha dadweyne ‘Qof iyo Codkii’ (2) dhismaha maamullada federaalka (3) sixidda, afti u qaadidda iyo hirgelinta dastuurka cusub.

Marka hore dhisiddii maamullada federaalka ay waxa ay soo hoos gashay xilligii ay ahayd in la qabto doorashooyinkii. Waxaa waqti dambe soo gabagaboobay dhismihii maamul goboleedyada.

Hase ahaatee weli waxaa qabyo ah doorashada xubnaha aqallada baarlamaanka ee maamul goboleedyada qaarkood. Xilliga qoraalkan la sameeyey oo taariikhdu ku beegneyd 19-ka bisha Diseembar ayaa waxaan weli soo dhamaystirmin xubnaha aqallada baarlamaanka ee matalaya Soomaalilaand.

Dawladda waxa ay dib uga dhacday waqtigii doorashada, waxaana la laalay hiigsiigii doorasho dadweyne ‘qof iyo codkii’ ahaa oo ka mid ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynaha oo lagu baddalay "doorasho dadban" oo xubnaha labada aqal ee ka qeyb qaadanaya laftigooda doorashooyinkoodii ay hareeyeen muranno iyo musuq aan meel loogu soo gabban.

Sida warbixintii UN Monitoring Group ee Oktoober 31-keedii soo baxday caddaysay weli kooxda Alshabaab ayaa halis waxa ay ku tahay amniga iyo degganaanshaha dalka. In kastoo la buunbuuniyey xaaladda nabadeed ee Soomaaliya ka jirta iyo horumarka laga sameeyey, warbixintu, waxa ay sheegeysaa in xaaladda nabadgelyo iyo ammaanka dalkuba uusan wax badan iska baddalin intii uu madaxda ka ahaa MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Alshabaab weli waxa ay leedahay awooddii ay ku fulisay weeraro xoogganaa oo 6 ka mid ah sanadkan dhacay laguna beegsaday Hoteellada Muqdisho qaarkood oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 120 qof oo isugu jira xoogagga dawladda, xubno baarlamaan, wasiir iyo shaqaale dawladeed.

In kastoo dawladdu ay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u hagaajin lahayd hay’adaha amniga ee dalka sida Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ay la kulmeen carqalado maaliyadeed, maamul xumo iyo musuqmaasuq ka jiray hay’adaha ammaanka.

Dadaalladii looga dan lahaa diiwaangelinta ciidamada iyo yareynta ciidamada aan diiwangashaneyn ‘ciidamada qarsoon’ ee mushaaraadka dawladda ka qaata ayaa fashil ku dhammaaday.

Sida warbixintu tilmaantay isdaba marsiinta iyo lunsashada lacagaha mushaaraadka, saanadda ciidanka iyo mushaar la’aanta askarta ayaa horseedday in ay askarta qaarkood dib uga gurtaan meelo istaraatiiji ah oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya halkaasoo laga xoreeyey xoogagga Alshabaab oo hadda dib u qabsaday.

Waxaa marar badan dhacday in ciidamada dawladda ay qeyb ka noqdaan dagaal beeleedyo ka dhacay gobollada qaarkood halkii ay ka hor tagi lahaayeen. Intii uu MW Xasan Sheekh talada hayay waxaa la arkay dhacdooyin ay ciidamada dawladdu ay ku lug yeesheen loollano u dhexeeya beelo dega gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Mudug.

Dadaallo ay dawladdii Shariif billowday oo lagu mideynayay ciidamada qalabka sida ee ku kala sugan maamullada kala duwan ayaa aad looga gaabiyey iyadoo dawladda dhexe lagu eedeeyey in aysan si siman u taageerin ciidama qalabka sida ee furimaha dagaallada jooga gobollada kala duwan jooga.

Dhanka maamul goboleedyada haddii la eego, Galmudug ayaa waxa ay dhibaatooyin kaga imaanayaan qeybo ka tirsan kooxda Alhlusunna Waljamaaca oo gacanta ku haysa caasimad goboleedka galgaduud ee Dhuusamareeb iyo deegaannada ku hareereysan.

Wadahadallo loo furay dhinacyada bishii Sebteembar ee sanadkan ayaa wax heshiis ah aanu ka soo bixin. Dhanka kale, maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu eedeeyey in dhammaan awoodihiisa uu ku koobay magaalada Baydhabo iyo hareereeda isagoo noqday mid ka go’doonsan inta ka soo hartay dhulka maamulkaasi uu ka taliyo.

Dhanka kale maamulka goboleedka dhaqsaha lagu dhisay ee Hirshabeelle ayaa waxaa la sheegayaa inuusan cago adag ku taagneyn oo laga yaabo in odayaasha reer Hiiraan aysan si wacan ugu qanacsaneyn natiijada dhismaha maamulkaasi.

Qolyaha mucaaradka ku ah maamulka MW Xasan ayaa sheegay in bulshada rayidka kaalintoodii ku aaddanayd dhismaha dawladda la curyaamiyey. Sidoo kale, waxay dawladdu ku eedeeyaan in ay adeegsado siyaasado kala fogeyn ah in ay weliba aad u faragelisay soo saaristii liiskii 135 ka oday beeleed ee ergooyinka soo magacaabayay.

Waxay sidoo kale ka digayaan in faragelinta dawladda ee hawlaha doorashada, adeegsiga nidaamka 4.5 iyo ka weecashada mashruucii dhismaha dalka iyo ka guuridda waxyaabaha ku meelgaarka ah ay sabab u noqon karaan khilaafaad ka dhasha beelaha dhexdood weliba iyadoo eedo badan ka taagnaayeen hababkii loo maareeyey hawlihii madasha qaranka iyo doorashooyinkii xubnaha aqallada.

Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya weli waxa ay aad ugu tiirsan tahay lacagaha xawilaadaha ee dibadda dalka ka yimaada iyo maalgelinta ay sameeyaan shakhsiyaadka lacagta leh ee diyaasbaraha ah.

Weli dhaqaalaha dalka waxaa saldhig u ah lacagaha kaashka ah, dawladduna weli ma hirgelin barnaamijyadii soo nooleynta dhaqaalaha ee dalka ee taageeridda ganacsiyada yaryar ee qoysaska ee ay ballan-qaadday. Sidoo kale, dawladdu weli ma hirgelin nidaamyadii u suuragelin lahaa in ay si hagaagsan u soo ururinta iyo ka faa’iideysiga canshuuraha iyo dakhliga dawladda. Waxaa isku dhexyaacyo ka jiraan heshiisyadii shirkado qalaad ay kula wareegeen maamulidda dekadda iyo gegida diyaaradaha ee Muqdisho.

Nidaamka maxkamadaha iyo garsoorka ee dalka ayaan weli u hawlgelin sidii la rabay iyadoo ay cirka isu shareereen dhacdooyinka dulmiga ee caddaalad darrada ee ka imanayay dhanka ciidamada dawladda iyo hay’adaha garsoorka. Waxaa xabsiyada loo taxaabay tiro badan oo muwaadiniin ah oo aan dembiyo galabsan.

Sannadkan 2016-ka ayaa waxaa la xiray xubno badan oo ka tirsan saxaafadda xorta ah iyo xarumaha cilmibaarisyada ee dalka. Dawladdu waxa ay aad ugu dadaashay aamusinta ama laaluushidda cid kasta oo dhaleeceyn u soo jeedisa tallaabooyinka siyaasadeed ee ay qaadayso.

Waxaan sidoo kale cabashooyin ka taagnaayeen siyaasadda dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladda. Waxaa masuuliyiinta dawladdu u bexeen boqollaal safarro oo aan natiijo wax ku ool ah soo saarin.

Waxaa is daba marin badan laga arkay maareynta lagacaha dawladaha deeqda bixiya ay ugu talagaleen mashaariicda dib u dhiska dalka iyo kuwa loo qoondeeyey kaalmooyinka banii’aadanimo ee qeybaha bulshada ee saboolka ah oo ay abaaruhu waxyeelleeyeen.

Waxaa aad u liitay sida dawladdu u wadday wadashaqeynta kala dhexeysa dawlado udub-dhexaad u ahaa dhismaha dawladda Soomaaliya. Tusaale ahaan, waxaa dhowr jeer la baddalay safiirada dawladda u fadhiya dalal badan oo Turkigu uu ka mid yahay.

Isku soo duub, taliska MW Xasan waxa uu ka faa’iideystay dadaallo badan oo dawladdii ka horaysay ay aasaaskoodii dhigtay. Muddadii u dhexeysay 16-ka Sebteember 2012 illaa 16-ka Sebteember 2016 dalka loogama jeedo ballan-qaadyadii saldhigga u ahaa barnaamijkii siyaasadeed ee uu la soo shir tagay madaxweynaha.

Weli dawladdu waxa ay ku tiirsan tahay ilaalada AMISOM oo ciidan hagaagsan uma dhisna, xiriirka dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada wuu cakiran yahay, dastuurkii weli waxba laga qaban oo waxaa jahwareer ka dhici doonaa sida labada aqal ay isula shaqeyn lahaayeen. Sidoo kale, musuqa, lunsashada hantida dadweyne, qabyaaladda iyo kooxeysiguba waxa ay marayaan meeshii ugu sarraysay abid! Haddaba dawladdani afartii sano ee la soo dhaafay maxay soo kordhisay?
W/Q .Xasan Cabdi Xasan.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire