SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sixir bararka maxaa keena .

Waxa beryahanba dalka ka taagnaa sicir barar kolba kolka ka dambeysa sii kordhayey. Waana mid aynu wax la wadaagno adduunka, wax badanina ay inaga inagu khaas tahay. Waa mid lagaga bixi karo xanuunkiisa inta badan iskaashi ajshacbi iyo xukuumad ka yimaada, bal se ay tahay inay aanu dawlad ahaan si wadajir ah uga hawl galno, shukaantana ay u qabato xukuumaddu.
Halkaas su’ aal ayaa ku jirta oo ummaddeenu xukuumad iyo dawlad isagu si ayey u adeegsadaan. Aan qayaxo, ee xukuumaddu waa Golaha Fulinta, Dawladduna waa seddexda Gole ee Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka iyo laamahooda oo dhan.

Mawduucan oo ah mid aad u baxad weyn, una qoto dheer aan kor xaadis ahaan af sahlan oo suuq joogu fahmo aynu ku bayaamino waxa looga jeedo sicir barar. Waxa ay tahay sicirka alaabta iyo mushqaayadda adeegyada oo kor u kaca muddo

cayimin. Waxa lagu cabiraa alaabooyin isagu jira cunto dhar, iyo qalab kale oo loo arko daruuri ayna ku jiraan shidaalku oo dal waliba ku bilaabo qiime malintaas uu joogo, deedna bil walba la eego inta celcelis ahaan boqolkiiba kor amba hoos u dhacday.

Waxa la helaa tusaale loo yaqaan CPI (Consumer Price Index) oo ah ascaarta alaabadaas iyo adeegyadaas isku celceliska ah boqolkiiba inta uu ka joogo. Ayaan darro dalkeena weli taas lagama hirgelin. Inaynu nidhaahno sicir barar ayaa jiree mooyee, inta uu leeg yahay iyo kicidiisa boqolkiiba inta sanadka kacday amba bisha korodhay cilmiyan ma sheegi karno.

Waxan xusuustaa in Wasaaradda Qorsheyntu hawshaas laba sano ka hor gashay lama se joogteyn.

Cilmiga dhaqaalaha sicir-barabka waxa jiray hab loola tacaalo, dhawaanahan. waxa soo kordhay noocyo magacyo kale ku soo kordhiyey ooy ka mid yihiin stagflation oo ah sicir-barar (inflation) ay barbar socoto Deflation ( Sicir hoos u dhac)..matalan sicir bararku badiyaa waxa la socda shaqaalaha oo badan, oo suuqa shaqada leysku eryo, mushaharku kor u kaco, sanadadan danbe iyadoo sicir-barar jiro ayey wehelisaa shaqo la’ aan baaxad weyni. Taas oo ka dhigta daaweynte mid kiniino badan oo is burinaaya lagu dabiibo. Waayo daaweynta sicir bararka waxa badiyaa ka dhasha shaqo yareyn.

Yaanan idinla gelin badweynta dhaqaalaha ee aan dib u fadhiisto oon keena u soo noqono.

Badiyaa sicir bararka waxa keena laguna dabiibaa aan ku soo uruuriyo laba siyaasadeed oo mid waliba leedahy qaybo xoog ah oo u baahan in iskood loo eego:

1- Lacag badan oo suuqa qasha, iyadoon ayna kordhin badeecaddii iyo adeegii suuqa yaalay.Waxaa saameyn ku leh siyaasadda lacagta (Monetary Policy) oo ay (ka mid tahay siyaasadda Bankiga Dhexe ee dulsaarka amaahda (Interest) iyo kaydka Baananka (Bank Reserves) iyo sarifka lacagaha qalaad.

2- Siyaasadda Cashuuraha (Fiscal Policy). Cashuurta dadban ee badeecadda oo kor loo qaado, waxay kicisaa ascaarta. Cashuurta tooska ah ee mushaharka iyo macaash macaashka laga qaadaa waxa lagu sifeeyaa lacag dhaqaalaha bulshada u qaybisa oo waa qaniga ka qaad oo faqiirka wax ugu qabo amba sii..iyadu sida kale ayey u shaqaysaa oo kolka la kordhiyo sicir bararku wuu yaraadaa. Waayo waxay toos u taabata jeebka muwaadinka cashuur bixiyaha ah. Waayo shilin kasta oo cashuur ahaan loo qaaday ma galo jeeb muwaadin kale.

Afeeftaas dabadeed aan bayaamiyo tan goonida inoo ah ee dalkeena curyaamisay:

1- Waa lacagta doolarka oo noqotay lacagtii dalka teynina noqotay lacag ajnibi ah. Waxa ayaan darro weyn ah in xukuumad iyo shacbiba ayna kalsoonidii lacagteena aynaan siinin. Wax walba waxa lagu iibiyaa waa doolar. Haddaad doolarka haynin waxa loo bedelayaa shilin sida uu shilinku yahay tii ajnabiga ahayd.

Waxa cashuuraheena, leysamada, ganaaxyada iwm dhammaan lagu sheegaa doolar, taasi waa tan xukuumad iyo barlamaanba meel mariyeen.

Qandaraasyada iyo iibka xukuumaddu waxuu yahay mid doolar ah, sidoo kale afka miisaaniyadda lagu sheegaa waxaa u asal ah doolar.

2- Waxa soo raacday lacagta ZAADka oo u dhaqanta sida Credit Card oo ah lacag suuqa si xooli ah u gashay. Ogow in lacagtaasi tahay mid aan meel fadhiyin ee ay tahay mid wareegeysa. Haddii lacagtaas mar qudha la wado doono, waa sida Baananka oo lama heli karo. Kolka isticmaalkeedu kordhaba waa lacag cusub oo suuqa gashay.

Lacgtan wax kayd ah oo Bankiga dhexe ka qaaday ma jirto, si uu u xakameeyo sicir bararka waxa Bankiyada dhexe ay maamulaan kayd marna ay kordhiyaan marna ay dhimaan ooy ka qaadaan Bankiyada iyo Hayadaha la shaqada ah.

TALOOYIN IYO DAAWEYN.

Arrimahan la xidhiidha dalkeenu, waa iyada oo shaqo la’aan jirto ayey haddana ina hayaa sicir barar, daaweynteeduna waa laba iska hor yimaada , hase yeeshee waxaan u arkaa keyna mid macmal ah oo la farsameyn karo, walow waqti iyo juhdi u baahan yahay. Sicir bararkeenu waa mid aynu si sahlan gacmaheena ugu sameynay.

1- Sharci aan lagu dhaqmeyn waa inaan la sameyn. Waayo waxa ka abuurma sharciga oon laga baqan iyo isagoo ilka beela oo sahayda shuruucda oon la ixtiraamin. Waa in laga fiirsadaa oo lagu sar jaraa awoodeena aqooneed, kartideena, iyo fahamka bulshada iwm

2- Waa inaynu hirgelinaa isticmaalka shilinka ooy hormood ka dhignaa maxaa yeelay shayga kaliya een Hanti u haysana waa lacagta shillinka dalkeena umaad walibana waxay ku faanta lacagtooda.

3. Qiimaha iyo Sarifka lacagaha qalaad wax qiimeya Sariflayasha iyo ganacsatadda Dalka taasi oo ay Habeenkii qiimaha ay isku af gartaan keena suuqa iyaga oo aan u Aabonyeelaynin Bulshda rayidka ah, hadaba shaqadaasi ay hayaan ganacsatadu waa tii Y Qaban lahayd Bangiga dhexe ee somaliland Balse Illaahay ma garansiiin.

4. Wax muhiim ah in la xoojiyo Bangiga dhexe si uu Aqood ugu yeesho inuu sal gooyo Qiimaha sarifka lacagaha Qalaad.

5.Waa inaynu helnaa lacago fudud oo bulshadu si sahlan ku qaadan karto sida 10 kun S.land 20 kun s.land iyo 50.kun oo s.land Waraaqahasi waxay keenayaan in ay yaradaan sicir bararka kor isku shareeraya.Ogow sida loo soo daabacay 1000 shillin ayay tani u daabici karaa, kartidaasi waa in ay dawladu la tidaa.

6. Waa in laga fiirsadaa labada masuul ee loomagacabayo Banigaga dhexe iyo Wasaradda Maaliyadda waa labaca qof ee ka hor tagi kara awoodna u yeelan kara inay ganacsattda dhuunta qabtaan heerna u sameeyaan waayo waa tiro yar wax la badbadinayayina waa bulsho dhan.

7. Qodobka ugu muhiimsan ee keenaya inuu sii jiro sicir bararku waa ZAAD ka , Waa in xukumadu haday daacad ka tahay inay xakamayso skcir bararka soo noq

noqonaya waa in si isku dhafan dhinaca wakiilada, Guurtida Hayada dhaqalaha ee wakilada, iyo Wasaarada maaliyada iyo Qorshayntub ay si awood leh wax uga qabtaan. una qorsheeyaan.

8. Qodobka ugu danbeeya wax aan leyahay waa in Bangiyada wadanka dhamaantood deposit ahaan laga dhigaa somaliland shillin ku Darsoo Bangiga dhexe waa in ay isticmasha nidaamka aan kor ku xusay.

Guntii iyo Gunannadkii:

Dalka madaxa u sareeya Waa Dhaqaleyahan uuna ka dharagsan yahay Amuurtani An ka hadlaayo waxaan se jecelahay inaanu gudi ku Hamsaaamine uu la imaado qorshe cad oo awood leh waayo waa madaxii u sareeyay Dalka isagana looga bahan yahY inuu xalkeeno.

Mawduucan ama Article kani waxaan ku eegay il yar ama ilshibirted balse waxaan ka tagay wax badan oon u baahanahay inay Aqoonyahanda dalka u soo kacay ay la imaadaan iyagu waxana jecelahay inan ku guulaysano inaga oo dhamaystiran arin tani.

Emial. caano202@hotmail.com ahmedcaanonuug@gmail.com

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire