SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dayax Madoobaadka Iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee Diimaha iyo Dhaqamada Aadamaha.

Sida aynu la wada socono madoobaanshiiyaha dayaxa iyo cadceeda labaduba waa laba dhacdo oo aragtida cilmiga ah ee casrigan tilmaan u ah dhacdo marxaladeed yar oo uu dhulku ama dayaxu marba mid kagu gudbamayo xagga iftiinka cadceeda
dabadeedna uu hadhka ka samaysmay uu dhulka ama dayaxu kolba kan kale ku beegmayo.

Sida in dayaxu toos ugu beegmo cadceeda kalana dhex galo cadceeda iyo dhulka dabadeedna hadhkiisu si dhamaystiran ama qayb ka mid ah cadceeda ka qariyo dhulka taasi oo lo yaqaano qorax madobaad kaasoo noqon kara mid dhamaystiran oo qoraxdu wada qarsoonto ama qeyb ka mid ahi qarsoonto ah in waqti ah.

Aragtida la arkayaana lagama wada arkayo dhulka ee qaybo ka mid ah ayaa laga arkayaa maadaama ay qoraxdu aad ugaga weyntahay, dayaxu ma wada qarin karo qorraxda, sidoo kalena marka dhulku dayaxa kaga beegmo cadceeda taasina ay keento in hadhka dhulku qariyo dayaxa loona yaqaano dayax madoobaad.

Hadaba waxa ay ku kala duwan yihiin xajmiga dhulka oo ka weyn kani dayaxa ayaa muddo ay qaadaynaysaa inta dayxaasi uu ku jirayo marxalda madoobaanshiiyaha, sidoo kale waxaa suura gal ah in aad aduun weynaha badankiisa laga arki karo waqtiyo aad isugu dhow.

Sidoo kale waxaynu maqalnaa in culimada Xidigisku (Falaga Ama Astronomy) ay sii sheegaan Qorax ama Dayax madobaadkaa waxaana ay sii sheegaan goobaha sida dhamaystiran ama si qayb ah looga arki doonaa ee dhulwenha aduunka iyo waqtiga mid walba, Hadbana dalalkaasi la sii sheego ayaa cidii cilmi baaadhis wada ama hay’adaha warbaahinta iyo weriyayaashu ku sii qululaan ka hor maalmaha dhacdadaasi dhacayso si ay warar faahfaasan ugaga soo diraan.

Hadaba dhacdadan maanta dhacday maxay kaga duwan tahay kuwii hore een soo arki jirnay

1- Xajimga dayaxa oo mid aad u weyn loo arkayo ( Giant lunar) sababtuna ay tahay in waqtigan (2014 iyo 2015) uu dayaxu ku meerayo goobaha ugu dhow dhulku taasina ay keenayso in xajmigiisu aad isagoo u weyn uu muuqanayo marka la barbar dhigo waqtiyada kale ee dayax madoobaadku dhaco ee uu dayaxu dhulka uga fogyahay.

2- Midabka Dayaxa oo casaan (guduud) badani soo galayo (Supper Bloody Moon Eclipse) laguna fasiro marxaladda inta aanu hadhka dhulku ka wada bixin dayaxa in falaadha cadceeda iyo hadhku is galayaan una muuqanayaan casaan ama bunni (chocolate) oo kale.

Taasi oo culimada falagu ay ku fasiraan in isu soo dhowaanshahaasi ay waqtigaa isu dhow yihiin dhulka iyo dayaxu uu hadhka qayb u miijinayo dayaxu inuu midab casaan ah qaatay, hadiise uu fogaan lahaa dayaxu madow uun buu u muuqanayaa.

3- Waqtiga oo aad u dheeeraanaya lagana yaabo goobaha qaar inuu madowgiisa iyo casaan kuba ay isla gaadhaan ilaa 45 daqiiqo ilaa Saacad maadaama xajmiga dhulku aad ugaga weyn yahay kan dayaxa, inta uu hadkaasi dhamaanayana ay waqti qaadanayso.

4- Ta ugu weynina waa dhacdadan oo si is daba joog ah u dhacaysay ilaa afar jeer oo is xigxiga muddo laba sanadood gudahood ah "Four Blood Moons, 2014 ilaa 2015 " taariikhaha kala ah (15/4/2015), (8/10/2014), (4/4/2015), iyo maanta (28/9/2015)

Hadaba ujeedkaygu ma ahayn inaan ka hadlo qaabka saynisku sharaxyo oo dhamaan ku diiwaan gashan kutubta iyo qalabka kale ee cilmiga lagu keydiyo lagana wada daalacan karo, waxaase arrinka igu dhaliyey inaan ka hadlo qaabka ay u arkaan dhaqamada iyo diimaha kala duwan ee bulsho weynta caalamku, kuwaasoo qaar baasaysta qaarna barakaysta qaarna arrin caadi ah ka aaminsan yihiin, weliba kuwa baasaysta oo laga cabsi qabo in ay falal dhiig badan keeni kara ku dhaqaaqaan. Aan u gudo galno bal aragtiyahaas

1- Aragtida Yuhuuda: waxa ay aaminsan yihiin in isu xigxigidda ay isu xigxigayaan labadan sanadood afarta dayax madoobaad "Four Blood Moons," 2014 ilaa 2015 ee casaankuna soo gelayo ( taariikhaha kala ah 15/4/2015, 8/10/2014, 4/4/201, iyo maanta 28/9/2015) inay calaamad u yihiin isbeddello waaweyn oo dunida ka dhici doona gaar ahaan Bariga Dhexe iyagoo ku andacoonaya in mar hadii dhiig loogu maydhay dayaxii dhacdooyin dunida kaga fajaciya ayaa dhacaya.

Waxaanay u soo qaadanayaan daliilo dhacdooyin hore sida dayax madoobaadkii (1492) oo ku beegan berigii al-ʼAndalus (Spain iyo Portugal ama jasiirada Ayberiya) laga saaray Muslimiintii xukumi jiray oo ay si gaar ah boqoradii Isabella ee Spain yuhuuda aad u xasuuqday, sidoo kalena dayax madoobaadkii 1948 ay ahyd mid guul u keentay yuhuuda oo dal ay leeyihiin oo ah Israel ay calankiisa taagteen, sidoo kalena dayax madoobaadkii 1967 ay Carab si xun u jabiyeen isla markaana ay Masjid Al-Aqsana qabsadeen.


 

Sidoo kale Yuhuudu sida islaamka ayay tawqiidkooda iyo taariikhdooduba dayaxa ku salaysan tahay. Sidaa awgeed isu beeganka ciida yuhuuda ee Ciidul Carshi ama Sukkot the Feast of Tabernacles period oo maanta ku beegan (28/9/2015) iyo dayax madoobaadkani waxay ku fasirayaan in ay dhici doonaan dhacdooyin waaweyn oo raad weyn ku reeba dunida.

Meesha qaarkood aaminsanyahay waaba aduunyo rogmadkii (Doomsday). waxaana dhici doona dagaalka Armageddon ay ugu yeedhaan kana dhici doona tuulada Armajido ee Falastin ku taala taasoo qaarna ku saadaaaliyaan dagaalka 3aad ee aduunka , culimada muslinkuna ay aaminsan yihiin in dagaalkaasi dhicidoono laakiin uu wax yar uun ka horeyn doono dagaalka weyn ee malxamatul kubraa.

Sidoo kale hordhaca saadaalintooda dhacdooyinkaani ma ahan in taariikh laga sheekaynayo oo kali ah laakiin Yuhuudu waxaa ay u qorsheeyeen in maanta ay galaan Masjidka Al Aqsa kuna ducaystaan isla goobtaasi oo ay iyana u aaminsan yihiin in uu ka dhisnaa Taabuutkii Nabi Sulaymaan (CS) ama (The King Solomon tample). Buugaag badan iyo qoraalo badan ayay aad u qoreen waxaanad ka arki kartaa baraha bulshada iyo Google kaba

2- Aragtida Kiristanka: sida la wada ogyahay kiristaanku madaahib badan buu leeyahay, kalana duwan xagga caqiidada iyo cibaadada sida Catholic-ga , Orthodox-Ka Iyo Protestant-ka. Waxaana xusid mudan in Catholic-ga iyo Orthodox-ku aanay yuhuuda jeclayn aaminsanyhiina inay Nabi Ciise (CS) dileen yuhuudu ama u basaaseen ciidankii Romanka si loo dilo. laakiin qolada Protestant -ku waxa ay iyagu wada akhristaan labada kitaab ee Towraadka (Cahdul qadiim) iyo Injiilka(Cahdul jadiid) markaa mar haday isu goob wax ka soo wada dheeganayaan, kama ra’yi duwana marna aragtida Yuhuuda hadaanay kaba xag jirin waana tan culimada inta badanba ugu yeedho (Judo-Christian) ,

Sidaa awgeed waxaad arkaysaa in aqoonyahan badan oo Maraykan iyo Ingiriis ahi ay aad u aaminsanyihiin in dhacdooyin waaweyni ka dhici doonaan dunida gaar ahaan Bariga dhexe sida uu Minister John Hagee, in his 2013 book "Four Blood Moons" ku xusayo in dhacdooyin waaweyni xigi doonaan hordhacna ay u yihiin soo degidda Nebi Cise (CS), sidoo kale ay tahay waqtigii guulaha iyo dhaqaalaha badan la helayey sida ay ku magacaabaan dayaxii wax soosaarka iyo dalaga wanaagsan la goosanayay (On Harvest Moon) weliba waxa ay raacinayaan waana dayr waana September.

Sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in ay ugu dambaysay afar dayax madoobaad oo waqti isu dhow dhow wada dhaca ilaa 500 sano ka hor inta u dhaxaysay 1500 ilaa 1900 aanu dayax madoobaadkan Afarta jeer ahi marna dhicin,

Laakiin culimada falaga gaar ahaan Wakaalada NASA, waxa ay cadeynayaan in qarnigii 21aad oo kaliya ay dhacdadani oo kale dhacday ilaa 8 jeer oo kala ahaa 1910,1928,1946,1964, ayna ugu dambaysay 30 sano ka hor sanadkii 1982 kii, sidoo kale uu dhici doono dayaxmadoobaadkan is xigxigaa 2033 iyo 2099.

3- Aragtida Islaamka: arrinkan xagga islaamka waxa cad Qur’aan kuma soo degin laakiin waxa ay ku xusan tahay sunada nabiga (Sunanka iyo Saxeexaynka-ba) in dhacdooyin noocan oo kale ahi dhaceen intuu Nabigu noolaa (SCW) dabadeedna ay ku beegantay dhacdooyinkaa mid ka mid ahi geerdii wiilkii rasuulku dhalay (SCW) ee Ibrahim dabadeena ay qaar saxaabadii waqtigaa la noolaa ku fasireen in ay ka tarjumayso murugada geerida wiilka rasuulka (SCW) in dayaxu la madoobaaday.

Laakiin Rasuulku (SCW) arrinkaa kama aanu yeelin ee waxa uu u cadeeeyey in Dayax madoobaadka iyo Qorrax madoobaadku ay yihiin calaamado (aaayado) ka mid ah aayaadka ilaahay, sidoo kalena ayna ku xidhnayn dhimasho iyo dhalasho qof , ama dhib ama farxad ka dhacaysa dunida,

Laakiin rasuulku waxa uu u tilmaamay saxaabadiisa inay Tukadaan salad waqtiga ay dhacdo dhacdadaasi salaadaasoo leh qaabkeeda gaarka ah lana wadayo inta dhacdadaasi ama daahiradaasi gudbayso, arrinkaasi oo culimada ahlu sunnuhu ay ku fasireen inay tahay uun waqti la amray in la tukado salaad sune ah (aan waajib ahyn) oo loo jideeyey muslimiinta sida salaadaha kaleba ay ugu waqtiyaysan yihiin soo bixidda cadceeda ama dhicitaankeeda, oo laakiin aanay ahayn salad masiibo iyo cabsi loo tukanayo ama isbedello kownka ka dhici doona laga sii alla baryayo iwm

Hadaba walaalayaal Inaga oo dhexdhexaadnimo muujinayna si cilmi ahna wax u taxliilinayna waxaa halkaa ka cad in Diinta Islaamku ku salaysan tahay runnimo iyo dhab ka sheegid waxa kownka guud ama dunidan aan joogno iyo xataa jidhkeena gudihiisa iyo qaabka abuurkeenaba uu Islaamku u sharaxayo kuna salaynayo daliiladiisa sifad aad u cilmiyaysan.

Hadaad u fiirsatana tafaasiisha ay bixinayaan culimada islaamka ee taariikhda hore jiray, waxaad arkaysaa in ay jawaabo cadcad ka bixinayeen dhacdooyinkaa kownka taasoo aad marmar is odhanayso ilaa hadda wadamada cilmiga casriga ah aadka ugu horumaray ma aanay gaadhin umana sharixi karaan habka ay culimadaa qarniyada hore wax u sharaxayeen.

Tan kale walaalayaal baahi weyn uma qabno inaan sharaxno aragtiyaha kale ee Buddhism-ka, Hinduism-ka, ama kofushamka ama kuwa kale ee caadooyinka iyo dhaqamada ku salaysan, ama kuwa cilmaaniga ah een waxba isaga dhigayn, waayo kuwan aan soo qaadanay ayaa u noqonaya iftiinka cadceeda marka la is barbar dhigo.

Hadaan dhinac kale ka eegno aduunweynahu waxa uu leeyahay culimo ku takhasustay culuuntaasi xidigiska ama falaga,waxaana cilmigoodu ku dhisan yahay u kuur galid dhab ah iyo cabir xisaabeed cad oo waqtida lala xidhiidhsiiyo, kaasoo si cad u muujinaya cabirka iyo xisaabinta waqtiga wareega iyo dhaqdhaqaaqa iyo dariiqyada ay maraan iyo isu beeganka meerayaasha kownkeena iyo qaabka ay dhacdooyinkaasi u iman karaan oo dhan, sidaa awgeed way u sii wada cabiran yihiin dhacdooyinka 100 ka sano ee socda weliba qaabka iyo waqtiga ay isugu beegmayaan ayaa u sii qoran.

Laaakiin cidii aan sidaa ula aqoon marmar bay ku khiyaameeyaan, Waxaanan tusaale u soo qaadan karnaa waxa ay weriyaan taariikh yahanada reer galbeedku in Christopher Columbus ayaa 29/2/1504 dii ku degay jasiirada Jamayka waxaana uu dadkii deganaa ka dalbaday raashin iyo biyo macaaan inay badmaaxyadii doonyihiisa siiyaan wayse u diideen, waxana la socday nin cilmi Xidigiska yaqaana waxaana uu u sheegay inuu caawa dayax madoobaad dhacayo.

Hadaba isagoo taa fahamsan ayuu ugu hanjabay qoladii reer Jamayka hadaad arrinkayga sida ugu fiican u dhamayn weydaan nuurka dayaxaan idinka qaadanayaa ee bal caawa eega in waxa aan sheegayaa run yahay iyo inkale, dabadeed markii dayaxii madoobaaday ayaa dadkii degaanku dhamaan wixii uu dalbaday u keeneen, wuxuuna ugu daray mar hadaad I aqbasheen waan idiin soo celinayaa nuurkii dayaxa waqtigaa iyo waqtigaa, isagoo waqtiga xisaabinayay, wuxuuna ka faa’iideystay jahliga markaa yaalay Jasiiradahaa.

Waxaa kaloo la wada garanayaa in ay cilmi ku dhisan tahay sii sheegida dhacdooyinka qaar sida sahaminta hawada iyo sii ogaanshaha waqtiga Roobka, Dabaylaha, Duufaanada iwm.

Hadaba waxaa is qaban la’ Qolyahan aan soo sheegnay ee Yuhuuda iyo kiristaan kaba leh ee weliba Cilmigii Falaga iyo Satellite’s kii iyo Telescopes wada leh ee hadana sida aan soo sheegnay aaminsan .

Waxaan is leeyahay ma garan la’a runta, waxaase indha tiray khuraafaadka hore ee dhaqankooda ku jira, kaasoo u muuqda inaanu diin raad ku lahayn ee uu yahay caadooyin la kala dhaxlay, waxaase ceeb noqonaysa in ay dagaalo iyo masaa’ib ku kacaan si ay saadaashooda diimeed (Biblical prophecy) (Tanabu’aadkooda) u hir geliyaan.

Taasi oo laga baqayo maanta 28/9/2015 iyo maalmahan ina soo haya inay masjidka Al Aqsa iyo dadka ku nool Baytal-maqdis (Jerusalem) kula kacaan dhib badan ama dhiigbadan ay daadiyaan.


 

Sidoo waxaa iyana maanta inagu ceeb ah inagoo diinteenu si quruxsan u sharaxday, sidoo kale ogsoonahay in diinteenu nadiif ay ka tahay khuraafaadka iyo in la baasaysto dhacdooyin kowni ah oo la yidhaado dhib ama dheef bay soo wadaan iyadoo cilmiga diiniga iyo ka maadiga ahba ka qaawan.

Mahadsanidiin

Dr. Axmed Buxane



No comments:

Post a Comment