SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaad ka taqaan taariikhda magaaladda Berbera iyo xaladaha ay soo martay?

Sooyaalka Taariikhda magaalada Berbera ( waa qayb kamida kaydka sooyaalka Taariikhda Berbera ee uu diyaariyey ururka cilmi baadhista Somaliland ee SURE) Magaalada Berbera waxa loo yaqaanay waayadii hore Malao, magacan waxa Berbera u yaqaanay ganacsatadii hore ee Greecs-ka iyo Romans kii.

Markaynu eegno magaca Berbera oo buugaagta qaar qorayaan in la maqlay markii ugu horaysay qarnigii 15-naad dhamaadkiisii, halka uu ka yimi, waxa jirtay in qorayaashii carbeed u yaqaaneen xeebta soomaalidu degto xeebtii Barbarka. Sidaa daraadeed dadbadan ayaa aaminsan in magaca Berbera uu kasoo unkamay halkaas, waxana loo badinayaa in dadkii Carbeed ee xeebaha Soomaalida u yaqaanay (xeebtii Barbarka) ay magacanna bixiyeen.

Hase ahaatee waxa jira aragtiyo kale oo meelo kale aaminsan inuu magacani ka yimi. Si kastaba ha ahaatee, waxan la wada soconaa inuu magaca Berbera noqday magac tisqaaday oo guud ahaanba dunida laga yaqaano, astaana u ah guud ahaan xeebaha soomalidu degto gaar ahaana Somaliland.

Waxa xusid mudan in 1888-kii magaalada Berbera dab qabsaday, isagoo baabiiyey guud ahaan magaalada, waxana dabkaas ka bad baaday dhawr guri iyo masaajid, sidoo kale waxa uu wax yeelay dad badan. Berbera waxay kamid tahay magaalooyinkii ugu horeeyey ee ka hirgala xeebaha Somaliland. Waxana jira dhismayaal ay kasameeyeen dadkii ka ganacsan jiray magaalsda, sida kuwii

Turkigu ka dhisay oo ay ka mid ahaayeen masaajido iyo guryo caadiya intaba, kuwaas oo ilaa maanta la manaafacaad sado. Magaalooyinka Saylac, Bullaxaar, Laasqoray, Xiis iyo maydh ayaa iyaguna kamida deegaamadii ugu horeeyey ee ka aasaasma xeebaha Somaliland. Ku sinnaan 1842, ayaa nin la odhan jiray Johnston booqasho ku yimi magaalada Berbera.

War bixin uu ka qoray safarkiisa ayaa waxa uu ku sheegay in magaalada Berbera tahay goob ganacsi oo dad badani u iman jireen si ay wax uga gataan. Waxa kaloo uu sheegay in ilaa shankun oo guri ku yaaleen wakhtigaa magaalada. Marka laga reebo dadka Berbera u dhashay ee degenaa, waxa kale oo magaalada kunoolaa Carab Turki Hindi iyo dadyaw kale oo inta badan sababo ganacsi u joogay.

Inta badan dadkii wakhtigaas waxa shaqdoodu ahayd Abbaan, oo xiligaa hayd shaqo aad u heersaraysay, taasoo qof ama koox koox loogu shaqayn jiray dadka ganacsatada ah si looga ilaaliyo inay cidi wax yeelayso. Magaalada Berbera waxay ahayd deked si aada u muhiima, waxana laga dhoofin jiray wax yaalaha ay ka mid ka ahaayeen, xoolaha nool, hargaha, foolka maroodiga, baalka gorayad, subagga iyo waxyaalo kale.

Arrintan ayaa ah ta ka dhigtay magaalada Berbera mid dadku aanay ka maarmin oo meelo aad u fogfog uga yimaadaan si ay xoolaha uga iibiyaan dadka dhoofinaya, isla markaana ay ugu bedeshaan wax yaalaha ay u baahan yihiin sida, cuntooyinka oo ay kamid ahaayeen uguna muhiimsanaayeen timirta, shaaha iyo sonkorta, xaga dharka waxa ka mid ahaa saddex qaydka oo dumarku xidhan jireen iyo goyaasha raga, alaabtaas iyo kuwo kale ayaa waxay ka kala iman jirtay Carabta, Persia iyo Shinaha.

Marka la eego qiyaasta dadka kunoolaa magaalada Berbera qarnigii 19-naad dhamaadkiisii, mr Drake Brockman waxa uu ku qiyaasay ilaa afartan kun oo qof xiliga qaboobaha, iyadoo xiliyada xagaaaga ee inta badan magaaladu kulushahay tirade dadku hoos u dhici jirtay.

Richard Burton oo ahaa Ingiriis ayaa isaguna war bixin uu ka bixiyey magaalada Berbera waxa uu ku sheegay in magaaladu aad u camirmi jirtay xiliga ganacsigu socdo oo ahaa November ilaa bisha April. dhulkani dadka ku noolaa waxay ahaayeen dad noloshoodu isu dheeli tirnayd marka la eego dhinacyo fara badan sida kheyraadka dabiciga ah ee ilaahay ku manaystay, ilbaxnimada guunka ah ee ay kaga horeeyeen dadyawga kale, iyo nolosha ay ku noolaayeen oo ahayd mid casriya xilligeedii.

Dadku waxay ahaayeen dad aad iskugu duuban oo mar walba dhawr una hogaansama xeerarka iyo qawaaniinta ay soo bandhigaan odayaasha u tallinayaa. Dhanka kale oday dhaqamaeedyadaa ayaa ahaa kuwo diinta islaamka ugu adag, isla markaana waxa ay kala xukumayaan ku dabaqi jiray axkaamta islaamka iyo dhaqanka soomaaliga.

Waxay aad uga fogayn jireen caruurtooda iyo dumarkooda inay marnaba ku milmaan ama qaatan dhaqankii mustacmarada, oo ay xoog uga soo horjeedeen, taas oo keentay inaan Ingiriisku marnaba faragelin dhaqankooda, walaw uu dhawr jeer isku dayay hadana weji gabax ayuu buun kala kulmayay markasta.

Waxaynu tusaale usoo qaadan karnaa feejignaanta dadka reer Berbera ay ugu fiirsanayeen dadka soo galay magaaladooda ee gaalada ah, markii ay si layaable u fashiliyeen ninkii basaaska ingiriiska ahaa ee Richard Burton kaas oo yimi Berbera April 1855.

Ninkan ayaa iska dhigay markii hore nin wadaada, hase ahaatee ahaa nin gaala oo basaasa. Arrinta u sahashay inuu sheegto Muslim oo magaciisana ku sheego Cabdala waxa kamid ahaa isagoo si faseexa ugu hadli jiray luuqada Carabiga, waxana la sheegaa in ninkaasi xitaa dhawr goor xajka tegay.

Kadib markii ay ogaadeen reer Berbera inuu gaal yahay, beena sheegayo waxay isaga iyo koox la socotay oo askar ahayd ku amreen in ay magaalada iskaga baxaan, hase ahaatee muu dhegaysan waxana uu sii joogay magaaladii. Dadkii magaalada ayaa weerar kusoo qaaday goor saqdhexe ah. Inkastoo dadka reer Berbera aanay haysan hub casriya isla markaana waxay ku dagaalamayeen ahaa warmo iyo billaweyaal, hadana kalsoonida iyo dhiiranaantooda ayaa u horseeday inay ka guulaysataan Burton iyo ciidankiisa oo isticmaalayay qoryaha xabbadu ka dhacdo oo casri ahaa.

Waxana dagaalkaas laguy dilay askar badan oo uu kamid ahaa nin ay aad iskugu dhawaayeen Burton oo la odhanjiray Mr.Stroyan iyadoo isla markaana laga qafaashay Mr. Speke oo markii danbe kasoo baxsaday ciidankii soomalida. Guul daradaa ku habsatay darteed ayaa keentay in Burton iyo kooxdiisii kabo laaan kaga firxadaan magaalada Berbera, Burton ayaa buug uu ka qoray safarkiisii geeska Africa waxa uu aad ugu falanqeeyey mawducaas.

Wakhti ku beegnaa 1874, waxa xeebaha Somaliland qabsaday maamulkii Masar, waxana ay gacanta ku dhigeen magaalooyinkii xeebaha oo Berbera ku kujirto sidoo kale waxa kamid ahaa magaalooyinka kale Bullaxaar, Saylac, Xiis iyo Maydh. Dhamaan magaalooyinkaa ay masaaridu qabsadeen ayaa waxay ka samaysteen saldhigyo ciidan, magaalada Berbera na waxay ka hirgaliyeen masaaridu dhismayaal aad u badan xilligii ay haysteen.

Dawladda Masar kuma raagin xeebaha Somaliland ee toban sanno kadib1884 ayay ka guureen. Isla sanad kaa waxa dhacday in Ingiriisku usoo diro xeebaha Somaliland askar soo ilaaleeya. Sanaddii1875 ayaa Ingiriisku heshiis magaalada Berbera kula galay oday dhaqameedadii Somaliland, waxa uu ahaa heshiis geesinimo taasi oo dadku inta badan ay usoo qaateen arrin taariikhi noqotay oo ahayd kadib markii Ingiriisku ay soo geleen Berbera in odayaashu u sheegeen in aanay soo geli karin, cagahana dhigi karayn Berbera ilaa heshiis la kala saxeexdo, taas oo Ingiriisku ugu jawaabay "aynu Berbera ku kala saxeexano".

Hase ahaatee odayaashi waxay ku yidhaahdeen " Biyaha badda inagu celi,halkaas ayaynu ku kala saxeexan karnaa heshiiska, waayo hadaad Berbera timaado dhulkiiba waad joogtaa". . heshiiskaas qodobadiisii ugu muhiimsanaa waxa ka mid ahaa:

1. In Ingiriisku Somaliland ka ilaaliyo dawladaha kale ee damacu ka hayo, isla markaana leh awoodda ciidan ee Somaliland ka baaxada wayn.

2.In aanay ogolayn qof Britisha ahi inuu ku dhasho wadankooda, isla markaana marka gabadha Ingiriisku ay uur qaado lagu celiyo wadankeedii.

3. In ganacsi ay yeeshaan dadka reer Somaliland iyo maamuladii India iyo Cadan oo iyaguna Ingiriiska hoos imaanayay. Ingriiska ayaa ku badhi furay heshiiskaa uu la galay odayaasha Somaliland, waxana heshiis kulida uu la galay dawladda eithopia isagoo ku wareejiyey dhul ay Somaliland lahayd.

Dano Ingiriisku lahaa awgood. Maamulkii cusbaa ee Ingiriisku la yimi ayaa soomalida ku noqday wax ay la yaabaan. isagoo aad uga gedisnaa dhaqankay horay ugu soo caano maaleen ilaa awaw yaashood. Hase ahaatee sidaynu hore u xusnay si adag ayay iskaga ilaaliyeen is dhex galka iyaga iyo qolyahan dulsaaarka ah.

Dhanka kalw waxay la socdeen dhaqdhaqaaqa Ingiriiiska iyagoon marnaba raali uga noqon una fasixin inuu wadnakooda sida uu doono ka yeelo. Hadaba maamulka Ingiriiska ee Somaliland soo galay oo ujeedooyinkiisa ugu muhiimsanaa aan ka xusi karno:

1. Inuu rabay Ingiriisku inuu ka faaiidaysto dekeda wayn ee muhiimkaa ee magaalada Berbera, oo ay uga dan lahaayeen inay u fududayso ganacsiga u kala goosha India iyo Europe.

2. In ciidamada Ingiriiska ee jooga Cadan loo helo cunto ku filan sida Hilibka xoolaha iyo Subaga, taas oo qiimo jaban looga heli karayay Somaliland. Ingiriiska oo dhulka Somaliland ee ay qabsadeen u bixiyey Somaliland Protectorate, ( maxmiyadda Ingiriiska ee Somaliland) waxaa caasimad u ahayd oo laga xukumi jiray maamulka Somaliland Protectorate magaalada Berbera oo ahayd sidaan kor ku xusnay magaalo qadiimi ah. Sababo farabadan ayey Berbera ku kasbatay inay noqoto magaalada xudunta u ah maamulka Somaliland protectorate, waxana ka mid ahaa:

1. Berbera waxay ahayd magaalo ganacsi oo ahayd bartilmaameed ganacsigaasi oo ay isku xidhi jirtay gacanka Carbeed, Yemen, Africa ilaa iyo Europe.

2. Goobta ay ku taalay Berbera oo ahayd goob ku haboon magaalo madax, waxayna ahayd magaalooyinkii ugu horeeyey ee laga dhiso dhismeyaal qurux badan guud ahaan Somaliland.

3. Dadka magaalada degenaa waxay ahaayeen dad xadaaradooda iyo ilbaxnimadoodu sarayso marka loo eego magaalooyinka kale ee Somaliland. . Inkastoo wixii ka horeeyey 1889 uu maamulkii Ingiriisku ka dhisay Somaliland hoostgayay maamulkii Ingiriiska ee India, hadana wixii sanadkaa ka danbeeyey waxa maamulka Somaliland si toosa ula wareegay xafiiska arrimaha debedda ee Ingiriiska.

Waxana Ingiriisku Somaliland ka samaystay saldhigyo ciidan. Magaalada Berbera maadaama ay ahayd magaalo madaxdii dalka ee xilligaa waxay ka mid ahayd magaalooyinkii uu saldhigyada ka samaystay Ingiriiklu. Tusaale ahaan ciidanka lugta ah oo gaadhayay ilaa boqol askari ayaa waxa saldhig looga dhigay magaalada Berbera inkastoo markii dambe loo wareejiyey fadhiisino kale sida Saylac iyo Bullaxaar. Sidoo kale ciidankii la odhan jiray Somali camel corps, oo ahaa ciidan kooban hadana markii danbe aad caan u noqday ayaa iyana saldhig ku lahaa Berbera.

Waxa iyana jiray ciidankii booliska oo gaadhayay ilaa boqol waxana loo qaybiyey sadexdii magaalo ee xeebaha Somaliland oo Berber kamid ahayd. Sidaan kor ku sheegnay, Berbera waxay ahayd caasimadii Somaliland ee ugu horaysay . Gumaystaha Ingiriiska ayaana degenaa muddo aad u dheerayd.

Hase ahaate 1940-gii markii talyaanigu Ingiriiska ka qabsadeen Somaliland ayaa waxa weerer rogaal celisa soo qaaday ciidamadii Ingiriiska iyagoo lix bilood gudahood kula soo noqday dalkii laga qabsaday ee Somaliland. Isla sanadkaa ay Ingiriisku dib ula soo noqdeen Somaliland, waxay xaruntoodii usoo wareejiyeen magaalada Hargaysa oo 150km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Berbera.

In kastoo magaalada Berbera ahayd magaalo aad u taariikhi ah isla markaana aad u horumarsan oo dhismeyaal badan oo casriya leh,ayna intaa u dheerayd muhiimadeed ay u lahayd dhaqaalaha wadanka, hadana markii dalku xoroobay 1960 may noqon magaalo madax gobol. Balse waxay ahayd degmo ka tirsanayd gobolka waqooyi Galbeed, inkastoo marka Grade-ka gedmooyinka la qaybinayo ay kaga jirtay kaalinta 1-aad (A grade).

Baarlamaankii somaliland ee 1960-kii oo ahaa 33 xubnood dalka oo dhan waxa Berbera ku lahayd laba mudane oo kala ahaa, ALLA HA UNAXARIISTEE Maxamed Ibraahin Cigaal iyo Xaaji Yuusuf Iiman. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ahaa siyaasigii ugu cadcadaa xiligaa Somaliland, isla markaana ahaa xoghayihii guud ee xisbigii xornimada doonka Somaliland SNL (Somali National League) kaasoo la sameeyey 1952, kuna guulaystay kuraastii ugu badnayd ee doorashadii baarlamaankii ugu horeeyey ee Somaliland oo ahaa 33 kursi iyadoo SNL-na ka heshay 20-kursi.

Cigaal ayaa waxa uu isagu gacantiisa ku saxeexay heshiiskii Somaliland xornimadeeda kaga qaadatay Ingiriiska 1960, isaga oo ah nin aad u dayar. Sidoo kale waxa Marxuum Cigaal loo aaminsanyahay ninkii Somaliland cagaha u taagay ilaa maantana aynu guranayno midhihii uu uga tegay Somaliland, laguna socdo wadadii uu wadankan u jeexay. Kadib markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka goday Somalia inteeda kale waxa magaalada Berbera loo magacaabay inay noqoto magaalo madaxda gobolka cusub ee SAAXIL.

Gobolkan oo ah gobolka ugu muhiimsan marka laga hadlayo xagga khayraadka dabiiciga ah ee gobolada Somaliland. Kasekow muhimada wayn ee Berbera, waxa gobolka SAAXIL uu leeyahay khayraad badan, iyadoo la aaminsanyahay in khayraad badan oo dabiici ahi gobolkaas dhex ceegaago, sidoo kale waxa uu ku caan yahay Buuraha, waxana marta silsilada Golis badhtamaha gobolkaas, taas oo laga helo dhagxan badan oo qaali ah.

Beeyada oo iyana ah mid aad umuhiima marka la eego wax yaalaha Somaliland dhoofiso ayaa laga helaa gobolkaa. Waxa iyana jira wershedo ay ugu muhiimsan tahay wersheda sibidhka oo gobolkaas ku taala, inkastoo ay qabyo tahay haatan oo dayactir u baahantay, hadana inteeda badani way bedqabtaa.

Dhanka dalxiiska ayaa loo tagaa goobo badan o gobolkaas ka mida sida dawga Sheekh iyo meelo kale. Hadaba bal aan eegno doorka Berbera kaga jirtay dib u dhiskii Somaliland. January 1991 ayaa Berbera lagu qabtay shirkii ugu horeeyey ee lagaga hadlo aayaha Somaliland, halkaas oo laysku afgartay qodobo muhiima. Sidoo kale ilaa maanta magaalada Berbera waa xarunta dhaqaalaha Somaliland, maadaama dalku aanu citiraaf caalamiya haysan waxa uu inta badan ku tiirsan yahay cashuurta DEKEDDA Berbera.

Ugu danbayntii aan eegno doorkii gobolka Saaxil ee Berbera magaalo madaxda u tahay Doorashooyinkii dalka ka dhacay uu ku lahaa. Doorashadii golayaasha deegaanka 2002, waxa ka codeeyey gobolka Saaxil 27234 oo qof tiradaas oo ahayd 6% marka loo eego tiradii guud ee dalka ka codaysay, waxa doorashadan lagu soo doortay 21 mudane oo gole deegaana oo u badnaa xisbiga UDUB.

Doorashadii madaxtooyada 2003, ayaa waxa ka codeeyey iyana gobolka 30537 qof oo ahayd 6% codadka guud. Waxa xusid mudan in in kabadan 40% dadka reer Saaxil u codeeyeen UDUB. Sidoo kale Doorashadii Baarlamaanka ayaa waxa iyana ka codeeyey Saaxil 52479-qof oo ahayd 8% dadkii codeeyey doorashadaas.

Bal hadaynu isna eegno gobolka Somaliland ugu ballaadhan ee Sanaag doorashadii madaxtooyada waxa ka codeeyey 89286-qof taas oo gaadhaysay ilaa 13% guud ahaan dadkii doorashadaas codeeyey. Kuraasta baarlamaanka Somaliland oo ah 82 kursi dalkoo dhan, waxa Saaxil ku leedahay 10 kursi.

Doorashada Baarlamaanka Somaliland oo dhacday 29 September 2005 hadaan si kooban u milicsanno kaalinta gobolka Saaxil iyo sida xisbiyadii doorashadaa ku tartamayay ee UDUB, KULMIYE IYO UCID, ay u kala helaan 10-kaa kursi ee gobolkaasi lahaa.

Waxay ahayd sedan: UCID KULMIYE UDUB Codad % Kuraas Codad % Kuraas Codad % Kuraas 18331 34.9 4 12355 23.5 2 21793 41.5 4 Marka guud ahaan aan eegno Gobolka Saaxil inta badan waxa uu ku caanyahay taageerada xisbiga UDUB, iyadoo marka si caadiya loo eego uu u muuqdo gobol siyaasiyan guulaystay, maadaama xisbigii uu taageerayay yahay xisbul xaakimka.

Hase ahaatee marka indho furan lagu eego xaalada ka taagan uu yahay gobol qoomamo ka taagan taageerada xisbiga UDUB, maadaama uu haatan yahay gobolka ugu hooseeya xaga mashaariicda horu marka ee laga hirgeliyo gobolada Somaliland.


Cabdirisaaq Cabdilaahi
Guudoomiyaha Ururka Cilmi Baadhista Somaliland ee SURE

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire