SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Taariikhda aabihii waxbarasha umada soomaaliyeed Maxamuud Axmed Cali

Hogaamiyihii, Aabihii, Halyeygii iyo Hormuudkii waxbarashada ummaddii Soomaaliyeed, intii u dhaxaysay 1914 -1982 illaa laga soo gaadhayay 1983 oo ay geeridii Alle u timi.

Marxuum Maxamuud Axmed Cali wuxuu ku dhashay deegaanka miyiga ee hawd ka xiga Burco iyo Oodweyne, markii uu noqday 11 jir ayuu aabihii marxuum Axmed Cali keenay magaalada Berbera oo ku beegan sannadkii 1914. Waxa la geeyay malcaamad qur’aan, oo uu dhiganayay muddo shan sanno ah.

Sannadkii 1919 ayuu aabihii waxbarasho ugu diray dalka Sudan, waxaana uu ka soo laabtay sannadku markii uu ahaa 1930. Isla markaana isagoo isu dhigaya qof aqoonyahan ah oo laabta ku sitta sahayda cilmiga casriga ah, taas oo aan ka jirin haba yaraatee deegaankii uu ka tagay iyo guud ahaanba dhulka Soomaalida.

Wuxuu helay shaqo xisaabiyenimo ah (karraani), dhulka somalida waxa haystay markaasi gumaysigii Ingiriiska iyo Taylaaniga oo cimrigiisa gumaysigu ay ka hadhsanayd uun in ku dhaw 30 sanno.

Xilligaa Ingiriiska waxa la shaqayn jiray Hindi uu ka keensaday dalka Hindiya, isla markaana aqoonta iyo qalinka u haysay dadkii markaa ku noolaa deegaanada British Somaliland la odhan jiray, taas oo ay xattaa u shaqayn jireen dadka ganacsiyada leh ee u baahan xisaabiyeyaal.

Sannadkii 1942 marxuum Maxamuud Axmed Cali iyo mataankiisii kale ee cilmiga kula mataanoobay ee isna dedaalka badan galay marxuum aqoonyahan Yuusuf X. Aadan Qabille, waxa galay hindise ay magaalada Hargeysa ka asaasaan dugsi weyn oo ay ugu talo galeen in caruurta reer Hargeysa wax ku bartaan.

Waxay aad uga fekereen halkii ay ka keeni lahaayeen lacag iyo adduun ay ku yagleelaan dugsigan ay hindihiisa hayaan, waxaanay bilaabeen inay jeebkooda dib ugu noqdaan. Maxamuud Axmed Cali wuxuu qaadan jiray 200 oo Rubbi, Yuusuf X. Aadan Qabillena wuxuu mushahar ahaan u qaadan jiray 120 oo Rubbi oo ah lacagtii markaa la isticmaali jiray.

Inta ay hal bil mushaharkoodii isku dareen ayay nin Hindi ahaa oo Injineer ahaa qandaraas ku siiyeen dhismaha dugsigii, hindigii markii uu dhismihii dhexda marinayo ayuu ka go’day lacagtii dhismaha uu ku waday waxaana ay ku dhammeeyeen dhismihii sidii ay dadka qaadhaan uga ururinayeen.

Markii ay dhammeeyeen dugsigii waxay markale ka fikireen halkii ay arday ka keeni lahaayeen, iyagoo mar labaad dedaal dheeraad ah u galay sidii ay dadka ugu wacyi gelin lahaayeen inay dugsigan soo galaan oo ay wax bartaan.

Maxamuud Axmed Cali wuxuu bilaabay shaqadan karraanimada ah, isagoo loollan adag kala kulmay Hindidii oo u arkay inuu loollan adag oo dhanka shaqada iyo aqoonta ahba la geli doono.

Aqoonyahan Maxamuud Axmed cali wuxuu ka garab waday inuu meel kasta oo shaqadiisa uu u tago, gelina uu shaqaysto gelina uu dadkiisa waxbaro, isaga oo noqday macallin mutadawac ah (volunteer).

Wuxuu bilaabay inuu gelinka dambe uga faa’iideeyo dadkiisa oo uu arkayay inay dhex muquuranayaan badweynta jahliga, damiirkiisuna wuxu siin waayay inuu cilmiga la fadhiisto iyadoo dadkiisii siday u dhan yihiin u oomman yihiin barashada cilmiga casriga oo aan haba yaraatee ka jirin dhulalkii somalida. Alle ha u naxiireestee Maxamuud Axmed Cali wuxuu ku hadli jiray luuqadaha kala ah Af Soomaaliga oo ah afkiisa hooyo, Carabiga, Ingiriisiga iyo Urduuga.

Markay halkaa marayaan ayaa waxa ku soo biiray asxaab cusub oo saddex ah, kana yimi wadanka Sudan, kuwaas oo kula mataanoobay dedaalkii ay wadeen M.A.Cali iyo Y.X.Adan. Waxaanay kala ahaayeen

1- Maxamed Shire-gaab.

2- Cabdisalaan Xassan.

3- Ismaaciil Samatar.

kuwaas oo mataano kula noqday fidinta cilmiga, la dagaallanka jaahilnimadana, wacyi gelin badanna la galay sidii himiladoodan ay ugu guulaysan lahaayeen.

Waxa la sheegaa in Maxamuud Axmed Cali horraantii markii uu bilaabay dedaalka waxbarista iyo wacyi gelinta dabargoynta jaahilnimada, in badan in lagu dhibay isla markaana bulshada dhexdeeda loo geliyay ninkaa caruurtiina ka ilaashada iyo yaanu caruurta idinka gaalayn iyo wax diinta ka soo horjeeda ayuu wadaa.

Sidoo kalena waxa loo raacin joray Ingriisku wuu idin gaalaynayaa ninkan ayaana hor kacaya, caruurta ayaa idinka fitnoobaysa iyo hadallo la nooc ah. Waxaana ku soo baxday weedho halqabsi noqday oo ay ka mid ahaayeen "ninkii inantiisa iskuul ku darow inaad ibtilowday ogsoonow".

waxa la sheegaa inuu u amba baxay Maxamuud Axmed Cali magaalada Oodweyne si uu uga sii wado dedaalkiisii aan kala go’a lahayn ee uu hore u waday , isagoo waliba markan reer Oodweyne u waday bushaaro qaali ah oo aan deegaannada kale fursad u helin oo ah in jaamacad loo dhisi doono, jaamacadaas oo markii dambe laga dhisay dalka sudan.

Waxa dhacday inuu reer oodweyne isugu soo shiriyay geed weyn oo lagu magacaabi jiray Danlaawe, maxaa dhacay intaa kadib? wuxuu ku yidhi reer oodweynow waxaan doonayaa inaanu halkan idiinka samaynno iyo waliba in si gaar ah laydinku dhiso jaamacad ayaan u socdaa aan marka hore wadanka hore ugu oollin.

Inta mar qudha laysla kacay ayaa budhka lagu boobay oo la yidhi ninkii aan wax ku dhufanow alle iyo nebiga ka go’, waxaana la sheegaa inuu muddo maalmo ah u jiifay dhaawacii ka soo gaadhay gacantii loo qaaday maalintaas, isagoon waxba cunin ayaanu halkii geedka hoostiisa ah u hoos yaallay

Waxa isagoo dadkii deegaanka ka calaacalaya, doonayana in farriintiisu gaadho halkii laga soo diray ee Hargeysa ayuu doonay inuu waraaq u qoro, waxaanu waraaqda u dirayay Iimaan Dhoorre oo xoghaye ka ahaa gobolka Hargeysa.

Wuxu ka fekeray in haddii uu afka carabiga ugu qoro hadallo caadi ah oo la akhriyi karo oo ah farriin ula jeedada fariinta ay fahmi doonaan, isla markaana aanay haba yaraatee gaadhsiin doonin waraaqda halka ay u socoto oo ay jeexjeexi doonaan.

Waxaana ay garashadiisu siisay in uu ku qoro Aayad qur’aan ah oo uu Nebi Nuux, Alle ugaga dacwoonayay qawkiisii ( innii dacawtu qawmii laylan wa nahaaran, falam yazidhum ducaa’ii illaa firaaran) oo ay macnaheedu noqonaysay inuu nebi nuux odhanayay: qawmkaygii waan u baaqayay habeen iyo maalin yeedhmaydaydiina uma soo kordhin illaa inay sii kala cararaan mooyaane, taas oo uu Maxamuud Axmed Cali uga dan lahaa inay qawmkii uu u tagay ay ku gacan saydheen oo inta ay garaaceen ka kala dareereen.

Sababta uu aayaddan u qoray oo xikamad weyn ku fadhiday, isla markaana fariintiisa hore illaa dhammaad ka turjumaysay, waxa ku kellifay waa isagoo is idhi qur’aanka waa laga xishoon oo jeexjeexid loo quudhi maayo macnahadeedana badankiisa sidaa uma sii dhuuxayaan, halkii ayaana gaadhi loogu soo diray oo laga soo qaaday.

Maxamuud dedaalkiisii may sii kala dhantaalin, isla markaana muu noqon nin intaa ku niyad jaba, mar kale waxa dil loo shiray loogu geysan gaadhay magaalada Boorama, markii uu gaadhsiiyay reer boorama aqoontii uu waday ayaa inta ay reer Boorama shireen yidhaahdeen yaa dilaya waa lagu janno tagayaa kan dadka gaalaynayee.

Nin ayaa yidhi aniga ayaa ku janno tagayaa, intaa ka dib waxa la sheegaa in ninkii dili lahaa markii uu Golxobkii uu ku dilayay kula soo booday ayuu marxuum Maxamuud Axmed Cali garabka iskaga dhuftay ninkii deedna ninkii iyo Golxobkiisiiba ay isku meel ku dhaceen. Ninkii waa la xidhay balse, markii uu hawlihiisii dhammaystay ayuu amray in la sii daayo ninkii isaga dartii loo xidhay.

Ardaydii ku jirtay dugsigii magaalada Sheekh oo ahaa dugsi loo hoydo, waxa la siin jiray bariis dhacay oo laga soo reebay dagaalkii kowaad ee dunida oo uu ingiriisku siin jiray.

Marxuum Maxamuud Axmed Cali wuxuu amar ku bixiyay in loogu bedelo ardaydaa in maalin kasta Hilib la siiyo, isagoo markan ka faa’iidaysanayay madaxnimo uu u ogolaaday gumaystihii Ingiriisku.

Waxaana uu dedaal badan u galay sidii uu hayaankiisa halkaa ugaga sii wadi lahaa, isaga oo dib uga sii bilaabay magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Sheekh, Laascaanood, Ceerigaabo iyo dhulka bariga fog illaa uu muqdisho gaadhay dedaalkiisi, oo uu hormuud u noqday gudigii dhidibada u taagay qorista afka Soomaaliga sannadkii1972.

Intii uu hayaankaa dheer ku jirayna waxa la garab waday dacaayad iyo dhibaatayn, layaabna malaha oo sunnaha taariikhda dunida ayay ka mid tahay in la khilaafo qof kasta oo hormuud ka noqda wax indhaha markaa jira ku cusub. Waxaana tusaale inoogu filan Nebiyadii Alle soo diray oo dhiigooda oo la daadiyo iyo sharaftooda oo meel lagaga dhaco, cay iyo ciilna laysugu daray.

Runtii taariikh dheer oo qadhaadh, silic iyo saxariirna badnayd oo damqasho lahayd ayuu la soo maray marxuum Maxamuud Axmed Cali aqoonta maanta aynu midhaheedii guranayno , wuxuu dhaxlay taariikh lama illaawaan ah oo aan duugoobin, wuxuu dhaxal inoogaga tagay oo uu hormuud ka ahaa qoristii afka Soomaaliga oo Bari illaa Galbeed, Koonfur iyo dunida inta qof Soomaali ahi ka joogo qalinka loo sito.

Waxa marag ma doon ah in wax kasta oo loo samro oo marka hore qaadhaadhkiisa nafta la illawsiiyo uu marka dambe yeelanayo midho malabka ka macaan badan, isaga iyo alle ha u naxariistee raggii kale ee halyeeyada ahaa ee uu ka midka ahaa marxuum Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, runtii dhammaantood waxay ka tageen tacab midhaheedii in ku dhaw hal qarni la goosanayo.

Marxuum Maxamuud Axmed Cali wuxuu noloshiisa goob joog ka noqday midhihii uu kontonka sanno ku tabcayay oo la goosanayo, waxa uga dambeeyay maalmahaas qadhaadh ee ay soo mareen in Kiyuu loo galo iskuuladii ay iyagu masuulka ka ahaayeen oo in badan baryo loola tagay, kadib markii uu ku guulaystay himiladiisii.

Waxa tusaale kuugu filan Ahmed Yuusuf Ducaale oo mar noqday wasiirka waxbarashada Somaliland, ahna wasiirka warfaafintaBoobe Yuusuf Ducaale walaalkii, wuxuu ka sheekeeyay inuu muddo ay isaga iyo aabihii beryo ula tagayeeen oo ay isaga dabo noqonayeeen si loogu qoro dugsiga, markii ay ka ka buuxsantay tiradii reerkooda ay u qoondeeyeen oo reer walba qayb ayaa la siiyay:

Waxa uu yidhi aabahay ayaan u kaxaystay si uu iiga soo muslaxo, waxaana nalagu yidhi wuu idinka buuxaa. Markii aanu ku guuldaraysannay ayaanu u tagnay Yuuusf Xaaji Aadan Qabille oo aanu qaraabo meel ka ahayn oo isna ardayda la qorayay balse, mas’uuliyad ahaan ka hooseeyey Maxamuud Axmed Cali, waxaana uu intaa ku daray, waxa nagala hadlay Yuusuf X. Aadan, waxaana lay qoray dugsigii baryo badan kadib ayuu yidhi Axmed Yuusuf Ducaale.

Afhayeenkii hore ee xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, mudane Siciid Caddaani Mooge ayaa isaguna wuxuu ka sheekeeyay sidii uu waxbarashada ku bilaabay waxaana uu yidhi:

Marxuum Maxamuud Axmed Cali ayaa qorayay ardayda kadib anigana waxa iga buuxsamay buu yidhi intii reerkayga loo qoondeeyay ee dugsiga Sheekh Bashir hadda la yidhaahdo ee ku yaalla badhatamaha hargeisa, intaa kadib waxaan tagay buu yidhi dugsiga hadda la yidhaahdo Riis ee ku yaalla isna dhinaca bari ee magaalada Hargeysa derisna la ah dawladda hoose ama tiyaatarka, kadib waxaan sheegtay hayb aanan lahayn amaba reer kale.

Markii qoladaydii la i waydiiyay ee aan sheegay qoladii ayaa la isii waydiiyay kadibna waan garan waayay buu yidhi, waa lay eryay, kadibna ardaydii la diiwaan geliyay oo Qol-waxbarasho ku jirta ayaan daaqad uga soo dhacay buu yidhi.

Haddana waa layga soo saaray waxaana lay waydiiyay qur’aanka inta aan ka aqaanno kadibna, qur’aankii oo aan gartay ayaa la iigu ogolaaday buu yidhi inaan ka mid noqdo ardaydii dugsiga hoose ee Riis ama Sheekh Cali Cismaan la yidhaahdo.

Taariikhdan iyo tusaaleyaashan aan ka soo sheekeeyay waxaan uga dan leeyahay inaan dadka xusuustooda dib ugu celiyo, taariikh iyo xusuuso la illaaway amaba dadkii goob joogga ka ahaa ay badankoodii geeriyoodeen.

Waxaan uga jeedaa inaynu xisaabtankeenna dib ugu noqonno dadna aqoon jacayl bay dhibkan u marayeen, raggani dadkooda oo ay lexe-jeclo u qabeen ayay dhibkan ugu samrayeen marxuum Maxamuud Axmed Cali, wuxuu ahaa aqoonyahan qof dulqaad badan, wuxuu ahaa qof naxariis badan, dadkiisa ku lexe-jeclaabaya.

waxaanu ahaa qof himilo fog leh, isla markaana ka mid ah dadka tirada yar ee dunida ku guulaystay himiladoodii iyo yididooladii. Alle ha u naxariistee wuxuu geeriyooday sannadkii 1983 isagoo magac iyo maamuus xambaartay, dedaalkiisiina ay wax ku barteen kumaanaan somali ah, kuna guulaystay inuu wax ka qoro luuqadda ballaadhan ee afka somaliga.

Waxa xusid mudan Maxamuud Axmed cali inuu ka soo jeeday durriyad aqoonta iyo horumarka ku xeel dheer. Wuxuu la walaal ahaa marxuumku madaxweynihii ugu horeeyay ee somaliland Marxuum Cabdi Raxmaan Axmed Cali.

Waxa kale oo xusid mudan inuu ka soo jeeday qoys magac ku lahaa dhulka somalida iyo aqoonta casriga ah, wuxuu hayba la wadaagayay ninkii maahmaahdiisu caanka noqotay ee la odhan jiray Ina Igarre oo ku dhawaad sannadkii 1884 uu ingiriisku ka soo kaxaystay dalka Hindiya, isaga oo halkaana wax ku soo bartay si uu geeska Africa la taliye ugaga noqdo iyo sidoo kale ninkii ugu horeeyay ee somaliyeed ee jaamacad ka soo qalin jabiyay dalka ingiriiska sannadkii 1846 kii kana soo diyaariyay shahaadada Master-ta.

Waxay ahaayeen dad ku caan ahaa aqoonta iyo horumarka dhanka ilbaxnimada


Waxaa soo diyariyay. Maxamed Haybe

mohamedhaibe.wordpress.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire