SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ka-faa’iidaysiga Biyaha Roobka iyo Xakamaynta Gaajada.

Waxaan leeyahay, shilinka xaga kale aan u rogno oo aan eegno dhinaca rajadana. Waxaan leeyahay, haddii gacanta lays qabsado wax wayn baa nolosha laga bedeli karaa. Somaliland, marka la eego xaalada ay hadda ku jirto, waxa lagu tiriyaa wadamada ugu dib-dhacsan marka lagu cabiro halbeega caalamiga ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo GNP per Capita, afkeenana loo turjumi karo dakhliga wadanka marka la xisaabiyo ee loo qaybiyo cadadka dadka wadanka ku nool ee muwaadiniinta ah.

Cabirkaasi marka lagu eego waxaa qofkii sanadkii kusoo hagaagaya ilaa $ 500 (shan boqol Doolar calaa qof sanadkii). Cabirkaasi marka lagu eego dabcan waxaynu gelaynaa dadka ugu faqiirsan dunida. Daqaale xumiduna waa ta ugu wayn ee sababaysa in dadku ay jeclaystaan inay wadanka ka tacabiraan ama ka hijroodaan una hijroodaan wadamo ay ku tuhmayaan dhaqaale keena nolol ka duwan tay wadankooda

ku haystaan. Ku darsoo iminkana waxa dhaqaale xumidii kusoo biiray oo dabada kasii riixayaa waa abaaro isdaba jooga oo midba midka kasii danbeeya ay kasii xuntahay. Abaarta sanadkanina waa mid fadhiisisay kuwii hore oo dhan kana saamayn badatay. Waxaan odhan karaa bulshadii xoolo dhaqatada ahayd ee reer Somaliland qaar badan baa ka quustay inay sii ahaadaan xoolo dhaqato. Dhibka soo marayna runtii waa mid keenaya inay timaado quus cayn kaas oo kale ah.

waxaan leeyahay, shilinka xaga kale aan u rogno oo aan eegno dhinaca rajadana. Waxaan leeyahay, haddii gacanta lays qabsado wax wayn baa nolosha laga bedeli karaa. Xaga wanaagsan inaad aragtaana waxay ku xidhan tahay inaad leedahay niyad wanaag iyo inaad arki karayso fursadaha jira.

Waxaan leeyahay, wadanku wuxuu leeyahay khayraad dabiici ah oo aan qiyaas lahayn oo horumarin lagu samayn karo si ay bulsho waynta reer Somaliland uhelaan faaiido wadanka wada gaadha oo lagu wada nimcaysto.

Khayraadka dabiiciga ah ee aan sheegayaa maaha macdanaha faraha badan ee wadanka lagu sheegayo; mana aha xeebta dheer iyo kaluunka aynu lasoo bixi karno; mana aha buuraha sibidhka ee ku teedsan xeebaha Saaxil ilaa Sanaag; mana aha shidaalka faraha badan ee lagu sheegayo meelo badan oo wadanka ka mida. Kuwaas oo dhami waa khayraad dabiici ah oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin wanaagsan si loogu bedelo horumar dhaqaale oo wadanku uu gaadho.

Khayraadka dabiiciga ah ee aan runtii doonayo inaan halkan kaga hadlaa waa ciida wanaagsan ee aynu ka beeri karno aduunka wax la beero oo dhan noocuu doonaba ha ahaadee. Dalagyada kala duwan oo dhan ayaa ka bixi kara gobolada kala duwan ee kala cimilada ah ee wadankeena.

Su’aasha markaa maskaxdiina kusoo dhacaysa ee aad iswaydiinaysaan waxa weeyaan xagee laga keenayaa biyaha lagu waraabinayo caradaa wanaagsan ee waxwaliba ay ka baxayaan sidaan soo sheegnay. Taasna jawaabteedu way fududahay oo waxa weeyaan in dhaamam waawayn laga sameeyo wadanka.

Wadankeenu wuxuu hodan ku yahay buuro gaagaaban iyo qaar meel dhexaad ah oo markaa ay kasoo dhacaan biyaha roobku, kuwaasoo buuxin kara dhaamam waawayn iyo qaar meel dhexaad ahba. Cabbirka dhaamamka aan sheegayaana waa kuwo u dhaxayn kara 45,000M3 ilaa malaayiin M3.

Dhaamamkaasi oo inta sifiican loo sahamiyo loo helo malgelintii loo baahnaa ayaa dhulka lagu beeran karaa kabacdina gaajada lagaga bixi karaa. Gaajaduna maaha ta maanta inta badan reer miyigeenu ay dareemayaan yariyo wayn ee waxa kamida ta nacasnimada ah ee taala magaalooyinka oo laga cunayo bariis Hindiya laga keenay iyo Paasto Talyaaniga laga keenay. "Food Security" oo afka qalaada ama "gaajo kabax" oo Afkeena ah waxa lahelaa marka uu wadanku iskaga filaado cuntada aasaasiga ah ama quutal daruuriga waxa loo yaqaano.

W/Q: Cabdirashid Axmed Guleed.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire