SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maaraynta Isbedbedelka ku Yimaadda Qiimaha Shillinka Somaliland.

Falsafadda cilmiga dhaqaalaha ee buugaagta lagu dhigtaa inta badan wuxuu ku sallaysan yahay fikirka (theory) ka jira waddamada reer galbeed ee xaga dhaqaalaha horey ugamaray sida Maraykan iyo Yurub. Waana falsadda loo yaqaano (capitalism) ama Hantigoosadka.


Falsafadaasi dhibkeedana way leedahay, haddana inta badan waa falsafad laysla qaatay oo maanta dawladaha adduunka badidoodu ay ku hogaamiyaan siyaasadooda dhaqaale. Qoraalkan waxaynu ku eegaynaa qayb falsafadaasi dhaqaalaha ka mida oo loo yaqaano Money Supply Management ama Maaraynta Korodhka Lacagta

Shaqada Bankiga Dhexe

Maaraynta Korodhka lacagta ama maamulka lacagta waddanka waxa dawladda u qaabilsan bankiga dhexe. Bankiga dhexe shaqadiisu waxa ugu muhiim 6 shaqo oo waaweyn.

Shaqada kowaad, bankiga dhexe waxa uu dawladda u qaabilsan yahay maamulka lacagta wadanka oo haddii ay suuqa ku yaraato waa inuu ku sii daaya suuqa, haddii ay suuqa ku badatana waa inuu badh suuqa kasoo celiyaa si markaasi qiimaha lacagta loo ilaaliyo oo looga ilaaliyo isgedgediska.

Shaqada labaad, bankiga dhexe waxa uu maareeyaa "rate of interest" ama reetka ribada. Maadaama Somaliland aanu ka jirin reetka ribadu bankiga dhexe ee Somaliland tani hawl u taala maaha.

Shaqada saddexaad, bankiga dhexe waxa uu maamulaa bankiga ganacsiga ee bulsho weyntu ay lacagta dhigtaa. Sida caadiga ah, bankiyadda ganacsigu waa inay lacag dhigtaan bankiga dhexe ee dawladda. Lacagtaasi oo uu bankiga dhexe damaanad ahaan u haynayo, xaddiga waxa xadididaya bankiga dhexe isagoo ku sallaynaya heerka dhaqaale ee wadanka.

Shaqada afraad,bankigha dhexe isagoo ay wada shaqaynayaan wasaarada maaliyadda waa inuu ka shaqeeyaa xisaabinta dhaqaalaha waddanka.

Shaqada shanaad, bankiga dhexe waxa uu ka masuul yahay ilaalinta sarifka ama qiimaha lacagta waddanka marka loo eego qiimaha lacagaha qalaad. Wadamada horumaray sarifka lacagtooda inta badan waxa u daayaan in lagu go’aamiyo suuqa xorta ah. Laakiin wadamada soo korayaa jaangoynta sarifka lacagtooda waxa ugu masuul ah bankiga dhexe.

Shaqada lixaad, wadamada qaar baa bankiga dhexe u igmada inuu qaybaha kala duwan ee dawlada inuu miisaaniyadooda uu gacanta ugu hayo oo akoono ufuro.

Maareynta Korodhka iyo Qiimaha Lacagta

Lacag waxa lagu qeexaa inay tahay kaydka qiimaha. Waxa kale oo lagu qeexaa inay tahay waxa wax-lagu kala bedesho. Bulshooyinka caalamku intii aanay bilaabin isticmaalka lacagata waxa jiri jirtay in labada qof e waxkala iibsanayaa inay isku bedelan jireen oo keliya labada shay ee ay kala iibsanayaan. Dhib badan baana arrintaasi ka jiri jiray maadaama marwalba labada shay ee laysku gedisanayaa aanay isku qiimo ahaan jirin.

Nidaamkaasi waxiskugediska oo af Ingiriisiga loo yaqaano BARTER SYSTEM bariga Africa wuu ku soo dhawaaday oo magaca IIDOOR oo ah qabiil kamida qabiilada reer Somaliland waxa magacaasi loogu bixi waa isla nidaamkaasi waxkala iibsi ee badeecadaha laysku iibsan jiray. Dunida casriga ahi lacag bay waxkukala iibsataa markaa lacag maamulkeed sidaan hore ku soo sheegnay waxa iskaleh bankiga dhexe.

Intii aanay soo bixin lacagta waraaqda ahina waxa lacag ahaan loo isticmaali jiray dahabka. Waqtigaa lacagta wadamadu ay dahabka ahaydna, badeecad kasta waxa qiimaheeda xadidayay dahabka ay u dhigantaa inta uu leeg yahay. Lacagti markay waraaq noqotay ayaa waxa soo kordhay mashaakilka ah sidee loo ilaaliyaa qiimaha lacagta.

Qiimaha lacagtaasi waraaqda ah waxa xadidaya dhaqaalaha wadanku inta uu leeg yahay oo markaasi keenaysa aaminaada ay dadku ku qabaan lacagtaa waraaqda ah. Qiimaha lacagta waxa kale oo xadidaya inta ay leegtahay lacagta uu bankiga dhexe suuqa ku soo daayay. Waxa kale oo xadidaya baahida kolba ay loo qabo lacagtaasi.

Bankiga dhexe waa inay u xisaabsan tahay xaddiga lacagta marwalba suuqa ku jirta. Waxa kale oo loo baahan yahay in ugu yaraan hal mar inuu bankiga dhexe suuqa kusoo daayo lacag xadigeeda ay xisaabiyeen dhaqaala yahanada bankigu.

Lacagtaasi sanadkii hal mar suuqa lagu soo daynayo waxa loogu baahan yahay laba sababood. Sababta kowaad, waxa dhacaysa in dhaqaalaha wadanku uu kordhayo; sidaa darteed waa in lacag u dhiganta korodhkaasi suuqa lagu sii daayaa. Sababta labaad, waxa dhacaysa in lacagta suuqa ku jirtaa ay gabawdo oo markaasi bankiga dhexe dib loogu soo celiyo.

Maaraynta Qiimadhaca Dollarka Xilliga Arafada

Marka laga reebo korodhka loo baahan yahay bankiga dhexe inuu sanadkii hal mar ku sameeyo lacagta wadanka, waxa jira laba xilli oo si aan caadi ahayn loogu baahdo korodhka shilinka Somaliland. Labadaa xilli waxay kala yihiin xilliga fasaxa xagaaga ee qurba joogtu ay fasaxa ku yimaadaan wadanka.

Xilliga kalena waa xilliga xajka ee xoolaha badani ay wadanka ka dhoofaan. Labadaa xilliba waxa dhacda in si aan caadi ahayn loogu baahdo shillinka Somaliland maadaama ay labadaasi xilli lacagaha qalaad siiba doolarku ay aad u soo galaan wadanka. Labadaa jeerba waxa dhacda in dhaqaalaha wadanka ay ku dhacdo korodh aan xiliyada kale wadanka ka jirini. Labadaasi xilliba waxa si muuqata kor ugu booda shillinka.

Bankiga dhexe ee Somaliland si 100% ah uma ogaan karo xadiga lacagaha qalaad ee labadaasi xilli Somaliland soo gala. Laakiin bankiga dhexe waxa uu samayn karaa inuu sameeyo ESTIMATION ama qiyaas aad looga baaraan degay oo ay ka taliyeen dhaqaale yahanada bankigu. Qiyaastaasi marka ay sameeyaan dhaqaale yahannada bankigu ayaa ay noqonaysaa in bankiga dhexe uu lacag shillin ah oo u dhiganta qiyaastaasi uu ku sameeyey lacagta qalaad ee wadanka soo gashay uu ku sii daynayaa suuqa.

Sida uu ugu sii daynayaana waa isagoo lacagtaasi ku shubo akoon ay dawladu leedahay oo loogu talo galay horumarinta. Markaa waxa imanaya laba faaiido oo kala ah: kow, qiimihii shillinka oo laga ilaaliyey isgedgedis aad u sareeya .

faaiidada labaadna waxay tahay iyadoo ay dawladu heshay kaash ay ku hirgeliso mashruuc horumarineed oo ummada waxtara. Xilliyada kale ee doolarku uu suuqa ku yaraado ee markaasi shillinka qiimahiisu uu hoos u dhaco, markaasina bankiga dhexe waxaa laga rabaa inuu suuqa ku soo daayo lacag doolar ah isagoo markaasi sarif layaasha kala wareegaya shillinka Somaliland oo markaasi ugu bedelaya lacag qalaad siiba doolarka Maraykanka.

Marka walba waxa laga duulayaa ilaalinta qiimaha shillinka Somaliland oo haddii uu ku yimaado isgedgedis xad dhaaf ahi uu markaasi shlillinku waayayo sifihiisii ahaa meel lagu kaydiyo qiimaha, oo markaasi uu imanayo dulmi ku iman kara dadka aaminay ee xoolahoda ku kaydsaday shillinka Somaliland.

Mid kalena waa muhiim oo bankiga dhexe waa inuu marwalba ku dadaalaa ilaalinta qiimaha shillinka si markaasi uu shillinka Somaliland u helo kalsoonida bulshada reer Somaliland, oo markaasi haddii maalin maalmaha ka mida doolarka uu khalkhal ku yimaado Somaliland aan jaahwareer ugu dhicin oo shillinku u noqdo lacagta wadanka ee doolarka imanka Somaliland xukuma loogaga maarmaarmi karo.

W/Q:Cbdirashid Axmed Guuleed.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire