SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Somaliland ma xisbiyo qaranba ka jira misse xulafaysi qabiil.

Iftiinkacusub.com : Halku dhigga qoraalkayga waxa laga yaaba, in dad badani marka ay akhriyaan ay u qaatan in aan cid gaar ah duulan ku ahay ;taasi lakiin waxa ay suura gal noqon lahayd hadii uu jiro Xisbi isagu ka madax banan waxyabaha uu qoraalkaygani ku saabsanaan doono.

Xisbiyada Somaliland ka jira aniga aragtitayda ,u malayn maayo in uu jiro, Xisbi ka madaxbanaan ku ololaynta Qabiilka iyo qabyaalada.Xisbikastaaba waa hoosta ka baystan dusha ka shilin .

Waxkasta hadii aan xaqiiqda iyo runta jirta aan laga sheegin ,waxaa yaraan doonta faa'idada iyo rajada laga sugaayo .Inkastoo aynaanba qabiilka iminka qarsan oo aynu shaashadaha iyo Tv-yada la taganahay "hadii aanu reeeeeeeeer hebel nahay " hadana in la is bararujiyo meesha ayay ku jirtaa.

Saansaanka guud ee xisbiyada Somaliland marka aadan si xeeldheer u eegin,waxa aad u malaynaysa in ay yihiin xisbiyo la jaan qaadi kara kuwa dunida maanta ka jira ,waa marka aad wax ku qiimayso oo kaliya ,Calamada iyo astaamaha xisbi la moodka ee ka muuqata dhoolatusyadooda;Hadaba qofkii aan si xeel dheer uga warhaynini waxa uu u qaadanayaa in Somaliland ay ka jiraan xisbiyo xor iyo xalaal u shaqeeya.

Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa ,lamood-se noqon wayday.Beer(sarac) kasta oo aad beerato waxa aad goosataa *INIINTII aad ku riday wixii ay ahayd .Hadaynu xisbiyada Somaliland ku aba'binay kuna ab-qaalnay siyasad ku jaan iyo jeegaba go'an Qabiil,ma saxbaa in aynu ka sugna in ay onoo soo saraan dawlad qabiil iyo qolo-qolo ka madax banaan.

Hadii aad beertaada Hadhuudh ku beerto ,balse saraca kusoo go'aaya aad ka filato in uu noqodo Arabikhi ama canbe iwm,ma og tahay in aad tahay qof aan caqligiisu dhamayn .Ku dhawaad 60 sano ayaynu siyasadeena ku carbinaynay/tababaraynay/shiidaalinaynay qabiil,qolo,reer ilaa jilib ,kadibna waxaa inoo soo baxay dawlad iyo xukuumad ku astaysan Dastuurkii aynu ku jaangoynay ee ahaa ,qabiil,qolo,reer iyo ilaa jilib.

Tusaale ; Qofkasta oo inaga mida marka uu xanuusado,waxa uu u tagaa dhakhtar si xanuunka looga daaweeyo;dhakhtarku marka uu qofka bukaanka ahi u yimaado isaga oo aan waraysan ,waa ay adag tahay in uu markaaba Daawo isagama qoro.

Waxa laga yabaa in qofka bukaanka ahi aanu garanayn xanuunka hayaa meesha uu ka imanaayo, iyo waxyabaha keenaaya,balse bukaan-socodku waxa uu dhakhtarka la socodsiiyaa waxyabaha uu dareemaayo iyo sida loo hayo ,haday xumadi jirto,hurdo la'aani jirto iwm;intaasi wixii ka danbeeya dhakhtarka waxa uu baadhis dheer ku sameeyaa wixii keenay xanuunka.

Baadhista dhakhtarku waxa laga yaabaa aakhirka in ay soo saarto cudurkii rasmiga ahaa ee keenayay hurdo la'aanta,madax xanuunka iwm,intaasi wixii ka danbeeya dhakhtarku waxa uu qoraa dawadii,kadibna waxaa meesha ka baxa cudurkuu guud ee sababta u ahaa xanuunada yaryarka ee ee uu bukaan socodku dareemaayay.

Hadaba waxa aan tusalahaa usoo qaadanayaa,dhibatoyinka faraha badan ee aynu dareemayno ee ay kow ka tahay maamul xumadu,eexdu,hurumar la'aanti iwm waxa sabab joogta ah u ah ,habdhiska dawladeena ee markasta ku salaysan Qabiil iyo qolo qolo.

Hadiiba Xisbiyadii la islahaa iyaga ayaa qabiilka Dhakhtar u noqonaaya,soona celinaaya nidaam deegaamaysi iyo gobalaysi ku salaysan ,balse ay maanta noqdeen kuwa xanuunka iyo bakteeriyada qabiilkaba kobcinaaya,waa ay adag tahay in qabiil iyo qolo-qolo laga baxaa ,waana ayaan darro wayn.

Xisbiyada waxa la fulayay in ay dadka iyo dalka ka saraan qabiilka iyo qolo-qolada.Ilayn qofna kuma siiyo waxaanu haynin ;waana sababta keentay in dadka Somaliland jidkii xisbiyada loo maraayay ay ka marin habaabeen.

Nolosheenii hore ee reer guuraanimada ,waxa aynu waxkasta ku cabiri jirnay Qabiilka,reerna ma uusan degi jirin dhul aan qabiilkiisu deegan u ahayn, ama aanu awood buuxday ku lahayn.Haddii aad tahay reer ama qoys deegan ku ah meel aanay qabiilkiisu degenayn ,waxaa loo bixin jiray magac cusub oo lagu garto sida LAYAALLE,kaba soo qaad in aad reerka inan(gabadh) ka qabto, iyana waxa laguu bixinaya astaan aad kaga soocan tahay reerka inta kale oo ah ,INAN-LAYAAL;labadaasi halku dhig waxa ay calaamad iyo cadayn u yihiin in aadan ahayn qabiilka meesha ku awooda badan ama deegaanka ku ah.

Xisbiyada laftooda waxaa xaqiiq biyo-kama-dhibcaan ah, haddii aynaan been isu sheegayn, in ay wali qaabkaa reer guuraanimada ay u dhisan yihiin.Waxaa kaloo jira in Xisbiga laftiisu uu hadana sii kala qayb san yahay,hadba inta aad qoys ahaan isu jirtaan musharaxa xisbiga ayaa laga yabaa in ay noqoto awooda aad xisbiga ku leedahay;waana mida loo bixiyay MUSDANBEEDKA.

Musdanbeedku wax kale maaha, aan ahayn ,cid shirka iyo madasha mamulaysa balse aan markasi goob joog ahayn,taasina waxa ay ku tusinaysaa khiyanada iyo cadalad darada lagu dhaqaayo xisbiyada.

Siyaasiyintu dadka iyaga ayaa qabiilka kala dagaalama una diida ,taasina Somaliland waa ay beenawday ,waanay shaqayn wayday,sababta oo ah ,siyasigii waxa uu taagan yahay "tolaay tolaay tolwaayay" tolkiina waxa uu u dhag-raricinaya qayladhaanta siyasigooda kasoo yeedhay.

Siyasigii waxa uu qabiilkiisii ka dhaadhicinayaa in uu dhisayo xisbi uu reerku iska leeyahay,waaxanu ku beer laxawsanayaa hadalada ay ka midka yihiin "ila dhisa Xisbigeenii/Xisbigiinii/Xisbigaygii ,kadibna waxa ay u qalab urursanayaan sidii ay u dhisilahayeen xisbigaa loogu sheegay in uu yahay wax ay ayagu iska leeyihiin sida Dukaanka.

Intaasi wixii ka danbeeya qabiilkii waxa uu guntiga dhiisha iskaga dhigayaa, sidii ay qadhaan iyo lacag ugu ururin lahayeen, xisbigaasi ay u maleeyeen in uu yahay mid mulkiyadiisa iska leeyhiin ,balse ma oga in si dadban ay u samaynayaan xisbi uu shakhsi gaar ahi iska yeelan doono.

Hadiiba uu soo baxo ninkii la qabiilka ahaa,suura gal ma tahay in qabiilkii iyo qoladiisiiba uu si gaar ah wax ugu qabto? xaasha taasi waa ma dhacdo; hortaa jiraba waa .

Su'aal ? qabiilkii naf iyo maalba dul dhigay xisbiga ama madaxwaynaha ,maxay ayay faa'iido heleen hadiiba madaxnimadii ay qabteen ? waxa ay heleen aniga rayigayga:-

1.Doodaha fadhi ku dirirka oo ay kaga faanaan!

2.Ku catawga iyo ku cel cilinta dalka iyo dadkaba anaga ayaa haysana!

3.Difaaca iyo taagerada ay TV-yada la taagnadaan iyaga oo aanay jirin wax gaar ah oo ay ku qabaan.

4.Ka cadhaysiinta beelaha kale ee ay walalaha yihiin!

Waxa laga yabaa xisbigan uu ninkan siyasiga ahi uu qabiilkiisa ku beerlaxaysanaayo, in aanay suuragalba ahayn in uu qabiilkiisa sida uu sheegaayo ugu wada adeego,taas waxa daliil iyo tusaale u ah,qabiilka ninkan siyasiga ahi uu ka dhashay ,asal ahaan maaha kuwo iyagu meel wada yaala ama *tunbul(koox) isu urursan ,waxaa dhici karta in gobolada wadanka oo dhan ay ku kala firidhsan yihiin.

Siyasada xisbiga xalaasha ah , waxa sideedaba astaan iyo calaamad u ah ,wax layidhaa Deegaan ama Gobol ; hadba intii magaalo ama gobol wada taala ayaa isku ujeedo iyo isku baahi wada ah .

Tusaale ahaan:Haddii aan deegaan ku ahay magalada Hargaysa ,balse aanu isku qabiil iyo qolo nahay dad iyagu deegan ku ah magalada Ceerigaabo,waxaa hubaala in aanu ku kala tagsananayno nolosha dhamaanteed isku baahina aanan noqonayn.

Waxaa dhici karta in reer Ceerigaabo siyasadoodu ay ku wajahan tahay ,in ay helaan wadooyin iyo cafimaad ,balse waxa suura gal ah in Hargaysana ay u baahan tahay biyo ay cabto ,halkaas waxa kaaga cadaanaya in labadii qof ee isku qabiilka ahaa ay ku kala duwan yihiin baahidoodii deegaan,waana mida i tusinaysa in aanu markasta isku siyaasad noqono cidda aanu isku deegaanka nahay ee aanaan isku qabiilka ahayn.

Balse qaabkan iyo astaantan ay xisbiyadu maanta u samaysan yihiin waxa ay ku qotomaan ,qabiil iyo Ilmaadeernimo igu dooro;"hadiiba aan ilmadeer nimadii kugu doorto,kadibna aad soo baxdo,waa maxay waxa aniga ii gaarka ee aad ii qabanaysaa *Inadeerkayoow?misse wali waxa ay noloshu ku salaysnaan doontaa taydii hore,oo waxa aan la dhibaato iyo dheefba ahaan doona dadkii deegaanka ee aanan isku qabiilka ahayn;haday sidaasi tahay Ilmadeernimadii maxaan ka faa'iiday? ???

Hadii aan si kale u asteeyo xisbiyada Somaliland,waxa aan isleeyahay waa isugu faan iyo is-faantaarin,waa tartan iyo isu aweed sheekasho qabiil,waa i arkaay iyo maqlaay.Waxa kaliya oo ka faa'iidaana waa koox iyo guruub siyasiyiin ah,kuwaasi oo dadka intooda kalana danahooda ku fushada.

Jidkii iyo wadadii boqolka sanadood lagusoo jabay, walina aan natiijo iyo horumar aan lagu gaadhin, ayaynu kolba ku noqonaynaa. Waxa aynu dhaaminaynaa weel gunta ka daloola, wadadaasi iyo jidkaasi halawga ah in la qaado waxa masuul ka ah, siyasiga calooshiisa u shaqaystaha ah ee doonaaya in uu dadka iyo dadla ku dulnoolaado.

Adhi daasad kama ilbaxo,waa maahmaah Somaliyeed ,hadii aad adhiga marka aad kaxaynayso ama aad duubayso aad daasad iyo qalax-qalax aad u tunto ama aad u garaacdo, waligii is odhan maayo daasadan maalinkasta waa laguu tumaaye maxaad uga ilbixiwayday :dadka Somaliland kama duwana adhigaasi lixdankii daasadii loo tumaayay ayaa qarnigan aynu ku jirnana loo tumayaa,waxaana tumayaa waa isla siyasigii oo hadba magac gooniya la imanaya ,shaadhkana kolba soo badalanaaya.

Ugu danbayntii haddii aynaan badalin dhaqanka Xisbiga iyo Qabiilka aynu is *barkinayno,waxa aynu ka dhaxalna waxa uu noqonayaa in shalay halkii aynu maraynay aynu marba dib ugu noqono inaga oo dayaysan.

Iftiinkacusub.com


W/Q:KHadar Ibrahim Aar.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire