SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ajiyow marka aad Timaha Xiiraysaan waa shaqo sharafle ,marka ay Gabooye xiiraanna waa shaqo ceeb ah?

INTAANAN HOOS U DHAADHICIN WAXAN DOONAYA AKHRISTOOW DOODEYDA QODOBKA GUURKA MARNABA IIGUMA JIRTO ,SABABTOO AH QODOBKAASI WAA QODOB RUNTII DHIILADIISA LEH LAGANA XAL GARI MAAYO EE AYNU KA HADALNO DOODA KALE ,XAQIIQIYAN GUURKA ANIGU WAXAAN QABAA INAANEY MARNABA WAKHTIGAN XADIRKA AH XAL BA KENEYNIN EE ,OODA DHACMEED SIDEY U KALA SAREYSO AYA LO GURAAYE ,WAXA KA HOREEYA AYNU KA DOODNO ,

AKHRISTOOW ,,JULY 2006, AYAAN IMID DALKA CANADA MUDO BIL KU DHAW MARKAN JOGEY AYAN WAXAAN INAMO SAAXIBADAYA WEYDIIYEY MEELAHA RAYIISLE AH OO AAN TIMAHA ISKAGA JARO ,KA DIIB WAXEY II SHEEGEEN MAGALADAN AAN DAGANAHEY INAANEY JIRIN RAYIISLE SOOMALI HEYSATO , OO AY YIRAAHDEEN WAXA KUUGU DHOW MAGALADA TORANTO OO SAACAD KU DHAWAAD MAGALADAYADA U JIRTA ,KA DIIB MAALIN AYAN TAHEY TORANTO OO LEYGEEYEY RAYIISLEH SOOMALAIYA ,MARKII AAN DDANAHEYGII DHAMEYSTEY AYAAN SHAQALIHII LA KAFTAMEY OON ILAA HOOS ULA KAFTAMEY UNA WAREYSTEY ,ILENBA WAA NIMANKI ,GOBTA, NOOGUBA FAANAYAY , INTAAN QOSLEY AYAN KU IRI WAR WAABA ILAHEY MAHADIIYE ALEYLEHA DHAXAAN TIMO IDINKA XIIRNEE ,SOWMAANTABA MIDGAANKII UMEYDUUN XIIRIN , RUN AHAN WAXAAN ISLAHA WAXBADAN AYAAB IS BADALEY BALSE ,AKHRISTOOW HALKAASNA DHAQAALE DARNI AYAABA BEESHII SOO WAJAHEY ,KKKKKK

TANKALE ,FEB. 2006, , AYAN TAGEY MAGALADA HARGEYSA ,IYADOO WALIBA AY WADANKA IIGU DANBEYSEY ,1986, MUDDO BADANA AAN KA MAQNA WADANKA ,WAXAAN MALIN MALMAHA KA MIDA U BAAHDEY ANIGOO SUUGA HARGEYSA JOGA MEEL MUSQULA ,MARKAS AYAAN WEYDIIYEY MEELIHII XAMAAMADII ANU ANAGU KA SHAQEYSNJIRNEY ,WAXAAN WEYDIIYEY INAMADAN WADA SOCONEY OO AAN KU IRI WAR XAMAM AYAAN U BAHANEE IGEEYA XAAMADEENII SUUQA KU YAALEY , WAXAAY II JAWAABEN INAMADII ,WAR XAMAMKAA DHACYE SOWTA LLALA WAREEGEY XAMAMDA ,MARKAAS WAXAN U QAATEY INLA BUR BURIYEY OON XAMAAMBA JIRIN ,

WAXAAN IRI WAR HADA MA MA JIRAAD LEEHDIHIN, WAR MAYA WEY JIRAAN EE INAGA AYA LEYNAGALA WAREEGEY OO DADKALE AYABA WADA HEYSTO ,OOYAA HEYSTA AYAN IRI MARKAA , DEE WAXA HEYSTA ,NIMANKII GOBTA AHA ,WARBAL HORTA IGAAYA AYAN IRI ,MARKII AAN TAGEY ,AYAN AAD UGU FARXAEY IN HORTA LA FAHMEY INAANEY SHAQO CEEB LAHAYN ,BALSE KU DARSOO HORTA HALKAA XAMAMADA AKHRISTOOW BEESHII GABOOYE AMA MIDGAAHA AHA DHAQALO BURBURBA KAGA SOO KORDHAYE OGOOW,KKKKKK,

WAXAAN KALOON TAGEY SUUQII WEYNAA EE SARIBADII HARGEYSA EE HILIBLAHA ,WALEE MALAH DADKA KA SHAQEEYAA HILIBLAHA SARIIBADAHA HARGEYSA KUMAANKUN KA BADAN ,INTA MAANTA BEESHA GABOOYE KU JIRTAANA WALEE INAANEY LABA BOQOL OO QOF GAAREYN ,HALKAASNA DHAQQAALE DARNI BA IGA SOO GAARTEY ,

HADABA SOOMALAIYYEY WABAAD LABA WAREEGTEEN SHAQADAN AAD CEEBTA NOOGA DHIGEYSANE EE AAAD LEHDIHIIN WA LAGA FAANAYE ,WAXAAD II KALA SARTAAN ,

MIYAAD NAGA ERYANEYSAAN SHAQADA MISE ,MARKA AYDUUN IDIINKU KA SHAQEYNEYSAN CEEB MAHAN OO WA DHEEMAN ,KKKKKKK

BAL AYNU SII KAFTANA HILBIHII AY ,GOBTU AMA AJIGU ,AY ORAN JIREEN WANU KA CAAGANAHEY ,OO WAXAA CUNA MIDGAHA AMA GABOOYAHA ,MA OGTIHIIN INEYDUN MAGACYO CASRIYA U BIXISATEEN , SIDA MADAX , WAXABAD U BIXISEEN ,LUFTANSA , MINJIHIINA , KA RAACIIN ,CALOOSHIINA ISBISHAL FOOD, ALLAH ,ST,AYAAN KU DHAARTEE MAGALADA HARGEYSA ,SALAADA DUHUR KA DIB HUDHEELADA CUNTADAS SAMEEYA INAANAD KU GAAREYNIN , , KKKKKKKKKK,

WALALAHEYGA AJIGA AMA GOBTA AHOW MA WAXAAD LEHDIIHIN,( BAKHTIGA MA CUNEE FUUDKIISA AYANU CABNAA )

GUNTII & GABABA GABEYNTII

WAXAA IGA SU AALA, SHAQOOYINKAN AYDUUN KA SHEGEYSAN IN LAGA FAANO DEE ,AJIYOOW ,WAABAD LABA WAREEGTEENE WAXAAD IGA QANCISAN ,

=S=MA MARKUU AJIGU KA SHAQEYNAYO WAA SHAQO SHARAF BADAN ,MARKUU MIDGUHU AMA GABOOYUHU KA SHAQEYNAYANA WAA SHAQO LAGA FAANO OO XUN ,MISE WAABAD IGA ERYANEYSAANBA SHAQADABA ?

DOODUNA INOO FURAN ,

WABILAHI TOWFIIQ

QORE (BARKHAD XAAJI CABDI ,MR GABOYE)

ONTARIO, CANADA

EMAIL=abokoriye1@hotmail.com

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire