SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Arxan Hooyo.

Maad dhalateen oo ifka adigoo karamadaas leh maad timaadeen, waxaad ku timi idanka Ilaahay oo suuragal lagaga dhigay waalidkaa, gaar ahaan hooyada oo dhibaato badan u xamishay in aad ifka timaaddo.
Dhibaatada ugu yar ee hooyadu kuu xamisho waa inta aad uurkeeda 9 bilood ku jirto amma 283.4 maalmood amma 40 toddobaad, sababtoo ah waxa ay u adkaysata xannuuno badan oo la soo darisa, culayska qofka iyo waliba iyadoo cuntada aad ka quudato mandheerteeda, dhiigeeda iyo dhacaankeedana aad la qaybsato.

Xannuunada uurku wato ee ay ka mid yihiin dhiig-karka, madax-xannuunka, garaaca uur-ku-jirta iyo bararka waxa ay ugu adkaysata rajo ay ka qabto ubadkeeda.

========================

Uma aabbo yeeshid oo waxaad la dhacda haraati si aad calooshada ugu raaxaysato, una dhaqdhaqaaqdo, naxariisna qalbigaagu ma yaqaan, laakiin waa ta ay sugayso in aad u yeelato ood xasuusato hoygii adduunyada aad uga timi inuu yahay uurka hooyo, sababtoo ah nooluhu waxa uu ku soo horreeya baro amma hoy ah uurka hooyada, kadib waxa uu u soo gudba adduunyada, waxaanna ka gala iilka oo muqaal ahaan uurka hooyada metela.

Marka uu qofku uurka ka soo baxo ee hooyada iyo ilmaheeda Ilaahay kala keeno, foosha xannuunka kulul ee marka ay qabato laba adduunyo qarka u saarnaato in ay geeriyooto iyo in ay sii noolaato, waxa isla markiiba ay ilawda xannuunkaas oo ilmaheeda ayey dhunkasho la beegsata, iyadoo faraxsan, naaskana ku duda, laga yaaba in aanay cuntaba haleelin.

========================

Yey kula fududaan caana naasku, sababtoo ah waxa soo saara hormoono hooyada jidhkeeda ka soo go’a, tusaale ahaan labada hormoon ee kala ah prolactin iyo Oxytocin. Marka ugu horraysa ee ilmuhu dhasho hooyadu waxay soo saarta dambar (colostrum), kaasoo ay aad ugu badan yihiin maadooyin ilmaha u fududeeya inuu cudurada iska difaaco iyo waliba ilmuhu inuu yeesho dheecaanada dheef-shiidka.

Cilmi-baadhisaha caanahan qiimaha badan laga soo saaray waxa ay iftiimiyaan in ubadka ay ka difacaan xannuuno yaraanta ku haleeli lahaa, nafaqo iyo koriin badana siiyaan.

Caanaha naaska marka laga yimaado dhawrka sanno ee u horreeya ilmaha waxa ay ku qaada dhabar, waliba waxa ay ilawda dhibaatooyinka haysta iyo hagar daamooyinka soo wajaha, waxa laga yaaba in ay halis badan u babac dhigtay sidii ay u badbaadin lahayd ilmaheeda.

Marka uu koro ilmuhu jacaylka ay hooyadu u qabto ma baaba’o oo waxay la daba taagnaata jacayl keena in ubadka uu dhalo xataa ay ka sii jeclaato, jacaylka xad-dhaafka ahna uu keeno in uu ilmuhu karaahiyeysto, haddii aan qalbigiisu fayoobayn.

========================

Islaamku halka uu gaadhsiiyey hooyada waa meel aan cid ka soo daadejin kartaa jirin, waxaana daliil inoo ah Suurada Axqaaf, Aayadeeda 15aad oo ka hadasha dhibta hooyadu u soo samirto iyo ixtiraamka looga baahan yahay , waxaanay fasiraadeedu tahay; "Wax aan farnay bani’aadamka in uu si fiican ula dhaqmo waalidkii. Hooyadii waxay u samirtay adayg iyo dhibaato, waxaanay ku dhashay xaalad adag, inta uurka ay ku sido ilaa inta uu cuntada ka quudanayaana waxa ay dhan tahay 30 bilood."

Sidoo kale, Nebi Maxamed (NNKHA) waxa uu xadiiska saxiixa ah ee Bukhari iyo Muslim kutubtooda ku jira ku iftiimiyey, kadib markii ninku waydiiyey cida xaqa ugu leh in saddex xaq oo hooyadu leedahay marka la guto aabbaha lagu xigsiinaayo, kadibna cida kale ee qaraabada ah.

Ma koobi karno xaqa hooyadu leedahay, macnaheedu maaha in hooyada oo kaliya aad ixtiraamka siinayso, balse haweenka oo dhan waxa ay mudan yihiin ixtiraam.

========================

Maansada Hadraawi ee Hooyooy La’aanta laftarkeeda waxa ay falsafad ahaan ifinaysa in koomkan aynu ku noolnahay hooyada la’aanteed aanu jireen, tusaale ahaan aabbaheen Nabi Aadan waxa hooyadeen Xaawa loo raaciyey in ay taranto oo ummad ka beeranto, kadibna tafiir amma jiil ka jiil ku abtirsadaan. Bal dhawrkan tuduc ee maansada u fiirso oo maskaxdaada eeg nuxurka ay xambaarsan yihiin:

Hooyoy la’aantaa, adduunyadu hubaashii

habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleen

Dadku uma hayaameen

Dayax heego joogoo

sida haad ma fuuleen,

Xiddig hawd ka lulatoo

hawo laguma gaadheen,

Hubka laguma tuureen

cirka hirar ka muuqdoo

Ruuxaad hagaysiyo

Usha midaad u haysaa

Hilin toosan waligii

ka habaabi mayee

Hooyoy addoomuhu.

Halkay maanta joogaan

adigow horseedee.

Intaad hanad xambaartee

Haaneedka siisee.

Horaaddada jaqsiisee

Habtay baan xisaab iyo

Tiro lagu helaynine

Dhinaca kale, hooyadu waa hoyga aqoonta iyo barbaarinta afka ilmaha, haddii aanu hooyo helin waxa uu noqda qof aan si fiican u barbarian, aqoona fiicana aan helin, Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" Maansadan waxa uu ku ifiyey miisaanka aqoonta hooyadu ku leedahay iyo sida loogu dego halka ay joogo:

Hooyoy la’aantaa

Higgaad lama barteenoo

Hooyoy la’aantaa

Hadal lama kareenoo

Ruuxaanad habinoo

Kolba aanad hees iyo

Hoobey ku sabinoo

Hawshaada waayaa

Hanaqaadi maayee

Hoygii kalgacalkee

Naxariistu hadataay.

========================

Haddaba, qormadaydan kooban waxa igu kalifay warbixin aan ka daalacday degelka links yahayhttp://www.aljazeera.com/blogs/africa/2015/08/women-horror-rape-stories-south-sudan-bentiu-150808222140831.html. Waxa ay ahayd warbixin ay qortay suxufiyad la yidhaa Natasha Ghoneim cinwaankeeduna ahaa "Women’s horror rape stories in South Sudan’s Bentiu" oo tabanaayey dhacdooyinka foosha xun ee kufsiga ah ee lagula kaco haweenka Koonfurta Suudaan.

Qormadan waxa ay si toos ah u taabanaysay (Human story) laba haween ah oo ka turjumaayey xannuunka lagu hayo hooyin wayeel ah, tusaale ahaan waxa ka mid ahayd labada dumar ah gabadh la yidhaa Anna oo ka qaxday tuulo la yidhaa May oo Koonfurta Suudaan ah, da’deeduna 50 jir ah, iyadoo sheegtay in askarta Koonfurta Suudaan ay magaaladay deganayd dadkii ku noola, gaar ahaan haweenkii sida xoolaha ula dhaqmeen.

========================

Hooyadan waxa ay sheegtay in ay dileen saygeedii, kadib markii uu isku dayey inuu badbaadiyo xoolo lo’ ah oo ay haysteen, sababtoo ah lo’du Koonfurta Suudaan waa shayga amma hantida ugu qiimaha badan ee ay ku fannaan.

Waxa ay si qiiro leh u sheegtay in ay toogteen ilmo lix jir ah oo ay Aayo u tahay oo sariir hurday, iyada iyo gabadh ay dhashayna askar tiro badan kufsadeen, isaga kaceen oo kolba mid kufsanaayey, kuf wadareedna lagula kacay, kadibna markii ay xad-gudubkoodii dhamaysteen, dhammaan hoygii iyo guryihii ay adduun ka eeganaayeen ka gubeen.

Hooyadan waxa ay tilmaantay in muddo 5 maalmood ah kufsigaas ku socday, kadib markii hoygeedii laga gubayna ay 6 ubad ah oo ay dhashay muddo toddobaad ah la dheemaalaysay si ay u gaadho meel ay ku badbaado oo ay cunto iyo wax ay dhuunta mariyaan uga hesho.

========================

Geesta kale, waxa ku jirtay warbixinta haween doontay xaabo si ay cunto qoyskooda ugu kariyaan, gaar ahaan ubadkooda oo askar cidlo ka heshay, kadibna kufsi kula kaceen, cid ay uga cawdaana aanay helin.

Maskaxdaydu waxay is waydiisay su’aalo badan, markasaan haddana xasuustay dhacdo aan goob-joog u ahaa Hargeysa ka dhacday;

"Waxay ahayd goor habeen badhtankii ah, gaar ahaan waqtiyadii qaboobaha, qof kasta ugu yaraan wuxuu xidhna funaanad iyo koodh, haddaanu saddexaysanba. Waqtiyaas waxay ahayd 2006kii aadna waxa u dhacaayey qabawga dheelka la yidhaa ee jidhka ku dhega, lafahana soo taabta.

Waxa indhahaygu qabteen hooyo wayeel ah shalmad aan huwanayn, kabo la’, anigoo u haysta in maankeedu aanu dhamayn, ayaan soo gaadhay, kadib waxa aan arkay in ay daba socoto wiil aan ku qiyaasay 15 jir, kana daba calaacalayso, waxa hadaladeedii ka mid ahaa; "Hooyo dhaxanta yaad oof ka qaadine kaalay, yaad qaaxo kugu dhicin…Alla hooyo…"

Anigoo yaaban oo maskaxdaydu is waydiinayso ayadu miyaanay qaaxo qaadayn, baan haddana xasuustay hooyonimada iyo samirka ay leedahay, wiilka kamay qasnayn, waxa uu ku jawaabay hadalo ilaa hadda maskaxdayda aan ka bixin; "Naga hadh maad naga lulata waad na daba cararayaa uun ilaa waligaaye….Gacantaydaad ku baxaysa waad dhimayn waydee," waxay ugu jawaabtay; "Alla haddaad doonto I dilo kaalay dhaxanta uun ka xarood oo cashee…"

Hooyadu waxa ay guda in gaal iyo islaam la ixtiraamo, waayo Bible laf ahaantiisu waxa uu hooyada gaadhsiiya darajo ah in ay tahay nolol bixiye, waxaannu ka mabnuuca in lagu caasiyo.

Afku kama qisoon karo inuu, sheego amarkeede

Axwaalkeeda quraankaa akmilay, aynigay tahaye

Addimadeeday hoos taal jannadii, udugga weynayde

Addeeceeda iyo kii allaa, lays ag dhigayaaye

Saddex darajo aabaha ka weyn, waanad aragtaane

Koomkaan allihi uumaybaa, aayadaa yiriye

Rasuulkuna ishaarada ku sheeg, aynigay tahaye (SCW)

Eedaadka dhibkay soo martiyo, urugadii taaha

Wallacay rafaad uurka guba, la anfariirtaaye

Ubucday ku qaaddaa sagaal, bilo ayaameede

Fooshii inkaarnayd wadkay, iil qarkii tagiye

Sakaraadkay aragtaa xanuun, la alwanaysaaye

Miyirkiyo xiskeedaa ambada, arami kaarkiiye

Markii eebbe kala keeno oy, oohintaa maqasho

Farxad aan idlaanbay kalgacal, kugu iqbaashaaye

Ibtilooyinkay soo martay, wada illowdaaye

Ibihiyo waxay kuu dhigtaa, naas irmaan jaqide

Markaad oydo kuma eegatee, aamus bay dhihiye

Araxdoy ku saartiyo heesahay, kugu ammaantaaye

Qosalkaagu goortuu u baxay, oogsataa faraxe

Gabaytan waxa hal-abuuray Xasan Bulxan Cali, waxaana la yidhaa "Hooyo Macaan."

Hooyo Macaan

Dunidu way kala duwan tahay oo waxaynu ku nool nahay ba’ad islaamnimadu aad ugu xooggan tahay oo dhaqanka ka jiraana yahay mid waalidka la ixtiraamo, balse hadda waxa waayad dhacay dhaqan gedis aad u culus, ahmiyada waalidnimana loo baahan yahay in si fiican loo fahmo.

W/Q: Ibraahim Khadar Siciid

(ibraahimkhs@hotmail.com)

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire