SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dawlad iyo Xukuumad.

Dawlad (state): waa eray Afka Carabiga ka soo jeeda, waxaana Afka Soomaaliga lagu oran karaa; dal. Dawlad ama dal waa dhul weyn ama yar oo leh seere la aqoonsan yahay, calan, madaxbannaani kooban ama buuxda iyo dad deggan dhulkaas. Waxaa dhici karta in dalku ka koobmo dalal ama dawlado ku midoobay hal hab sida kan fedaraalka, markaasna dalalku waxay yeelanayaan madaxbannaani kooban. Dalalka haysta madaxbannaani dhammaysa waxaa loogu yeeraa: "sovereign states".

Waxaa jira aragtiyo ka la duwan oo ku soo saabsan qeexitaanka dawlad/dal (state), waxaana kamida:

1- 26-kii bishii 12-aad, 1933-dii waxaa shirweyne lagu qabtay magaalada Montevideo ee Dalka Uruguay, kaas oo loo baxshay; Shirweynihii Montevideo ee Xuquuqaha iyo Waajibaadyada Dawladaha. Waxaa shirweynahaas la is la gartay in xeer caalami ahaan, loo baaahan yahay in dawladdu leedahay: dadweyne joogta, dhul qeexan, talis (xukuumad) iyo awood ay dawladaha kale heeshiisyo ku la gali karto.

2- Aragtidii Max Weber: urur siyaasadeed ku qasban hoosjoogidda talis awooda inuu si sharciya xoog ugu dhex adeegsado dhul la yaqaan.

In kastoo marar badan loo adeegsado erayga dawlad halkii xukuumadda, haddana mucda laba eray waa ka la duwan yihiin

Xukuumad (government): in kastoo dad badan markay Afka Soomaaliga ku hadlayaan ama qorayaan eraygaas Carabiga adeegsadaan, haddana waxaa eraygaas Afka Hooyo lagu oran karaa; talis ama maamul. Talis/maamul waa agaasinka arrimaha dawladda ama dalka, bulsho meel joogta iwm. Marka laga hadlaayo agaasinka ama maaraynta dawladda waxaa maamulku ka koobmaa seddex laamood; xeerdejin (legislation), fulin (executive) iyo garsoor (judiciary). Marka si kale loo yiraahdo xukuumaddu waa awoodda dawladda ama dalka siyaasadaha u dhigan meelmarisa waana awoodda samaysa siyaasadahaas laftooda.

Laanta xeerdejintu waa golaha xildhibaannada e, iyagaa dejiya xeerarka dalka lagu dhaqaayo ama ansaxiya. Laanta fulintuna way meelmarisaa iyadoo adeegsanayasa hab kasta oo lagu fulinaayo hab-dhaqameedyadaas. Laanta garsoorku waa tan isha ku haysa hawlaha labada qeybood oo kore, waana tan ka dhawrta xeerarka jawrfallada, is la markaasna hubisa inaan sharciga dalka madax iyo minjo dhinacna ka weynaan.

Maamulka dawladdu ama dalku waa xubno dadweynaha dalka kamida oo loo xilsaaray inay agaasimaan arrimaha dawladda, waxaana shaqaysiiyay is la dadweynaha dalka.

Marka si kale loo yiraahdo; haddii qoys meel deggan oo hanti fiican haysta uu u baahdo shaqaale wuu qortaa shaqaalahaas, markuu doonana shaqada wuu ka eryaa, sida marka shaqaaluhu dayaco hawshii loo idmaday ama uu xado. Haddaba dadweynuhu iyagaa qorta shaqaalihii u adeegi lahaa, hadday xadaan ama dayacaan hawshana wuu eryayaa.
W/Q.Cabdi Aadam.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire