SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Khatarta Cawrida ha fudaydsan.

Cawrida ama ishu waa xanuun ka mid ah xanuunada binii aadamka, gaar ahaan dabaqada hoose ee bulshada aad ugu badan. Waa cillad aan si toos ah loo dareemi karin, loona fasiri karin. Waana xanuun in la maleeyo maahee aan shaybaadh sax ah lahayn. Qaababka loo daweeyo, oo bulshooyinka dunidu ku kala duwan yihiin, waxay u badan tahay dawo dhaqameed ama diimeed hab nafsaani ah loo daweeyo.

Qeexitaanka cawrida (isha): waa saamaynta isha leedahay ee taban. Markaan soo koobno waxa looga jeedo kelmedda cawri waa saamaynta isha binii aadamku ku leedahay waxyaabaha ay arkayso ee ay u saamayso si taban. Sababta ishuna waxaa la yidhi waa ka helitaan iyo la cajabid xaasidnimo ku dheehan tahay.

Isha iyo Diinta

Quraanka waxaa ku soo arooray dhowr aayadood oo si dadban looga fahmayo in ishu saamayn leedahay.

1. Allah wuxuu yidhi: "Waxay sigeen (gaaladu) inay kugu legdaan indhohooda". Suuradda Qalinka, 51.

2. Markuu Alle ka waramayey Nebi Yacquub isagoo wiilashiisa la hadlaya wuxuu yidhi: "Ka gala albaabo kala gedisan (markay masar gelayeen)". Suuradda Yuusuf, 67. Alle na wuxuu ku macneeyey hadalkaas Yacquub inuu ahaa: "Dan naftiisa ku jirtay". Waxay culimada Quraanka fasirtaa ku sheegeen dantaas Yacquub niyadiisa ku jirtay, inuu wiilashiisa uga baqayey in la cawryo ama la ileeyo.

Axaadiista waxaa soo arooray axaadiis badan oo isha wax ka sheegaya, ama saamaynteeda laga fahmayo, waxaa ka mid ah:

1. Waxaa laga weriyey Sahal Binu Xaniif:

"Nebiga SCW ayaa u soo baxay dhinaca Makka, isagoo la socda, illaa uu ka soo gaadhay Laagta Al-Kharaar, ee ka tirsan Al-Jaxfa. Kadib waxaa qubaystay Sahal binu Xaniif wuxuuna ahaa nin cad oo qurux badan. Kadib ayaa waxaa fiiriyey Caamir binu Rabiica mid kamid Cadiye binu Kacab isagoo qubaysanaya, wuxuuna yidhi: "Maan arag kanoo kale, jidh gabadh ugub ah na ku dhohoo!" Dabadeed waxaa dhacay Sahal. Kadib ayaa waxaa loo keenay Rasuulkii Ilaahay SCW, waxaana lagu yidhi:

Rasuulkii Ilaahayow dawo ma u haysaa? Sahal madaxa kor u qaadi maayee. Rasuulkuna wuxuu yidhi: Cidna ma tuhmaysaa? Waxay dheheen: Waxaa fiiriyey Caamir binu Rabiic. Dabadeed Rasuulku wuxuu u yeedhay Caamir, wuuna u cadhooday, wuxuuna yidhi: "Muxuu mid idinka mid ahi walaalkiis u dilayaa!! Maad wixii aad ka heshaan, barakaysaan!" Dabadeed wuxuu faray inuu u maydho, kadib wuxuu maydhay wejigiisa, gamcihiisa, suxulladiisa, ruugagiisa, lugihiisa iyo guntigiisa hoostiisa. Biyihiina wuxuu ku shubay weel. Kadib ayaa Sahal lagaga shubay madaxiisa iyo dhabarkiisa. Kadib Sahal wuxuu raacay dadkii isagoon dhib qabin." Waxaa soo saaray Axmed binu Xambal iyo Maalik.

2. Ibn Cabaas waxaa laga weriyey Ilaahay ha ka raali noqdee, in nebigu SCW uu yidhi: "Ishu waa xaq, haddii qadarka wax ka soo hor mari lahaayeen na ishaa ka soo hor mari lahayd." Muslin ayaa soo saaray.

3. Jaabir waxaa laga weriyey inuu yidhi nebigu SCW yidhi: "Ishu ninka waxay gelisaa qabri, awrkana waxay gelisaa dheri". Waxaa soo saaray, Abuu Naciim, Al-Xilyah 7/90.

Marka la soo uruuriyo waxaan fahmaynaa in daliiladani ay sugayaan jiritaanka isha. Balse sheegista iyo baadhitaankeeda lama xusin. Ugu yaraan waa in aan xanuun kastoo la garan waayo la dhihin waa il.

Dhaqanka Carabta iyo Cawrida

Marka dib loo raaco dhaqanka Carabtii Nebiga SCW ka horraysay iyo waxay ka aaminsanayeen isha, waxaad arkaysaa inay aad u aaminsanaayeen, sidoo kale na, aad ayay uga baqi jireen. Waxaa jiray shakhsiyaad iyo beelo aad ugu caan ahaa wax ilaynta, layskana ilaalin jiray. Sidaas awgeed aaminaadda cawrida iyo jiritaankeedu aad buu ugu xoogganaa dhaqankii hore ee Carabta. Islaamka kadib na aad ayuu uga dhex muuqday dhaqanka aaminaadda ishu, bulshada Carbeed.

Soomaalida iyo Cawrida

Bulshada soomaaliyeed markaad taariikh dhaqameedkeeda baadhid waxaa aad ogaanaysaa inay aad ugu badnayn aaminaadda iyo ka biqidda cawridu. Maahmaahyada iyo suugaanta ayaa daliilo badan looga soo helayaa siday u aaminsanaayeen soomaalidii arrintan ugana cabsan jireen.

Marka taas laga yimaaddo, sida carabtii hore ayaa ay reero, qoysas iyo qofaf gaar ah ku nabi jireen una tiirin jireen inay aad ugu dheereeyaan cawrida iyo ileynta. Kelmedda (yiciis) waxaa loogu yeedhaa afka soomaaliga dadka ama qofka lagu tuhmayo inay dadka kale ka cawri badan yahay waana kelmed maagis ah.

Cilmiga iyo Cawrida

Markaan leenahay cilmi ama saynis waxaan uga jeednaa ama baadhaynaa bal inaan helno, wax fasiraad maaddi ah oo lagu macnayn karo arrintan bulshadu aad ka u aaminsan tahay kuna dhex faafsan. Cilmiga fiisigiska oo ah cilmiga tamarta haddaan ka dhex baadhno, ka soo heli mayno aragti si toos ah u qeexi karta saamaynta isha. Sababtoo ah ma jiraan wax tamar maaddi ah oo ishu soo dayso, isla markaasna la cabbiri karo oo saamaynteeda la caddayn karo.

Dhanka Cilmiga Nafta (Psychology) markaan xal iyo fasiraad uga raadino arrintan, waxaa jirta aragti ka hadasha Awoodda Qarsoon Ee Maskaxda Binii Aadamka. Taas oo ku shaqaysa habka magnedka ama birlamta oo kale ah. Waxay aragtidani sheegaysaa haddii ay jidhka ku badato awoodda taban (-) inay xanuun u keeni karto, sidaas awgeed loo baahan yahay in la dheellitiro. Aragtidan oo ah mid aan qeexnayn isla markaana jiritaanka awoodda ay tilmaamayso aan daliilo xoog leh loo hayn, waxay in uun ka biniixin lahayd jiritaanka saamaynta isha ee jidhka noolaha kale.

Waxaa jirta aragti kale oo aad u xoog badan oo isla Cilmi Nafta lagu diraaseeyo, taas oo ah Awoodda Aaminaadda. Aragtida aaminaadda oo leh tusaalayaal iyo xujooyin badan waxay ku doodaysaa, in ay saamayn leedahay waxa qofku aaminsan yahay, sidaas oo kale haddii ay bataan shaygaas dadka aaminsani uu sii bato awoodda saamayntiisa.

Aragtidan danbe, haddii aynu ku hakano waxaad moodaa inay macne iyo fasiraad ka u samayn karto arrinta cawrida iyo isha. Balse, maaha mid si buuxda u xallinaysa mushkiladda fahankeeda.

Saamaynta Isha

Markaan dhan kale ka fiirino isha binii aadamku waxay leedahay saamayn fara badan, taas oo dhowr nooc noqon karta. Sheeko xariiro soomaaliyeed ayaa dhihi jirtay:

"Waxaa jira wax Qoryo-Is-Maris la yidhaahdo. Qoryo-Is-Marisku waa Binii Aadam geed is mariya. Meel qarsoon oo aan indho dad ka arkayn ayuu isku mariyaa. Dabadeed wuxuu noqdaa bahal. Intaa kadib, wuu soo qadhaabsi taga, wixii uu helo dad iyo duunyo ayuu cunaa. Marka waaberigu sow dhowyahay ayuu meeshii qarsoonayd ee binii aadam arkaynin geedkii isku soo mariyaa, kadib isagoo qof ah ayuu maalintii dadkiisa la hawl galaa. Haddii il binii aadam meel uun ka arkayso marka uu geedka is marinayo waxaa la yidhi u shaqayn mayo geedku. Haddii uu bahal ahaa oo doonayo inuu dadnimada kusoo noqdana dibka ayaan ka go’ayn ayay dheheen".

Markaan sheeko xariiradaas u fiirsano waxaa ku jira hummaag saamaynta isha binii aadamku leedahay ah. Balse waa sheeko xariiro uun, waxa keliya ee aan ka fahmi karnaa waa sida ay bulshada soomaaliyeed u aaminsanaayeen saamaynta isha.

Sidaas si la mid ah marka laga hadlayo cilmiga dad-ka-hor-hadalka (Public Speaking) ka, waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in aad si toos ah indhaha dadku qofka u saameeyaan. Taas oo ay ba yartahay qof aanay saamayn. Cabsida iyo biqitaanka indhaha dadka badan laga baqo waa shay dabiici ah oo qof kasta ku abuuran. Laakiin arrintaas baqdinta indhaha dadka badan laga baqo iyada xalkeeda waxaa farisaad waafi ah, looga helayaa: Aragtida Aaminaadda Ee Cilmi Nafta.

Waxaa jirta arrin kale oo iyana la arkay. Taas oo la xidhiidha wehel-la-joogga iyo cidla-jooga. Qofku markuu qof kale la joogo iyo markuu keligii cidla joogo waa kala dareen iyo feker duwan yahay. Haddaan si kale u dhahno, marka qofka indho dad ujeedaan iyo markuu keligii meel cidla ah joogo nafsad ahaan, fikir ahaan iyo maskax ahaan ba wuu kala duwan yahay. Tusaale ahaan halabuurka iyo wax cusub ka fekerka waxaa saamayn wayn ku leh kelinimada. Oo qofku markuu keligii yahay wuu ka halabuur badan yahay markuu dad la joogo (tijaabadayda shakhsiga).

Arintan danbe laftigeeda fasiraadeedu ma adka; waxaanu si fudud uga soo helaynaa, isla Cilmiga Nafta iyo saamaynta ay isku leeyihiin dareenka iyo fikirku. Haddii qofku baqayo sida uu u fekerayaa waxay ka duwan tahay markaanu baqayn, indhaha dadkana waa laga baqaa guud ahaan.

Gebagebo

Hadaba waxaan aragnay in ay jirto saamaynta isha, isla markaasna daliilo diini ah iyo kuwa maaddi ah ba ay leedahay; arrinta daawaynteeda qaabka xadiista ku soo aroortay na ay tahay qaab macnawi ah, sida in biyo uu ku waysaystay qofkii wax cawryay loogu qubeeyo la cawryaha, iyo in si looga badbaado in lays cawryo la dhoho marka la arko wax aad kuu cajab geliya: "Maasha Allah" si aad u buriso saamayntii ishaada IWM.

Sidoo kale daawa dhaqameedda guud ee binii aadamku iskaga dabiibaan guud ahaan cudurada noocan ah ay tahay qaabab nafsaani ah. Isla markaasna saamaynta arrintani ay ku badan tahay dadka aaminsan ama ka baqa iyo dabaqadaha dhaqaale ahaan hooseeya ee bulshada, marka la barbar dhigo dadka aan aaminsanayn.

Waxaanu ku soo koobi karnaa inay tahay saamayn la xidhiidha aaminaadda qofka iyo qaabka ay maskaxda iyo fekerku u saameeyaan jidhka. Haddii qofku aamino in isha dadka kale ay ku dhacayso, waxay u badan tahay in ay ku dhacdo waxa uu ka baqayo (ishu). Sidoo kale haduu qofku aamino in ishiisu dadka ku dhacayso waxay u badantahay inuu wax cawryo.

W/Q: Maxamed Cabdicasiis Bootaan

Dhanjac: Aljas4me@gmail.com


Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire