SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaa loogu diiday haweenka Somaliland inay garsoorka ka mid noqdaan?

Sanadkii hore waxa loo magacaabay garsoorayaal sharciyaqaano badan oo ka soo qalin jebiyay jaamacadaha kuwaas oo qaatay sanad tababar ah. Garsoorayaashaas oo loo qaybiyay gobolada dalka. Tababarkaas waxa ka qayb qaatay haween ka soo qalin jebiyay jaamacdo. Nasiibdarro, haweenkaas waa loo diiday inay ka mid noqdaan garsoorka oo waxa lagu takooray dumarnimadooda. Waxana laga dhigay kaaliyayaal garsoore. Taas oo macneheedu yahay waxay u noqonayaan xoghayn inamadii ay ka soo wada qalan jebiyeen jaamacada ayna wada qaateen tababarka.

Su’aashu waxay tahay maxaa u diiday? Jawaabta dhabta ah waa mid laga warwareego. Waxanse go’aansaday inaan taas ka hadlo. Ka hor se waxan jecelahay inaan dul maro waxa dastuurku ka qabo in garsoore loo magacaabo haweenka.

Qodobka 8aad ee dastuurka Somaliland farqadiisa kowaad waxay u qoran tahay sidan: "Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman." Qodobkani wuxuu si cad u sheegayaa in dhamaan muwaadiniinta Somalialnd u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka.

Farqadda labaad ee isla qodobkaasi waxay mamnuucay kala saraynta ama tarkoorka nooc kasta oo uu yahay.

Dastuurku, sidaasdarteed, wuxuu siiyay muwaadiniinta sinaan ay u siman yihiin xuquuqda wixii shareecadu mid u gaar yeeshay mooye, sida uu dhigayo qodobka 36 ee dastuurka. Tusaale ahaan dhaxalka.

Hadaba, iyada oo dastuurku xaq u siiyay haweenka in si la mid ah ragga ay qaban karaa xilalka dalka, maxaa keenay in la faquuqa haweenka sharciyaqaanada ah.

Waxa laga yaabaa inaad markaba is waydisoo maxaa Diintu ka qabtaa? Aniga oo an ku odhan waxaasay ka qabtaa, xusuusnow in garsoore iyo wasiir ay isku mid yihiin. Waxaba shaqo iyo hawl badan wasiirka. Hadii Diintu ogolaatay wasiir inay noqdaan, dabcan waad ogtahay inaanay jirin Aayad ama Xadiis si gaar ah uga hadlay garsooore.

Markaas in wasiiro iyo shaqooyin kale loo ogolaado haweenka loona diido garsoore waxay kuu cadaynay inaan sababta loogu diiday ahayn mid diin la xidhiidha. Waxa jira haween xeer-ilaaliyaal ah iy kuwo qareeno ah. Waa shaqo la mid ah ta garsooraha.

Sababta haweenka sharciyaqaanada ah loo takooray ee loo bahdilay waa laba. Kow, xubnaha ku jira Gudida Cadaaladda waxa ka mid ah wadaado iyagu si wayn uga soo horjeeda in haweenku wax door ahba ku yeeshaan talada dalka. Iyaga oo adeegsanayaa saaxiibadooda kale waxay olole u galeen inay is-hortaagaan xuquuqda hablahaas. Waxayna ka xoog roonadeen xubnihii kale ee Gudida oo iyagu aan kala jeclayn in laga dhigo haweenka garsoor iyo in kale.

Taas waxa daliiil u ahayd doorkii ay ka galeen wadaadu inay ku qanciyaan hablaha inaanay u hanqal taagin jagooyinkaas waayo Diinta ayaa u diidan, waa sida ay ku doodeene.

Laba, waaa arin ku cusub Somaliland, sidaasdarteed, kuwa muxaafidiinta ah ayay ku adagtahay inay aqbalaan wax cusub waxayna ula eekoonaatay inaanay horseed u noqon arinkaas.

Hadii hablaha dhibta gaadhay ay u ashkatoon lahaayeen Maxkamadda Dastuuriga ah, waayo talaabadaasi waxay ahayd mid dastuurka ka soo horjeeda, waxa is hortaagay oo niyad jebiyay in sadex ka mid ah lixda garsoore ee Maxkamadda Dastuuriga ah ay ku jiraan Gudida Cadaalada ee qaadatay go’aanka laga cabanayo.

Wado kale oo u furanina ma jirto. Waayo waxa qayb ka ahaa Wasaaradda Cadaadda iyo Gudida Cadaaladda talabadan lagu duudsiyay xaqooda haweenkan.

Waxa dad badan ka yaabiyay waxay tahay in Barnaamija Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) oo maalgeliyay tababarka uu ogolaaday takoorkaas. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah mabaadida Qaramada Midoobay inaanay ku shaqayn takoor si dadban iyo si toos ah toona.

Hadda waxa ku jira tababarkii koox kale oo sharciyaqaano ah oo ay ku jiraan haween. Waxay u badan tahay in markana la takooro. Taladaydu waxay tahay in dastuurka dalka la ixtiraamo oo aan loo badheedhin in lagu tunto.

Guuleed Axmed Dafac

Hargeisa Somaliland

dafac02@hotmail.com

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire