SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Miyaad garaadsatey mise waad gumowdey?

Allaa mahad leh, ilaaha innagu galladay, nimcada amniga iyo islaannimada, Rasuul baa amaan leh kaas oo hadal, fal iyo sugidba diinta innagu soo gaadhsiiyey, intii hannuunka kuraacdey xigto, xigaal iyo saxaaba nabbad geliyo korkooda ha ahaato, ilaa maanlinta dambe, muxibo iyo wanaagna diinta islaamka ee ilaahay ka raalli noqdey baa leh.
Uma malaynayo, in uu innagujiro, qof aan diinta jeclayn, waayo waxa aynnu nahay ummad boqolkiiba boqol Muslimiin ah, oo lagu dhalay fidrada kuwaas oo min fac ilaa fac soo ahaa, dad muslimiina kuna soo dhaqmayey diinta islaamka. Diinta islaamku waxa ay ka mid tahay diimaha ugu fiditaanka badan, adduunka sidaa darteed waxaaan codsan lahaa in la tiro badiyo maqaallada lagu difaacayo baro-bagaandhada lagu dhaleecaynayo diinta.

Internet-ka siiba Facebook-ga waxaad beryahaan ku arkeysaa qoraalo, faallooyin iyo warar ay adag tahay in la laqaato lana fahmo kuwaas oo diinta si toosa iyo sida dadbanba loogu durayo iyada oo loogu gabbanayo carab, sababtoo ah waxaa khaldan qaabka, loo fahmey iyo sidda dadka qaarkii loogu yeedhinayo, taas oo mar-mar aad ka shakineysid in ay dadka diinta aan aqoon u lahayn ay murangeliso. Haddaba iyadoo taasi jirto, cidda kahadashaa way yar tahay ama lama soo hadal qaado gebi ahaan arrimaha toosinaya ama saxaya qoraagaa ku tuntey diinta kaas oo rabba diinta in la casriyeeyo ama diinta in quraanka oo keliya la qaato . Sababtaas ayaa igu dhalisay in aan qormadan u soo bandhiggo akhristayaasha iyo qorayaasha Soomaaliyeed ee in uun ama maalin uun rabba inney arkaan, diintii oo fidey, diintii oo guuleystey, gebi ahaana mad- madowgii laga turxaan bixiyey, jeerkaasna heegan u ah difaaceeda iyo kor u qaadista sharafteeda.

Waxaan kaloo beryahaan dambe qoraallada qaarkood aan ku arkaa hadalo colaadeed ama nacayb diimeed muujinaya, taas oo qofka ku kacaya in badani sacabada u tumaan iyaga oo aan warkiisa hubsan, waayo ilaahay qur’aanka wuxuu ku yidhi "Haddii mid faasiqi war idiinla yimmaado, iska hubiya saxnnimadiisa", qofku wax wuu dhaliili karaa waxna wuu salluugi karaa laakiin markasta waa inuu ku daraa wax sheegiisa, dulqaad, dabacsanaan, caadifad la’aan iyo masuulnnimo baaxadleh. Mar hadii wax la qorayo waa in aan shaqsi ama koox wax loo dhimin,

si caddaalad ahna waa in wax loo sheegaa inta la awoodo oo Illaahay kula ogyahay, wana sidda ugu habboon ee wanaagu ku faafi karo dadkanna ku gaadhi karo idilahaantood.

Qur’aanka

Qur’aanku waa hadalkii ilaahay kaa soo lagu soo dejiyey, qofkii bin’aadam ugu sharafta badanaa, kunna soo deggay dhulkii ugu sharafta badanaa, adduun kanna xudunta u ahaa, soona deggay bishii billaha ugu sharafta badneyd, jeerkaasna soo deggay habeenkii ugu sharafta badanaa habeennada. Quraanku wuxuu leeyahay Axkaam, qisas iyo caqiidooyin hagaya oo hagaajinaya qofka kuwaas oo ku filan inta uu nool yahay, anfacaayanna marka uu dhinto. Siddaaad la socotaan Kitaabka Qur’aanka ka kariim ah waa kitaabka kaliya ee adduunka dhexyaalla kaas oo la qorey (la Kulmiyey) muddo laga joogo 1437 sannadood, haddana aan lahayn khalad, ama hadal is khilaafsan waayo ilaahay baa Qur’aanka kusheegay "ma yimmaaddo baadil, xagiisa hore iyo xagiisa dambe, wuxuu agtiisa ka sugnaadey, ilaah u saaxiiba xikmadi yo cilmi", siddoo kale wax bala gama badalin (halxaraf xitaa), waxaanu ka hadlaayaa wixii dhacay ee la soo dhaafey iyo wixii dhici doono ee aan la gaadhin, islamarkaana taabanaaya oo ka hadlaaya nolosha aynnu ku dhex sugan nahay.

Waa kitaab raxmad, waa kitaab daawo, waa kitaab waano, waa kitaab qiso, waa kitaab mustaqbal, waa kitaab waddada saxda ah ku geynaaya, waa kitaab kuu hadlaaya, oo kuu dagaalamaaya maalinta qiyaame. Sow cajiib maha? Aduunyada wuu ku anfacaayaa oo noloshaada ayuu toosinaayaa, Aakhirana wuu kuu shafeeco qaadaayaa.

Iyadda oo ay sidaa tahay ka waran qofka axaadiistii Nebbiga kusheegay in la qoray mar ay socdeen loollansiyaasadeed? Loollan mad’habeed?Kawaran qofka yidhi ma ba jirto Xadiis Saxiix ahi? Hadaad Quraan kaliya aaminsan tahay balaan kuu raaco, sideed u tukataa? Ilaahay sideed u caabudaa? Waayo Qur’aanka kuma cadda sidda salaadaha loo tukannayo sidda loo ataxayaadsannayo, inta rackadoodee ay yihiin?, waqtiyada ka la duwanee la tukannayo?. Waxaa hubaal ah, in waydiimahaa aad madaxaaga u furtid indho-wanaagsanna aad ku eegtid, qalbiganna aad u waafi yeesho, bal si aad uga garrawdo, gar-darrada iyo gefka baahasan ee aad ka gashay maalaayiin dad ah oo ku nool dunnida daafaheeda.

Ibraahin-Hawdow haddii aad Qur’aan kaliya aaminsantahay balaan kuu raaco iyadda waxaaaad tidhi "Soomaaliyeey, ammuuraha diinteena innagu aynnu qeexanno, oo cid yaynaan u daba fadhiyin! Ma waxa aynnu la mid noqonaa Kiristaanka, kolba sidda ay hawadoodu tahay, diinta ka dhigga ee gacmahooda ku qorta, haddii aynnu siddaa samayno ma soo kordhineynaa waxa cusub? Miyeynaan la mid noqoney kuwii ilaahay Qur'aanka ku sheegay "Hoog baa u sugnaadey kuwa gacmahooda ku qoraya kitaabka ee odhanay ilaahay ayuu ka yimi si ay qarash yar ugu helaan, hooga baa u sugnaadey kuwaa gacmahooda iyo wixii ay ka dheefeenba, Mise farriintii islaamka ee Nebbi muxammad ayaa inna deeqi waydey? Ma diinta ayeynnu ku tuhiney in aanney dhammaystirneyn?

Maqaalka diinta iyo waayaha, ee u qorey ibraahin-Hawd waxaa uu gebagebbo uga dhigey "Diinta iyo siyaasada iskuma shaqaynayaan ha la ka la basriyo, cajiib, isagaoo hadalka sii watta, ayaa wax u raaciyey intaa, diintu uma xilsaarneyn buuxinta dannaha adduunka oo dhan, taas

beddelkeeda waa in dannaha adduunka la la kaashado garashada iyo aqoonta dadka " Ma qaadanayo manna qabo Ibraahin-Hawd bilaa qarad ama bilaa u jeeddo ayuu hadalkan u qorey, hadaf la’aan ayuu weedhahan diin dhaliileedka ah u yidhi, ama wuu iska qorey, xaasha ha ka yaabin!

Ibraahin-Hawd Diinta islaamka ee uu weerarka ku hayo iyo Cilmaaniyada uu ku baaqayo midna aqoon fiican oo ku filan uma laha se wixiisu waa bawsi, hadaad cilmi sheeganayso, kaalay dhulka islaamka oo culimada la dood inta aad caamada masaakiinta ah, kolba aad harowsanaysid'e aad aqoonyahanka isaga dhiggaysid.

Ragga cilmaaniyiinta ahi waxa ay ka midaysan yihiin qoddobaddan,1. diinta waxa ay ka hadlaan marka ay eedaynayaan oo keliya, ama khilaaf iyo shubho ka hadlayaan, arki maysid iyaga oo wax wanaagsan ka hadlaya sidda soonta, salaada iyo wixii la mida, 2 Waxa ay la dirirsan yihiin wadaadada iyagoo sida gaaladu islaamka dusha uga saarto argagixisada ayey iyaguna wadaadka khaldama iyo danuubta shakhsiyaadka gaar ah, u huwiyaan magaca guud ee wadaad.3 Cilmiga diinta waxba kuma qabsadaan, waxay yidhaahdaan caqli gal maaha, iyo casriga lama shaqeynkarto, waa kuwo u eeg mararka qaar Russul la soo direy oo Nebbi Muxammad Sallalahu Calayhi Wasallam ka dambeeyey. 4 Waxa ay u doodaan xaqa iyo cadaalada, waxayna gaadhsiisaa iney ku qabsadaan cadaalada, kii cadaalada abuurey(Alle) abuureyna Caqliga ay ku garteen cadaalad ka sareysa ta ilaahey. Waa markay nusuusta dunsheen. 5. Waxa ay ugu gabbadaan dadka , wahaabiya, Carab,iyo alshabaab wax ka sheegooda oo ay ka dhigtaan gabaati iyo meel ay ka duulaan. 6. shubahaad iyo xoojiyan ,waxaan islaheyn bey ku baneystaan doodahooda.

Qofkastaa waa qoraa maanta aad bey u yar tahay in la helo goobo lagu xakameeyo, afkaarta khaldan ee dirirka diimaysani ka dambeeyo, markay Duullaan diimeed noqotana si indhala’aan ah ayaa loo qoraa oo axkaamta diinta iyo sharafteeda noolba loomowtiyaa, laftii taaganna la jabiyaa iyadoon la eegeyn, Qur’aan iyo Xadiistoona.

Danteenna weeye Xaqqu, wuxuu u jiraa inuu baadil jiro. Dadku waa laba ciidan. Haddaaney jirin dad baadil kasheegaa baadil ma jiraayo, haddan baadil jirina ma jirayo xaq, xaqqna ma jiraayo haddii aanney dadku sheegin, xaqqii ilaahay. Si uu xaqq u jiro waa inuu baadil jiraa, marka hore, Xaqqa iyo baadilkanna waligii siraaci yoloollan baa kadhexeeyey. Markaa taasi inna muruggelin mayso walaalayaal, cadaabtu xataa shaqo ayey rabtaa, oo ah in baadil lagu shaqeeyo.

Haddaba waxa habboon, inneynu heegan u ahaano,cidd kasta oo tashuush iyo mixnad ku furaysa Diinteena Islaamka meelna aynnu uga soo wadda jeedno dar-dar gelinta iyo faafinta diinta suubban. Ilaahay gefkeena ha dhaafo, oo hay noogu deeqo jannooyinkiisa bal-ballaadhan.

W/Q: Eng Sharma'arke Maxamed Xaashi

FB: Eng Sharma

Email Sharmarke355@hotmail.com

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire