SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ninkii Buuhoodle ku dilay marxuum C/Raxiim Rabiish oo maanta la toogtay.

Waxa maanta Qisaas ah lagu Fuliyey degmada Buuhoodle, Maxamed Saalax Xaaji Dayib,oo ahaa ninkii sida badheedhka ah u Tooriyeeyey shalay oo ay bishu ahayd 6/5/2017 Allah ha u naxariistee marxuum C/rixiin Saleebaan (Rabiish) oo Toorey uu ku Dhuftay.

Kadib ehelada Marxuumkii shalay geeriyooday ayaa go’aansaday in loo qisaaso ninka dilay wiilkoodii ,taasi oo ay la ogoladeen dhankooda dhinacii kale ee gacan ku dhiiglahu uu kasoo jeeday.

Ilahay oo awamiirtiisa la fuliya waxa ay kala bogsiinaysaa in ay cudur iyo dhibaato isu qaadaan dadka walalaha ahi.waana mida keentay in qofkii qof kale si badheedh ah u dila in loo dilo sharciga islaamkana la mariyo.


Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire