SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qabiiladii reer Shan Biyood.

Xilli hore ayaa beelo Soomaaliyeed oo fac iyo fir weyn,sooyaal fog,quwad!na! leh waxay u ku noolaayeen oo ay degi jireen dhul (dal) aad u baaxad weyn oo la oran jiray Shanbiyood.Arladaa oo aan dhul ahaan ballaar (ballac) iyo dhererba inta uu la egyahay aan la qiyaasi kari karin,ayey haddana u sii dheereyd berri iyo biyoodba barwaaqada uu ahaa.Beelaha ku abtirsado reer Shanbiyood waxay ahaayeen oo ay ka koobnaayeen Shan bah walaalo wada dhashay oo lakala yiraah Reer Shabiye, Reer Aw-libaax,Reer Qansax,Reer Berdaale iyo Reer Webi oo dhamaantood isku ab, isir iyo midab ah,isku diin iyo dhaqan ah,isku af ah,oo ku kala fidsanaa ama kala gasho (degto) carrigaa baaxada weyn ee uu Eebe ugu deeqay.

Reer Shabiye – waxay dhul ka degi jireen Waqooyi,

Reer Aw-libaax – Waqooyi galbeed,

Reer Qansax – Koonfur iyo Bari,

Reer Berdaale – Galbeed,

Reer Webi – Koonfur galbeed iyo Koonfur bari,

Shanbiyood – ama Shanbiyoodka Soomaaliyeed.

Waa hal magac oo ka mida magacyadii waagii hore loo yaqaanay gebi geyiga Soomaaliya iyo dadka asalka ah ee isir ku abtirsado magaca (Samaale) Soomaali ee ku nool mise dego guud ahaan dhulka baaxada weyn ee u dhexeeyo,

Webiga Hawaas,

Webiga Cillaan (Shabeele)

Webiga Jubba,

Badweynta Soomaaliya,

Gacanka (Badda)Waqooyiga Soomaaliya.

Inkasta oo ay jireen magacyo iyo naaneysyo kale caan ahaa oo loogu wici jiray beelaha Soomaalida iyo deegaankooda,waxaan doorbidnay in aan soo qaadano oo aan doorano magacan Shanbiyood.

Dadkaasi waxay ahaayeen ummad (shacab) sida badan iska war warqabto,diin iyo xeer dhaqameed wacanba lahaa,gobonimo haystay oo xorriyad buuxda ku noolaa. Talo,tashi,tolnimo,taageero,xidid!nimo! iyo sokeyn walaaltinimo intaba ka wada dhexeysay, isku xiran,isu hiiliso!yo!,oo dhexdooda nabad,xasilooni iyo barraare ku wada noolaa.Waloow ay deegaanada beelaha kala fogaayeen,oo ay goobo kala dhaa-dheer kala geli (degi) jireen ama ku dul faafsanaayeen dhulkaasi ballaaran,bal kor ahaan bulshada guud,kulli way iska warhaysay dhan kasto nabad iyo collaad waxa ay ku sugan yihiin

Waxase jirtay in ay kol-kolka qaarkood beelaha dagaalo iyo xurgufo kale yar-yari ka dhex dhici jireen,balse,ilmo shanbiyood iyagaa xalisan jiray wixii dhibaatooyin,colaado iyo ismaandhaaf ah oo iyaga gudahooda ku yimaado.Fara gelin dibedeed oo uga timaado cadow shisheeye ma jirin,taa way !ka tashteen! xilli hore oo way iska!na illaalin jireen in arimaha hoose ee beelweynta !Shanbiyood ! uu faranji shisheeye cadaan iyo madoow midkuu doonaba ha noqdee durbadiiba uu gacmaha dalaq soo siisto.

Ilmahooda waxay siteen (qabeen) oo loogu yeeri jiray ama loo yaqaanay dhowr magac kala duwan oo tilmaamayey dhulkaa barwaaqada ee ay deggenyihiin iyo dadkaba,sida !reer Shanbiyood ! ilmo shanbiyood ! dhal gobeed ! ilmo qabweyn! ilmo shan aduunyo ikk.

Waxayna dhaleen Shan wiil caan ahaa oo magac,xushmo iyo maamuus weyn ku dhex lahaa qabiilada oo idil,oo la kala yiraah Maquuste,Warmoole,Madaale,Beerdoox iyo Gudinle. Mid walbana wuxuu ka soo jeeday oo uu metelayey ama ahaa curadkii iyo hogaamiyaha qabiil ama bah ka mid ah qabiilada (beel weynyta) guud ee ay reer shanbiyood ka koobneyd.

Reer Shanbiyood mise ! dhal gobeed ! waxay caan ka ahaayeen ummadaha noocyada kala gedisan leh ee degto qaarada Afrika (Masar),Bariga dhexe (cigaaleyda carabta),Aasiya (Turkiga,Shiinaha,Hindiya) iyo gaar ahaan qowmiyadaha ku nool geeska Afrika.

Maalin maalmaha ka mid ahi ayaa waxa bilowday dagaal culus oo ka dhex dilaacay qabiilada ay wiilasha !ilmo shan aduunyo ! ka dhasheen iyo Qabiilo (beelo) gaalo madoow oo ay derisnimo wadaageen,xiriir fiican ka dhexeyn,taariikho,dagaalo iyo dhacdooyin hore soo maray awgiis.Dhulna ka galo ama soohdin khariirad ka xigay dhinaca galbeedka, collaado iyo cadowtinimo fog soo jireen ahna ka dhexaysay.

Sababta dhalisay in dagaal la isku dhuftana waxa keentay oo ka dambeysay arin ku sal laheyd dhul balaarsi iyo soo siqitaan xuduudeed,boob iyo barakicin ay gaalada ku kaceen darteed.Waxa dhacday in beeroleey iyo xoolo dhaqato reer Berdaale ah oo degeneyd dhinaca xadka galbeedka in har cad inta lagu soo duuley xoolihii iyo dhulkoodii ay kala wareegeen (qabsadeen) beelo gaalo isa soo aruursatay oo wadajir dagaal isu soo bahaystay.

Dhacdadan ama gardarradan bareerka iyo ku talagalka kaska ah oo aan aheyn markii ugu horeysay ee ay gaalada falkan oo kale maleegaan,ayaa ah feker hore iyo aragti guud ay qabeen,riyo ay ku taamayeen gaalada iyo qorshe fog oo daba socday go’aan ay gaalada xilli hore qaateen iyo fekred hadda ka hor uu soo jeediyey (bandhigay) ninka hogaamiyo gaalada,la iskuna afgartay.

Fekerkaa oo ahaa in ay gaalada xoog ku qabsadaan dhulka reer Shanbiyood intii ay doonto ha ku qaadatee (taa oo uu uga jeeday xataa hirgelinteeda qarniyo badan ha nagu qaadatee),oo aysan abid (abad) ka rajo dhigin fulinteeda.Isaga oo ka lahaa ujeedo fog,sabab uga dhigay,kana dhaadhiciyey fekradan dadkiisa.Haddii aan la wareegno oo aan hanano (qabsano) arligaa,waxaynu heleynaa oo sahal noogu fududaaneyso inaan adeegsano,oo aynu ka faa’iideysano dhan walbo mustaqbalka Badaha iyo Dekedaha istaraatiijiga muhiimka ku yaal ee reer Shanbiyood.

Gaaladii intaasi kuma ekaane weerar iyo dagaal kale aan la filaheyn ayey ku soo qaadeen beelihii kale ee ka ag dhowaa (degenaa) agagaarka xadka.Kolkaa kedib ayey ilmo Shanbiyood intii isu dhoweyd deegaan ahaan isu qeylo dhaansadeen.

Waxa u soo hiiliyey bah berdaale oo u soo(birmaday)gurmaday soona garab istaagay qaar Reer Webi ah oo ka kala yimid cariga Koonfur galbeed iyo Koonfur bari,dagaalkana si wanaaagsan oogala qeyb qaatay.

Si adag oo geesinimo ah ayeyna cadowgii ugu babac dhigeen,isaga difaaceen dagaalkii, goobtaasna si fiican ayaa gaaladii loogu karbaashay,waxana loo jafay sidii balkii (bal beer la soo gonayo) oo kale,dib ayaana loo celshay iyo meelihii ay ka soo duuleen.

Maalintaa baroorta (qeylada) ka baxaysay gaalada waa laga yaabay,waxay ku cabaadayeen oo ay ku ooya-yeen (baroor-diiqayeen) codod dhaa-dheer isqabsaday ! weynee–weynee ! weenoow-weenoow ! oo af-soomali ku noqonayo ! hoogayeey – hoogayeey ! hoognayeey–hoognayeey ! cabaadkaa oo laga maqlayey goobta halganka iyo hareeraheedaba.

Dagaalkaasi toban beri ka badan ayuu socday,waxana maalintaa dhulka korkiisa ku dul daatay dhiig insaan aad u badan,labada dhinac kala kulmeen khasaaro dad iyo gaadiid xoolo oo dhimasho iyo dhaawac xooganba isugu jiray,jabka iyo dhibka soo gaaray labada dhinac gaalada haba ugu sii darraatee.

Sooyaal iyo caado waxa aheyd haddey qabiilada Shanbiyood iyo gaalada deriska la ahi dagaal fool ka fool ah isaga hor yimaadaan,markasto ! ilmo shanbiyood ! waxay dagaalada kaga adkaan jireen beelaha gaalada.Abidkoodna !dhal gobeed! ama beelaha ay ka dhasheen weerar ay qaadeen,mise dagaal ay wada jir u galeen, hadduusan gardarro aheyn,marna laguma jebin,iyaga ayeyna libinta (guusha) raaci jirtay.

Sababta,ilmo Shanbiyood waxay ahaan jireen ummad (bulsho) isku duuban (uusan dhalanteed dhex oolin) dad geesiyaal,dagaal yahano la yaqaan !oo haddey dagaal galaan aan dib u soo jeedsan !laga baqo,gardarro badneyn,isku kalsoon,ku xeel dheer xeesha iyo tabta dagaalka oo aan sahal loo soo abaarin,looguna soo deg-degin.

Kadib,waxa halkaasi looga guuleystay gaaladii,kala kulantay jab aan weligegood horey u soo marin iyo kala (orod) carar,guushii halganka waxay meeshaa ugu soo hoyatay ilmo Shanbiyood.Waxaana gaalada dagaalka looga dilay niman ka mid ahaa madaxdii iyo horseedeyaashii ugu cududa (tunka) weynaa qabiilada,uguna sareeyey hogaanka guud ee talada iyo beelaha labadaba.

Tani oo qabiiladii gaalada ku noqotay argagax (anfariir) iyo la qaadan waa.Waxay naxdintaa gelisay cabsi iyo in uu ku yimaado shaki ku saabsan jiritaankooda bulsho mustaqabalka. Waayo waxay indhahooda ku arkayeen casharka la siiyey,sida loo jebiyey,qaabka xeesha ku dhisan ee loola dagaalay,nimanka madaxda, hogaamiyeyaasha laga dilay iyo dadka kale tiradiisa xad dhaafka aheyd ee laga laayey.

W/Q: ss.yoonis.515@hotmail.com

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire