SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hal abuur mise hadal?

"Hadal lagaa leeyahay iyo hawl nin kaa xigo midna laguma degdego" ayey dadkeennu odhan jireen, waxana jirtay in marka hawl ama waxqabad ay arrini joogto in uu qof kastaaba kaalintiisa ogaa, oo aanu ruuxna shaqo aan tiisii ahayn faraha la geli jirin.

Hawlaha ay tusaale ahaan ka midka yihiin dhaqaalaynta xoolaha, garaha, nabadaynta iyo maansada mid kasta oo ka mid ah waxa qaban jirtay cid ku habboon oo looga danbeeyo. Markii uu isbeddelku dhacay qof waliba hawl aanu ka bixi karin ayuu isku qaaday, natiijadiina jaantaa rogan iyo guuldarro ayey noqotay.

Shaqooyin badan baa lagu yaacay, waxana shaqooyinkaa ka mid ah shaqada fanka. Shaqada fanka waxa ka mid ah curinta maansooyinka, ruwaayado la allifo iyo qoraallo miiggan oo saamayn ku yeelan kara kolba cidda loogu talo-galo. Meelo muhiim ah ayey shaqada jaadkaas ahi buuxisaa, waxayna kaydisaa afka iyo dhaqanka ay ummaddu leedahay. Waxa loo adeegsadaa wacyi-gelinta iyo korinta garaadka bulshada. Waqtiyada barwaaqada iyo nasashada lagu jirana waxa loo adeegsadaa in wixii murti ah ee la xiisaynayo lagu qaadaa-dhigo iyo in la isku madaddaaliyo. Waa kii abwaan Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" lahaa:

Hiddo waxan ku dhaataa,

Afki hooyadeennoo,

Hanti waxan ka leeyahay,

Suugaanta hodanka ah.

Heellooyinkaygaa,

Bulsho lagu hagaayoo,

Ka hallawsan weligii,

Lagu hogatusaayoo.

Hawraarahaygaa,

Dhasha lagu habaayoo,

Dadku hadalladayduu,

Ka dhigtaa halhaysoo,

Dhegtu heesahaygay,

Hanqaltaag ku maqashaa!

Sannadihii lixdannadii iyo toddobaatannadii qarnigii hore waxa soo baxay oo caan noqday maansayahanno iyo halabuurro hibo dhab ah leh oo noqday ileys daaran oo uu dadweynuhu beegsado. Waxa ay kor u qaadeen wacyigii ummadda ee xilligaas, ilaa maantana halabuurkoodii maskaxda kama tirmo lagamana xiisagooyo.

Halabuurkii sidaas ahaa waxa haddaba beddelay halabuur qurbaha iyo dalkaba laga soo saaro oo aanay tayadiisu wanaagsanayn hadalka caadiga ahna wax sidaas ah aan kaga duwanayn. Gudo iyo dibedba marka la isu geeyo, maalin kasta waxa la soo saaraa intaas oo heesood iyo intaas oo maanso oo cusub, waxana la maqlaa ama meelaha wax lagu qoro laga akhriyaa dad badan oo mid kasta oo ka mid ahi uu abwaannimo ama halabuurnimo sheeganayo. Haddana badankooda lagama hayo wax loo bogo ama halabuurkii hore la heer ah oo ay curiyeen.

Marka aan sidaa leeyahay ma diiddani dadaalka, kartiyaha iyo sifooyinka wanwanaagsan ee ay halabuurrada da’da yar ee xilligani leeyihiin. Waan maqlay in badan oo iyaga ka mid ahi in ay leeyihiin tacliin wanaagsan oo ay qaarkood heleen fursado waxbarasho oo laga yaabo halabuurradii iyaga ka horreeyey in aanay helin. Garasho fiican ayey u leeyihiin, sida halabuurkooda qaybo ka mid ah laga garan karo, in laga gudbo fikradaha aan waxtarka lahayn iyo in loo xusulduubo danaha guud ee ummadda. Qaar badan oo iyaga ka mid ahi waxa ay leeyihiin hibooyin suugaaneed ama halabuur oo ay wax fiican ku curiyeen kuna curin karaan. La ismana moogeysiin karo isbeddelada nololeed ee sida joogtada ah u socda ee iyaga ka fikir duwaya faca ka horreeya.

Waxaas oo dhamiba waa ay jiraan. Hase yeesho ee waxa jirta falsafad nololeed oo ah in ay ummad waliba waxa ay haysato ee qiimaha leh ay marba marka ka danbeeya wax ku sii kordhiso, haddii ay taa awoodi kari weydana ay ugu yaraan halkiisa ku hayso oo ay qiimadhac ku yimaadda ka ilaaliso. Da’yarta xilligan arrimaha halabuurka ku hawlani halabuurka halkii ay ku soo gaadheen kor ugama ay sii qaadin, halkii ay ugu yimaaddeen in ay ku hayaan na waa ay ku guuldarraysteen oo hoosudhac ayaa jira. Waa taa haddaba arrinta hadalku ka joogaa ee faca xilligan lagu dhalliili karaa. Dhalliishaas in ay iyagu wada yeelan karaan iyo in ay qayb ku yeelan karaan labadaba waa la is weydiin karaa, hase yeesho ee in ay iyagu inteeda badan leeyihiin ayey u badan tahay!

Maqaal aan waqti hore qoray ayaa waxa aan ku xusay in maansayahannada curinta maansada heerka ka gaadhay ay tusaale u soo qaataan saddex wax oo nolosha bani’aadamka lagama maarmaan u ah, quruxda degaankana soo saara. Saddexdaasi waxa ay kala yihiin biyaha, dhirta iyo xoolaha nool. Waxa ay sawirro cajiib ah oo qurux badan ka sameeyaan harooyin buuxa, togag rogmanaya, dhir cagaaran oo ubax leh, geel iyo fardo. Waxa kale oo ay mararka qaarkood tixahooda ku daraan cadceed soo baxaysa, hillaac iyo waxii la mid ah. Waxyaalahaasi xiisaha halabuurka, gaar ahaan maansooyinka iyo heesaha kor ayey u qaadaan, waxayna maskaxda ku reebaan sawirro qurux badan oo xasuusta ku raaga.

Halabuurka ay da’yarta waqtigani curiso laguma arko, ama aad bay ugu yar yihiin, sawirro sida kuwaas aynu soo sheegnay u qiima badan. Laguma arko wax degaan la xidhiidha, mana adeegsadaan inta badan waxa aynu "Afmaldaha" u naqaanno ama ekeeyeyaasha, kuwaas oo ka mid ah waxyaalaha suugaanta bila, isla markaasna ka duwa hadalka caadiga ah.

Halabuurkii hore dheg kasta oo maqashaa waa ay jeclaan jirtay, oo dhegaha dadka ayuu hantiyi jiray. Laakiin, intiisa badan haddii aynu wax ka nidhaahno, halabuurka imiku dhegaha dad badan ma hantiyo ee waa uu dhirbaaxaa. Taasina malaha waa ta sababta dadku wixii hore ee uu haystay in uu sii jeclaado oo uu ku mintido.

Haddaba si uu halabuurka cusub ee xilligani u noqdo mid halka uu joogo hore uga sii socda arrimahan soo socda ayaa muhiim ah:

1) In cidda wax curinaysaa aanay noqon cid dadaal keli ah wax ku keenta ee ay noqoto cid dadaalka ay hibo u weheliso.

2)In si waafaqsan xaaladda maanta ee ka duwan xaaladihii hore wax loo curiyo iyada oo la ilaalinayo dhaqanka isla markaasna aan laga tagayn suugaan-qurxiyeyaasha habboon.

3)In Afsoomaaliga aqoon durugsan loo yeesho oo ereyada la dhadhansado marka wax la curinayo si aanay ugu dhicin meel aanay ku habboonayn.

4)In laxannada hadda ee heesaha la saaro oo isku dhowdhow aadna mooddo in uu nin qudhi wada sameeyey wax laga beddelo oo la isku dayo in qaar cusub oo kuwaa hore ka duwan la soo kordhiyo.

5)Codadka wax lagu qaadaa waa ay ila wanaagsan yihiin aragtidayda, hase ahaato ee muusigga hadda waxaad mooddaa inuu ku dhow yahay ka reer galbeedka. Markaa in muusiggii hore ee soomaaliga ahaa lagu fara-adaygo ayaa wax-ku-ool ah.

6)In aan mar walba lagu fikirin in halabuur tiro badan la soo saaro ee lagu mintido tayada, waayo wax yar oo tayo sare leh ayaa ka qiima badan wax tiro badan oo sida daadka rogmanaya.

Ugu danbayn, waxa jirta odhaah ah: "Wixii cusubba caalamka ayaa jecel". Markaa waa lagama maarmaan in halka uu maanta fanku joogo hore looga sii wado iyada oo aan laga tegayn wixii casriyeyn ah ee aan dhaqankeenna intiisa wanaagsan ka hor imanayn. Haddii kale hoos ayuu u dhacayaa oo waa uu qiima beelayaa!

Qalinka: Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

 


Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire