SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ma naftaan hafarnaa?

Qof kasta oo fayoobi wax baa uu garanayaa. Waxa uu fikir kasta oo waxtar leh ka sooci karaa mid kasta oo gurracan. Sidoo kale siyaasiga waddaniga ah iyo ka danaystaha ah ayaa uu kala saari karaa, oo isagama khaldami karaan. Wax kasta oo garasho uga baahan waa uu garan karaa, arrin kasta oo qiimeyn mudanna sideeda ayaa uu u qiimeyn karaa, oo miisaanka ayaa uu saari karaa.

Dadka badankoodu aragti ayey wax ku qiimeeyaan oo arrinkoodu waxa weeyi "isha ayaa macallin ah." Fikradaha waxa ay ku qancaan marka uu qofka wataa ula yimaaddo ee uu u sheego, siyaasigana waxa ay taageeraan marka ay isaga oo hadlaya arkaan ama ay qalabka warfaafinta ee maqalka iyo muuqaalka faafiya ka daawadaan isaga oo waraysi bixinaya ama warbixin akhriyaya. Arrinku markaa dhag weeyaan. Waa nafta khayr u sheeg oo hore u soco. Haddii ay dadku sidaas wax u qiimeeyaan in ay indho-ku-garaadlayaal yihiin ayaa markaaba la garanayaa.

Qoraa la yidhaahdo Rional Ruby ayaa buug uu qoray oo la yidhaa "The Art of Making Sense" ku soo qaatay aragti uu ka soo xigtay nin Filasoof ahaa oo qarnigii 17-aad noolaa. Aragtidaasi waxa ay sheegaysaa in uu dadku garashada ka siman yahay oo uu qof kastaaba garasho fiican leeyahay.

Xagga aqoonta iyo shahaadooyinka in lagaga horreeyo qofku waa uu oggolaan karaa. Laakiin garashada arrimaha caadiga ah lagu garto sida xaqiiqada iyo siyaasadda, tusaale ahaan, qofna aqbali maayo in uu ku liito oo lagaga fiican yahay. Sababtu waa in uu qof kastaaba qabo, sida uu qoraagu sheegayo, in uu garasho fiican leeyahay.

Haddaba in uu qofku si kalsooni leh u aammino in uu garasho fiican leeyahay caddayn may u noqon kartaa in ay garashada qofkaasi tahay mid sarraysa? Maskaxda iyo sida wax loo garto (fahamka) labadaba waa lagu kala duwan yahay, oo dadka qaar baa hore wax u garta oo macnaha markaaba hela, qaarna waqti ay wax ku rogrogaan ayey u baahdaan.

Si degdeg ah wax ha u gartaan ama waqti ha u baahdaane, arrimaha caadiga ah ee nolosha la xidhiidha marka ay arrintu joogto waxa ugu weyn ee dadka kala duwaa waa fikirka. Rional Ruby arrinta fikirka waa uu faahfaahiyey, waxanu bixiyey tusaalayaal iyo qodobbo waxtar leh oo aynaan halkan ku wada sheegi karayn. Tusaalayaashaas iyo qodobbadaasi qofka maskax cusub u noqon maayaan, hase ahaato ee garashadiisa iyo doodihiisa ayey xoojin karaan, oo sida uu yahay waxa uu uga gudbi karaa si dhaanta.

Niman kale oo arrintaa ka hadlay ayaa iyaguna sheegay in ay dadku u baahan yihiin waxa loo yaqaanno "Fikirka degdegga ah" (Quick thinking) oo ay sheegeen in uu yahay wax wax laga baran karo haddii lagu dadaalo. Waxay sheegeen in loo baahan yahay sida qofka macdanta soo saaraa uu ciidda iyo dhagxaanta faraha badan uga dhex garto cadka yar ee macdanta ah si la mid ah in uu qof kastaaba u garto nuxurka yar ee ku jira hadallada, waayo hadallada dhaadheer iyo qoraallada faraha badan ee aynu aragno boqolkiiba labaatan (20%) uun baa muhiim ah, inta kale waa wax aan sii ridnayn oo meelo banbannaan lagu buuxiyo ama inta muhiimka ah la iska raaciyo.

Haddaba innaga arrimahaa fikirka iyo garashada xeesha dheer u baahani ha inoo danbeeyaane, waxyaalaha waaweyn ee nolosheenna taabanaya ee sida cadceedda inoogu muuqda in aynu caqli u adeegsanno oo aanay caaddifadi ina hagin ma la inaga helayaa? Haddii aynu u fiirsanno dhaqdhaqaaqyadii ay tobankii sano ee u danbeeyey madaxdeennu samaysay waxtar muuqda oo nolosha dadkeenna caadiga ah wax ku kordhiyey oo ka soo baxay waa uu yar yahay.

Sidii baa looga cabanayaa biyo la’aan. Sidii baa looga cabanayaa shaqo la’aan iyo tahriib. Sidii baa tayada waxbarashada looga dayrinayaa, sidii baana adeegyada dawladda loo dhalliilaa.

Ma aha in aynu nafaheenna hafarno oo aynu u dhaqanno sida dad ay wax waliba u dhan yihiin oo barwaaqoobay iyada oo ay baahiyaheennu ciidda ka badan yihiin. Xalkeennuna kuma jiro sidii uu Hadraawi sheegay hebel kursiga ka kici oo hebel ku beddel. Xalkeennu, madax iyo mijaba, waxa uu ku jiraa in aynu dad wanaagsan noqonno! Waxa uu ku jiraa sida aynu hadda u shaqayno iyo sida aynu wax u qiimeyno labadaba in aynu wax ka beddelno oo aynu dad xisaabtamaya noqonno. Haddii aynu sidaas yeelno waxa aynu noqonaynaa dad wanaagsan oo hir doog leh ku socda.

Nin baa maalin u yimid Saynisyahankii caanka ahaa ee Blaise Pascal, dabadeedna waxa uu ku yidhi: "Haddii aan maskaxdaada oo kale yeelan lahaa, nin wanaagsan baan noqon lahaa." Pascal ninkii waxa uu hadal ugu soo koobay: "Nin fiican noqo, dabadeedna maskaxdayda oo kale ayaa aad yeelan doontaa".

W/Q. Axmed Iid Aadan

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire