SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nabi Ibraahim Xaaskisii iyo Boqor daalin ah wixii kala qabsaday.

Bukhaari ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri: Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (Ibraahiim ayaa haajiray isaga oo wata xaaskiisii Saara, wuxuu la soo galay magaalo uu haysto boqor boqorada ka mid ah ama jabbaar jabbaarada ka mid ah, markaasaa lagu yiri: waxaa soo galay Ibraahiim oo wata haween dumarka kuwa ugu qurxoon ka mid ah, markaas ayuu u cid diray oo ku yiri: Ibraahiimoow tan kula socota waa ayo?.

Wuxuu yiri: Waa walaashay, deeto ayadii ayuu ku noqday, wuxuuna ku yiri: hadalkaygii ha beenin, waxaan u sheegay in aad walaashay tahaye. Alle ayaan ku dhaartaye in uusan dhulka dushiisa joogin mu’min aniga iyo adiga aan ahayn.

Markaas ayuu u diray, markaas ayuu (boqorkii) u soo kacay, iyaduna waxay bilowday weeso iyo salaad, waxayna tiri: Alloow haddaan ku rumeeyay adiga iyo rasuulkaaga oo aan ka ilaaliyay dhashadayda (xubinka taranka ee dhadiga) cidaan ninkayga ahayn ha igu salladin gaalka.

Markaas ayaa la ceejiyay ilaa uu lugta ku raftay).

Abuu Hurayra wuxuu yiri: (waxay tiri: Alloow hadduu dhinto waxaa la dhihin iyadaa dishay, markaas ayaa la sii daayay gaalkii).

Mar labaad ama seddexaad ayuu sidii yeelay oo haddana Alle ka celiyay. Markaas ayuu yiri: Shaydaan uun baad ii soo dirteene u celiya Ibraahiim, Haajarana siiya.

Markaas ayay ku noqotay Ibraahiim (CS), waxayna ku tiri: ma ogtahay in Alle gaalkii hoojiyay, jaariyadna uu noo adeejiyay?.

Riwaayad kale oo Bukhaari ka wariyay Abuu Hurayra wuxuu ku yiri: (Ibraahiim been ma sheegin seddex beenood mooyee: labo ka mid ah Alle dartiis ayay ahaayeen, waana hadallada Alle ka wariyay oo kala ah: (waan xanuunsanahay) iyo (mayee waxaa sameeyay koodan ugu weyn).

Wuxuu yiri Nabigeennu (SCW): (maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo ay Saara weheliso uu u yimid Jabbaar Jabbaarada ka mid ah … ).

Wuxuu sheegay qisadii hore waxaase ku dheeraad ah: in markii la qabtay gaalka uu ku yiri Saara ii ducee ku dhibi maayee oo ay u ducaysay markii la sii daayayna uu mar kale laacay oo haddana loo qabtay sidii hore ama ka sii daran oo uu mar kale ku yiri ii ducee ku dhibi maayee oo ay u ducaysay, deetana la sii daayay.

Ugu dambayntii waxay u timid Ibraahiim oo taagan oo tukanaya, markaas ayuu u ishaaray maxaa jira?. Waxay tiri: Alle dhagartii gaalka ama faajirka waa celiyay, Haajarana waa noo adeejiyay).

Abuu Hurayra wuxuu yiri: Taasi waa hooyadiin banii maa’ alsaam’ oow.

Sharax kooban

Qoladaas hadday rabaan haween la qabo dhaqankoodu wuxuu ahaa inay dilaan ninkeeda, qaraabadeedase wax uma dhimi jirin.

Nabi Ibraahiim markuu u yimid ninkii boqorku soo dirsaday wuxuu ku yiri:

Waa walaashay; si uu uga badbaado dilkaas.

Hadalka ah (waan xanuunsanahay) wuxuu yiri Nabi Ibraahiim mar gaaladu ugu yeertay in uu kala qaybgalo ciid shirki ah oo ay lahaayeen.

Hadalka ah (mayee koodan ugu weyn ayaa sameeyay ee weydiiya hadday hadlayaan) wuxuu yiri Nabi Ibraahiim mar uu inta burburiyay sanamyadii ay caabudayeen marka laga reebo kii ugu weynaa oo intuu faaskii garabka u suray uga tagay.

Markii la weydiiyay yaa Ilaahyadayadii waxaan ku sameeyayna jawaabtaas ayuu baxshay. Haajara waa gabar uu boqorkii soo siiyay Saara markii xumaantii uu la damcay Alle ka difaacay. Ka dib waxay siisay Nabi Ibraahiim oo guursaday waana tan dhashay Nabi Ismaaciil.

Sidaa darteed ayuu u yiri Abuu Hurayra taasi waa hooyadiin Banii Maa’ alsaa’oow. Magacaas oo tafaasiirta qaarkeed ku sheegay in loola jeedo Carab.

Faa’iidooyinka Qisadan ku jira

1. Nabi Ibraahiim oo wata xaaskiisa Saara oo ahayd markaas qofka kaliya ee rumeeyay wuxuu ka haajiray deegaankiisii, isaga oo la cararaya diintiisa; maxaa yeelay diintu waa nicmada ugu weyn ee Alle muslimka siiyay.

Haddaba in uu kala cararo diintiisa wax kasta oo khatar ka galin kara way qabataa, hadday doonto khatar kale haba galisee sida haddaba Nabi Ibraahiim ku dhacday oo gaalo uu cirdigiisa iyo naftiisa uga baqayo ka dul dhacay.

Wuxuu haajiray Nabi Ibraahiim markii qawmkiisu dabka ku rideen ka dib.

2. Qisadu waxay tusaysaa sida loogu baahan yahay in qofka muslimka ah la socdo dhaqamada ummadaha kala duwan; si uu u ogaado habka ugu habboon ee loola dhaqmi karo qolo kasta, loogana badbaadi karo dhibtooda. Eeg Nabi Ibraahiim khatarta uu gali lahaa haddaanu aqoon dhaqanka dadkaan oo ahaa in ay dilaan ninka ay xaaskiisa damaaciyaan. Fahamka dhaqanka dadku wuxuu kale oo muhiim u yahay soo islaamintooda iyo sixidoodaba.

3. In ay bannaantahay sarbeebtu oo aysan ahayn been. Nabi Ibraahiim wuxuu ku yiri gaaladii: Saara waa walaashay, isaga oo uga jeeda in ay tahay walaashiis xagga islaamnimada. Bukhaari ayaa sameeyay baab: (sarbeebta waxaa ku sugan wax (qofka) beenta ka deeqa), wuxuuna wariyay xadiiskii Ummu Suleym ee ay ku tiri Abuu Dalxa (ninkeeda): wiilkii neeftiisu way xasishay, waxaana rajaynayaa in uu raaxaystay.

Waxay ka hadlaysaa wiil uu xanuun ku ogaa, intii uu maqnaana dhintay, kolkii uu ka waraystayna sidaas ayay ugu jawaabtay iyada oo u jeedda in geerida darteed neeftiisii la istaagtay, xanuunkii iyo dhibtii dunidana uu ka raaxaystay.

Waxaa xusid mudan in marka sarbeebtu bannaantahay ay tahay markii xaq lagu sugayo ama dulmi lagu difaacayo ee aysan bannaanayn marka xaq lagu duudsiinayo ama baadil lagu sugayo.

4. Nabi Ibraahiim wuxuu kula dardaarmay Saara in aysan hadalkiisa beenin, wuuna u sheegay macnaha sarbeebta uu isticmaalay; maxaa yeelay hadday sheegto in uu ninkeedii yahay waxaa meesha ka baxaya xikmaddii markii hore Nabi Ibraahiim sarbeebta u isticmaalay oo ahayd in gaalada sharkooda lagaga badbaado.

5. Nabi Ibraahiim xaaskiisii wuxuu u diray gaalka isaga oo ku kalsoon in Alle ka ilaalin doono sharkiisa. Nabigu maadaama uusan difaaci Karin xaaska, ayna ka dhalanayso hadduu dagaalamo in isagiina la dilo, iyadiina uusan waxba u tarayn ayuu fuliyay dalabkii gaalka, wuxuuna u jeestay xagga Alle isaga oo weydiisanaya in uu ka badbaadiyo gaalka sharkiisa.

Arrintaani waxay tusaysaa qofka muslimka ah in Rabbi ku addoonsaday wixii uu karo oo kaliya. Tan kale waxaa la xaaraameeyay goynta nafta muslimka ah haddii aan lagu xaqiijinayn wax ka weyn nafta, sida: Jihaad fii sabiili Allaah oo diinta kor loogu qaadayo. Marka aan la hayn awood gaalada la isaga celiyo meesha ma taal in la is dhiibo ee waxaa muslimka laga doonayaa in uu isticmaalo xeelado uu dhibta isaga celiyo ama isaga yareeyo, khayrkana ku fuliyo ilaa laga gaarayo marxalad xoog la isaga caabbin karo cadawga.

6. Baahidu waxay ku khasbi kartaa qofka muslimka ah in uu ka gabbado dabaylaha markii aanu hor istaagi Karin.

Muslimiinta looma oggola in ay qaataan go’aamo qar iska xoor ah oo dhibaatana u keenaya, hadafna aan lagu gaarayn.

Hadafka Jihaadkuna waa in diinta lagu koryeelo ee ma aha dagaal uun kaliya. Nabigeennu (SCW) wuxuu soo maray Aala Yaasir oo la cadaabayo, markaas ayuu ku yiri: (sabra Aala Yaasirow balankiinnu waa Jannee).

Nabiga (SCW) ma jirto cid uga naxariis badan ummaddiisa, mana uu isku dayin in uu xoog ugu hiiliyo asxaabtiisa la ciqaabayo.

Wuxuu sugayay Nabigu (SCW) maalin uu gaalada si la yaqaan isaga dhicin karo.

Waxaa iyana aan furnayn in Jihaadka lagu hor istaago taagdarro aan waaqic ahayn ama in laga boxo aan la doonayn.

7. Qofka muslimka ah waxaa saaran in uu tuhmada naftiisa ka dheereeyo. Saara iyada oo Alle ka bariday in uu gaalka ka celiyo, hadana markii uu lugta ku raftay waxay ka cabsatay in loo qabsado gaalkaas, markaas ayay tiri: Alloow hadduu dhinto waxaa la oranayaa iyadaa dishay.

Nabi Muuse markii uu kexeeyay todobaatanka nin oo la suuxiyay Alle ayuu baryay in uusan ku halaagin waxa sufahadu faleen.

8. Nabiyaasha iyo Rususha Allaah ayaa u ilaaliyay xaasaskooda oo daalimiintu sharaftooda ma dhooqayn karaan.

9. Mu’minka waxaa saaran in uu Alle magangalo marka uu waajoho kurbo iyo imtixaan adag, sida Ibraahiim iyo Saaraba ay yeeleen markii Daalimku damaaciyay Saara.

10. Waxaa kale oo diintu jidaysay in muslimku Alle ku baryo camalka saalixa ah oo uu sameeyay, sida Saaro Alle ugu bariday rumayta Ilaahay, rasuulkiisa iyo inay nafteeda ka ilaalisay waxaan ninkeeda ahayn.

11. Allaah awood buuxda ayuu u leeyahay in uu ilaaliyo awliyadiisa, una hiilliyo.

12. Hadiyadda gaalada in la qaato way bannaantahay, sida ka muuqata qisadaan. Rasuulkeenna (SCW) marar badan ayay gaalo wax usoo hadiyeeyeen oo uu aqbalay.

13. Weysadu way jirtay ummadihii hore, waase laga yaabaa inay teenna ka duwanayd.

14. Nicmada Alle ku siiyo ka sheekaynteedu way bannaantahay oo Saara waxay ugu bishaaraysay Ibraahiim in Alle gaalkii ka celiyay, gabarna ay soo heshay.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire