SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Warbixin cusub: Hal Bilyan oo Tan oo cunto ah ayaa la daadiyaa adduunka oo dhan sanad walba, iyada oo ay dad gaajoonayaan!!

Hal Bilyan oo tan oo cunto ah ayaa la daadiyaa ama la qubaa adduunka oo dhan sanad walba, iyada oo ay gaajoonayaan tiro ku dhow halkaas Bilyan oo dad ah.

Dowlado badan oo Carbeed iyo kuwo kamid ah waddamada soo koraya ayaa arrinta cunto daadintu ka taagan tahay, iyada oo aan laga faaiideysan ayna gaajo haysa qaar kamid ah muwaadiniinta waddamada cuntada daadiya ayaa sanad walba waxa la daadiyaa hal Bilyan oo tan oo cunto ah.

Muwaadiniinta gaajoonaya ee waddamada cuntada daadiya ayaa sidaas oo kale waxa haysta hoy xumo iyo dhibaato gaarsiisa in ay ka dagaagaan waddamadooda, iyaga oo raadinaya ugu yaraan wax ay cunnaan.

Ururka cuntada iyo beeraha ee QM (FOOD AND AGRICULTURE ORGANIZATION) ayaa warbixintiisii ugu dambeysay ku sheegay in waxsoosaarka adduunka ee cuntada 30% ama wax ku dhow 1.3 bilyan oo tan oo cunto ah la daadiyo sanad walba ka hor inta aysan gaarin miiska qofkii cuni lahaa.

FAO ayaa sheegtay in cuntada sanad kasta lagu daadiyo adduunka oo dhan ay baahi tiri karto dadka ku gaajoonaya adduunka oo dhan.

Sababta cuntada ay u daadiyaan ama u qubaan dowladaha soo koraya iyo kuwa Qaniga ah ayaa lagu sheegay in ay tahay dhibaato ka haysata dhanacyada keydinta raashinka , raridda iyo sidoo kale caadooyinka iyo dhaqamada waddamada qaarkood, kuwaas oo lagayaaboo in ay dhiirrigeliyaan daadinta cunatad.

Hadda waxaa kor u kacaya dhalleeceynta loo jeedinayo dowaladaha Carbeed ee sida maalinlaha ah u daadiya Cuntada, ururada bulshada Rayidka ah ee waddamadaas ayaa ka welwelaya saameynat ay cunatad la qubaa ku yeelan karto Cunto helidda adduunka, samesyka dhulka iyo guud ahaan deegaankaba.

Cilmi baareyaal taageero ka helayey guddiga qaaradda Yurub ayaa sheegay in Waddamada midoga Yurub ay sanad walba daadiyaan 22 Milyan oo tan oo cunto ah.

Waddanka Ingiriiska ayaa kaalinta koowaad uga jira cunto daadinta qaaradda Yurub, Warbixinta FAO ayaa lagu sheegay in qoys walb aoo Ingiriis ah uu daadiyo ama qubo cunto qiime ahaan dhan 800 oo Yuuro ama in ku dhow 900 oo dollar.

Faransiiska ayaa muwaadin walba waxa uu daadiyaa 20 illaa 30 Kg oo raashin ah taas oo uu ku rido hanta qashinka iyada oo aan la isticmaalin, cuntadaas ayaa qiime ahaan ku fadhisa 12 illaa 20 Bilyan oo Yuuro sanadkiiba sida lagu sheegay warbixinta wakaaladda Nvairmental Research Letters, oo ka faaloota arrimaha deegaanka.

Si looga hortago dhibaatada cunto daadinta baarlamaanka faransiisku waxa uu soo saaray xeer ka dhan ah cuntada la qubo iyada oo aan laga faaiideysan, xeerkaas ayaa ka reebay Baqaarada ka weyn 400 oo mitter in ay baabi’yaan cunatada aan beeca ahayn sida tan saddaqada ah, qofkii ama baqaarkii jebiya xeerkan ayaa la dul dhiga ciqaab xarig 2 sano ah iyo ganaax lacageed dhan 75000 oo Yuuro.

Dowladaha Carbeed, gaar ahaan waddamada Khiliijka ayaa waxa la soo diiwaan geliyey tiro badan oo cunto ah in lagu daadiyo waddamadaas, taas oo loo aaneynayo dhaqanka iyo Caadooyinka bulsho oo xukuma habka loo cuno cuntada. Munaasabadaha bulsho ee kala duwan iyo xitaa mararka qaarkood iyada oo aan munaasabadi jirin ayaa waxa la qabtaa xaflado ama Sab lagu soo bandhigo cunto iyo cabitaan aad u badan, iyada oo la dhaqangelinayo halhayska caanka ah ee Carbeed oo ah :- Ma yaraanayo ee wuu badanayaa (يزيد ولا ينقص".), kaas oo loola jeedo in barwaaqadu ku badato bixinta balse aanay ku yaraan.


Iyada oo haddaba la tixraacayo tiro koob la sameeyey oo quseeya arrinta cunto daadinta eeWaddamada gacanka Carbeed ayaa waxa la ogaaday boqortooyada Sucuudiga oo kale in ay 16 Milyan oo xeero ama saxan oo cunto ah lagu shubo haanti qashin qubka maalinkii magaalada Caasimadda ah ee Riyaad iyo bariga waddanka Sucuudiga.

16-ka Milyan ee cunatada ah waxa uu muwaadin walba oo ku nool Caasimadda iyo bariga Sucuudigu daadiyaa 250 Kg oo cunto ah, sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee Sucuudigu, laguna xusay warbixinta hay’adda samafalka iyo quudinta ee Sucuudigu.

Magaalada barakeysan ee Maka Al Mukarama waxaa la daadiyay 50.000 oo tan oo cunto ah bishii Ramadaan oo keli ah.

Si looga hortago dhibaatada ka taagan daadinta cuntada ayaa wasaaradda waxbarashada ee Sucuudigu waxa ay qabatay kulan weyn oo ciwaan looga dhigay "Ka hor inta aanay barwaaqdu dhammaan", ujeedka kulankaas ayaa ahaa xal u helidda daadinta cuntada iyo ka guulgaaridda barwaaqo ku kibirka muwaadiniinta Sucuudiga, iyo sidii loo wacyi gelin lahaa calooshi la ciyaar badan oo muwaadiniin Sucuudi ah.

Waddanka Qadar waxa la daadiyaa 50%

Baxreyn 25% waa la daadiyaa cuntadaImaaraadka 55% waa la qubaa Cuntada

Warbxinta hay’adda cuntada iyo beeraha ee QM ayaa lagu sheegay in cuntada adduunka oo dhan lagu daadiyo sanadkii ay gaartay hal Bilyan oo tan oo cunto ah, halka dadka gaajoonayana ay ka sarreeyaan wax xoogaa tiradaas adduunka oo dhan.

Aragtidaada gurigaaga cuntada ma la daadiyaa?

Sidee bulshadaadu ka yeeshaa cuntada ka soo harta?Ma lagu baraarugsan yahay deegaanka qiimaha ay ku fadhiso cuntada la daadiyo? Caadooyinka iyo dhaqanka ma tahay in dib loo eego, marka laga hadlayo arrintan cunto daadinta?

Isha: BBCarabic
Waxaa Turjumay Axmed Ciise Guutaale.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire